Sunday January 26th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Safiirka JSL ee Itoobiya: Xaalada Caafimaad ee Suldaan Maxamed Mahad Alle, aad bay u Wanaagsan tahay.

0
Tuesday January 07, 2020 - 14:26:23 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 489
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Safiirka JSL ee Itoobiya: Xaalada Caafimaad ee Suldaan Maxamed Mahad Alle, aad bay u Wanaagsan tahay.

    Safiirka JSL ee Itoobiya: Xaalada Caafimaad ee Suldaan Maxamed Mahad Alle, aad bay u Wanaagsan tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Safiirka JSL ee Itoobiya: Xaalada Caafimaad ee Suldaan Maxamed Mahad Alle, aad bay u Wanaagsan tahay.

Safiir Yuusuf Maxamud Guuleed ayaa shaaca ka qaaday inay aad u wanaagsan tahay xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani, Ilaahay mahadii, ducadii shacabka Somaliland-na Ilaahay aqbalay, isla markaana, raaciyey in wakhtiga uu ka soo baxayo Cusbitaalka, jawaabteeda ka sugaynaa dhakhaatiirta gacanta ku haya daawayn tiisa.

Safiirka JSL ee Itoobiya Amb. Yuusuf Maxamuud Guuleed oo maanta ka jawaabay su’aalo la xidhiidha xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, oo weriye Maxamuud Walaaleye, hawlwadeenada Wargeyska Dawan, ku weydiiyey khadka Fariimaha ayaa sheegay inaanay xukuumada Somaliland kaalin ka qaadan daawayntiisa keliya, balse damaanad-qaaday guud ahaan, maalintii la keenay caasimada Addis Ababa, ilaa maanta-na Safaarada JSL ee Itoobiya oo kaashanaya ehelka Suldaan Maxamed garab-taagan tahay.

"Xaaladda Suldaanku aad bay u wanaagsan tahay. Ilaahay ducadii wuu aqbalay oo imika xitaa wuu fadhiisan karaa. Garashadiisu way joogtaa oo aad buu u fiican yahay, waxaanu helay daryeel caafimaad loo hagar-baxay, dawlad iyo ehelba.” Ayuu kaga jawaabay su’aal laga weydiiyey xaalada caafimaad ee Suldaan Maxamed .

Kaalinta xukuumada Somaliland iyo Safaarada JSL ee Itoobiya ka geyteen la socodka daaweyntiisa & xaaladiisa guud ayuu yidhi,

"Dawladda JSL kaalin kaliya kumay lahayn ee guud iyadaa dammaanad-qaadday xaaladda caafimaad ee Suldaanka oo runtii ah nin Qaran oo dal iyo dad ba kaalin mug ah ku leh. Diyaarad caafimaad gaar ah ayay dawladdu kaga soo qaadday Hargeysa oo Addis Ababa lagu keentay. Maalintaa iyo maantana dawladdu way garabjoogtay. Safaaradda JSL ee Itoobiya oo kaashaynaysa ehelka Suldaanka oo iyana door muhiim ah qaatay, waxay kaalin mug leh ka ciyaareen daaweyntiisa, daryeel iyo duljoog intaba. Hadal markaan soo kobo, Suldaan Maxamed Qaranka Somaliland baa garabjooga, diyaarna u ah mustaqbalka Insha alaah.

Gebabegabdii, oo la weydiiyey wakhtiga ay filayaa inuu Cusbitaalka ka soo baxo, ayuu Safiir Yuusuf yidhi,

"Caafimaadku sidiisaba wuu soo raagaa, Ilaahay fadligiisa mooyee, mar kaliya wax soo booda maaha, sidaa darted, waxaannu ilaahay ka baryaynaa inuu inta u dhiman caafimaadkana degdeg u siiyo. Xilliguu ka soo baxayo Cusbitaalka, isagoo caafimaad buuxa Ilaahay siiyey, dhakhaatiirta ayeynu ka sugaynaa marka ay ku taliyaan, imika jimicsigii baa loo bilaabay oo u socda.


Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WARGALIN DAAWO: SIYAASIGA WEYN EE MAXAMJJD XAASHI CABDI OO KUSOO JEEDA WADANKA JARMALKA IYO JAALIYADA DALKAAS EE JSL OO SOO DHAWEYN MUGLE U DIYAARIYAY
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
WAREYSIYO