Saturday July 11th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Horta yaa soo xereeyey jabhaddii Col. Caarre bij Amir Bidde

0
Tuesday January 07, 2020 - 13:49:20 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 566
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horta yaa soo xereeyey jabhaddii Col. Caarre bij Amir Bidde

    Horta yaa soo xereeyey jabhaddii Col. Caarre bij Amir Bidde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta yaa soo xereeyey jabhaddii Col. Caarre bij Amir Bidde Dadka Somaliland oo dhan way soo dhoweeyeen in arrintu heshiis ku dhammaatay. Arrintu inay nabad iyo heshiis ku dhammaato waxa sabab u ahaa arrimo dhawr ah: ta u horraysa ee xusid mudan uguna muhiimsan waa xukuumadda Somaliland oo albaabka nabadda si ballaadhan ugu furtay Col. Caarre iyo jabhaddiisa. Inkastoo ay ahayd jabhad yar oo daciifa oo wax saamayn ah ku lahayn nabadgelyada Somaliland, iyo ta gobolka Sanaag toona. haddana dawladdu gogosha nabadda ayay si waasic ah ugu dhigtay tan iyo bilowgii. Sababtoo ah xukuumaddu waxay aragtay in loo isticmaalayay "jabhadda" arrimo siyaasadeed oo siiba xisbiyada mucaaridku u adeegsadeen dacaayaddoodii ahayd in bulshada Somaliland qaybsan tahay. Waxa kale oo ay mucaaridka u noqotay marmarsiiyo ay dawladda ku ceebeeyaan mar walba. Sidaa awgeed xusbiga waddani taageero wayn ayuu isku barbar taagay jabhadda.Taageeradaas oo af iyo macnawiba ah. Xusuuso: qudbadihii madaxda xisbiga waddani ka jeediyeen shirkii golaha dhexe ee lagu qabtay Burco, sidii qaawanayd ee la isku barbar taagay jabhadda iyo siday ugu faraxsanaayeen jiritaankeeda. Taageeridda waddani waxay keentay in nabaddu fogaato, heshiisna hore loo gaadhi kari waayo.
Inkastoo col. Caarre uu woxoogaa dhallin ah buur cidlo ah ku haystay, wuxuu helay afhayeenno ku jira saaxadda siyaasadda Somaliland oo maalin walba arrinta buunbuuniya iyagoo jooga Hargaysa kuna hadlaya magac xisbi siyaasadeed. Guddoomiyaha waddani oo jabhadda isku raas yihiin marna kama qayb qaadan waanwaanta iyo dhexdhexaadinta la waday. Hadduu Cirro uu ahaan lahaa nin adag jecelna wadajirka umadda iyo midnimada Somaliland isagaa hor kici lahaa dadaalka loogu jiray nabadaynta Sanaag iyo soo xero gelinta kornaylka. Bal arrinta Cirro barbar dhig tii galbeedka siduu Saylici u tafaxaytay markii shaqaaqo lagu sheegay deegaanka uu ka soo jeedo.
Kaalinta labaad oo iyana mug leh waxaa leh odayada dhaqanka oo si fiican arrintan ugu guntaday, waxayna heleen dheg u raaracsan oo maqasha oo waliba dhaqaalo badanna la garab taagan. Dhegtaas oo ah xukuumadda Biixi.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa gaal dil gartiisana sii; waxay ahayd in maanta heshiiskaa la gaadhay lagu ammaano xukuumadda. Bal dhugo: ninkasta oo siyaasadda meel uun ka soo galaa wuu hadlay wuuna soo dhoweeyey heshiiska Laakiin marna dawladda ma soo hadal qaadayo oo uma oggola libta.


Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO