Tuesday January 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Mucaaridow Madaxweynuhu Waxba Idin Mahayo Qore Mukhtar Cilmi

0
Monday January 13, 2020 - 08:50:50 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaridow Madaxweynuhu Waxba Idin Mahayo Qore Mukhtar Cilmi

    Mucaaridow Madaxweynuhu Waxba Idin Mahayo Qore Mukhtar Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Mucaaridow Madaxweynuhu Waxba Idin Mahayo Qore Mukhtar Cilmi

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaato.


waxa dhamaaday dulqaadkii dadweynaha, waxa ishii shacabku si fiican u qabatay shaqsiyaadka caadaystay xumo abuurka iyo samo xabaalka, shaqadoodiina noqotay ka dabo wahwahlaynta xukuumadda jirta,balse aan iyagu wax qorshe ah ilaa hadda soo bandhigin. Hadafkoodoo dhamina isugu biyo shubtay maruun Madaxweynaha talada u hayoMd.Muusebiixi cabdi. taladase kumay darin in hadduu maanta madaxweynuhu goaan ka qaato , damacooda kursinoonimo horseedi karo dagaal sokeeye oon laga soo waaqsan oo daba dheeraada,xornimada JSL-na mar labaad xabaashii 1960-gii ay ku dhacday dib uguceliya.Iyadaoo maanta dowladi jirto oo sharci iyo kala dambeyni jirto shaqsiyaadka caadaystay xume-talintu,maxay samayn lahaayeen hal maalin oo dalku galo jawi dowlad la,aaneed? qof kastaa taas jawaabteeda waa garan karaa.



 

Madaxweynuhu waa u diyaar inuu doorasho qabto , waa haddii ay doorasho komishinku qabtan, si taasi u dhacdana waa in sifo sharciya loo soo maraa. Labada gudoomiye ee waddani iyo Ucid CIRRO iyo Faysal waxa u muuqda kursiga oo qudha,balse wax dan ah oo ay dadka iyo dalka ka leeyihiin ma jirto. Taasna waxa caddaynaya:


 

1-komishinka cosob ee maray wadada sharciga ayay rabaan in la diro oo sharciga ay ku doodayaan in dalka laga fuliyo in aan lagu dhaqin oo toodu ay rabaan..runtina sharciga cid kama sarayso komishinkana wuu sii joogaya cidna looma joojin karo.


 

2- in doorasho degdeg ah la galo taasna soortagal noqon mayso waayo dooeashooyinka xiligooda waa la cayimay baarlamaanka iyo deegaanka 2021 taa guurtidana 2022 waana sharci cidna taas ma badeli karto .


 

3-mucaaridku wuxuu dalka galiya xaalad jaho-wareer siyaasadeed oo lagu burburinayo kala dambeynta iyo deganaansha jira, si ay ugu suurto gasho damacooda guracan ee keli talisnimo.


 

Mucaaridka kama madhna ogaanshaha inaanay marnaba suurto gal ahayn inay ku guuleystaan doorashooyinka markaa aanu mar walba khilaaf iyo riwaayad lasoo baxaan CIRRO IYO FAYSAL BA.

 

Ugu danbayn madaxweynuhu go'aankiisu waa in sharciga lagu dhaqmaa oo komishin la badelayo baa iska yar iyo aan la qaban karin doorasho 2020 madaama ay dadku u baahan yihiin diwaangalin dheer.


 

Qore Mukhtar Cilmi


Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WARGALIN DAAWO: SIYAASIGA WEYN EE MAXAMJJD XAASHI CABDI OO KUSOO JEEDA WADANKA JARMALKA IYO JAALIYADA DALKAAS EE JSL OO SOO DHAWEYN MUGLE U DIYAARIYAY
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
WAREYSIYO