Tuesday January 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Gal-daloolooyinka Xeerarka Doorashooyinka Somaliland Waxay Sababeen Hal-xidhaalaha Khilaafka Komishanka

0
Tuesday January 14, 2020 - 08:29:22 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gal-daloolooyinka Xeerarka Doorashooyinka Somaliland Waxay Sababeen Hal-xidhaalaha Khilaafka Komishanka

    Gal-daloolooyinka Xeerarka Doorashooyinka Somaliland Waxay Sababeen Hal-xidhaalaha Khilaafka Komishanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Gal-daloolooyinka Xeerarka Doorashooyinka Somaliland Waxay Sababeen Hal-xidhaalaha Khilaafka Komishanka

Sida ku cad Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xeer Lr. 20/2001, gaar ahaan qodobka 13-aad, waxa xubnaha Komishanka xilka lagaga qaadi karaa marka ay dhacaan sida ku cad arrimaha ku xusan farqadda 1-aad ee qodobkan oo u dhigan sidan;

1.Xubnaha Komishanka Qaranka waxa xilka lagaga qaadi

(b)- Marka uu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.

(t)- marka uu xilka u gudan kari waayo karti-darro ama caafimaad-darro awgeed.

(j)- marka uu ku kaco anshax-xumo, xatooyo, musuqmaasuq, IWM.



Haddaba, su’aashu waxa ay tahay Komishankan cusub ee hadda jooga ee uu Guddoomiyaha u yahay Cabdirashiid Riyo-raac iyo Guddidii doorashooyinka Qaranka ee xilka hayey sannadkii 2009-kii ee uu Guddoomiyaha u ahaa Jaamac Iswiidhan ma jabiyeen farqad ka mid ah saddexdaas farqadood ee sare ku xusan ee sababi kara in la kala diro ama xilka laga qaado? Arrintaas jawaabteedu waxa ay u muuqanaysaa inay tahay ‘MAYA’ sababtoo ah saddexda xisbi qaran iyo Madaxweynuhuba arrintaas way isla ogol yihiin, mana jiro dhinac qudha oo soo bandhigay shardi ay Komishanku jabiyeen oo xilka lagaga qaadi karo.

Haddii ay dhacdo ama la caddeeyo in xubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka ama xubnahooda oo isku dhan ay la yimaadeen mid ka mid ah saddexdaas arrimood ee ay xilka ku waayi karaan, muran badani ma jiro oo waxa qudha oo loo gudbayaa tallaabooyinka ku cad farqadaha 2-aad iyo 3-aad ee isla qodobkan 13-aad ee xeer Lr. 20/2001, kuwaasoo u qoran sidan;


2.Marka la dareemo arrimaha kor ku xusan (ku cad farqadda 1-aad), waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi-baadhiseed oo ka soo warbixisa, si uu go'aan ugu qaato.


3.Xil-ka-qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiilladu ku ansixiyo xil-ka-qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority).


Sida halkan ku qeexan, haddii ay dhici lahaayeen arrimaha ku xusan saddexda farqadood ee u horeeya qodobka 13-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka ee Xeer Lr. 20/2001, waxa xalka iyo go’aan-ka-gaadhistooda yeelan lahaa Madaxweynaha Somaliland, kubbadduna miiskiisa ayey saarnaan lahayd dhanka uu doono ha u laagee, iyadoo xumaanta iyo wanaaga ka dhashaba uu Madaxweynuhu yeelan lahaa.


Hasayeeshee, haddii ay dhacdo in xisbiyada qaranka iyo Xukuumaddu isla qaataan heshiis ah in la beddelo Guddida Doorashooyinka Qaranka, isla markaana aanay jirin sabab sharci oo Komishanka loo kala diro ama aanay la iman arrimo ka mid ah xaaladaha ku xusan farqadda 1-aad ee qodobkan 13-aad ee xeer Lr. 20/2001, waxa lala imanayaa in xubnaha Komishanka lagu qanciyo inay si iskood ah isku casilaan, taasoo ka mid ah saddexda hab ee uu ku bannaanaan karo xilka xubnaha Komishanka Doorashooyinku.

Khilaafkan la xidhiidha Komishanka Doorashooyinku maaha mid ku cusub Somaliland, balse hore ayey arrintan oo kale u dhacday sannadkii 2009-kii, kadib markii si wada-jir ah loo saxeexay heshiis ka koobnaa lix qodob oo lagu soo afjaray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyey xisbiyadii qaranka ee KULMIYE, UDUB iyo UCID, heshiiskaas oo si rasmi ah loo kala saxeexday taariikhdu markii ay ahayd 30 September 2009 waxa ku jiray qodob sheegayey in la beddelo xubnihii Komishanka Doorashooyinka ee xiligaas joogay, iyadoo loo mariyey dariiqa ah in lagu wada qanciyo inay xilka iska casilaan, si loo banneeyo xilalka ay qaranka u hayaan, kadibna loo soo magacaabo Komishan cusub oo lagu beddelo.


Sida muuqatayna Madaxweynihii Somaliland ee xiligaas Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka codsaday inay Komishanku iscasilaan, balse xubnihii Komishanka Doorashooyinka ee xiligaas joogay, Guddoomiyena uu u ahaa Mr. Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden), ayaa markii uu heshiiskaasi soo baxay ku kala-aragti duwannaanaday qodobka heshiiskaas ku jiray ee ahaa in Komishankooda lagu sameeyo xil-ka-qaadis, iyadoo ay xubno ka mid ah ku doodeen in aannu jirin wax sharci ah oo ogolaanaya in la kala diro, maadaama aannu jirin qodob sharci oo ay jabiyeen, halka xubno kalena ku doodeen in loo baahan in danta guud ee qaranka loo tanaasulo.


Haddaba, laba xubnood oo ka mid ahaa Komishankaas, ayaa si iskood ah u go’aansaday inay iscasilaan, waxayn kala ahaayeen Mr. Ismaaciil Muuse Nuur iyo Mr. Khadar Maxamed Guuleed, iyagoo go’aanka iscasilaadooda si rasmi ah ugu dhawaaqay 3 October 2009, waxayna yidhaahdeen; "Markaanu danta Qaranka eegnay ee aannu isku qancinay in loo baahan yahay in aannu fursad siino shacabka kale ee Somaliland, waxaannu isla qaadanay labadayada xubnood in aannu xilkii aannu ummadda u haynay iska casilno.”

Maalin kadib oo ahayd 4 October 2009, waxa iyaguna si wada-jir ah xilalka iskaga casilay Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Mr. Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden), Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne) iyo Maxamed Yuusuf Axmed, halka laba xubnood oo kala ahaa; Mr. Cali Maxamed Cabdillaahi (Biikalo) iyo Xasan Maxamed Cumar ay iyaguna maalmihii ka dambeeyey xilka iska casileen, iyadoo ay toddobadii xubnood ee Guddida Doorashooyinku sidaas isku wada casileen, una banneeyeen xilalkii ay hayeen.


Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Golaha Guurtida iyo xisbiyadii mucaaridka ee KULMIYE iyo UCID, ayaa soo magacaabay Komishanka cusub ee lagu beddelay Guddidaas hore ee xilka iska casilay, komishankaas la soo magacaabay oo uu Golaha Wakiilladu ansixiyey 24 October 2009-kii, isla markaana xilka si rasmi ah ula wareegay taariikhdu markii ay ahayd 3 November 2009, waxayna kala ahaayeen;


1.Maxamed Axmed Xirsi

2.Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari)

3.Faarax Abiib Aadan.

4.Raabi Shariif Cabdi Maxamed

5.Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil

6.Cali-Khadar Xasan Cismaan

7.Cabdifataax Ibraahim Xassan


Haddaba, khilaafkaas Somaliland soo maray sannadkii 2009-kii, ayaa haddana mar kale xiligan oo lagu jiro 2020 ka taagan dalka, iyadoo la isku khilaafsan yahay xubnaha Komishanka cusub ee hadda xilka haya oo ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen taariikhdu markii ay ahayd 12 November 2019, xilkana si rasmi ah ula wareegay 30 November 2019, marka laga reebo Mr. Maxamuud Siciid Dalmar oo ah xubinta uu xisbiga WADDANI soo xulay oo aan la ansixin, lana dhaarin, waxay kala yihiin;


1.Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac)

2.Maxamuud Daahir Jaamac

3.Mustafe Maxamed Daahir

4.Kaltuun Xasan Cabdi

5.Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood)

6.Xasan Yuusuf Ducaale


Haddaba, gal-daloolooyinka ka muuqda shuruucda Somaliland, gaar ahaan xeerarka khuseeya arrimaha doorashooyinku waxay keeneen in dalku kolba dib u raaco raadkiisa, khilaafyada ka dhasha magacaabista iyo kala-dirista Komishankuna ay innagu noqdaan hal-xidhaale adag oo furfuristiisu waqti badan qaadato, waxaanna taas caddayn u ah sida khilaaf toban sanno ka hor taagnaa uu haddana mar lale dib u soo laba-kacleeyo maanta oo lagu jiro 2020-.


Waxa uu khilaaf cusub ka dhashay sidii loo fulin lahaa go’aankii ay soo saareen Ergadii Dhexdhexaadinta ahayd ee isugu jiray Culimada iyo Ganacsatadu ee soo baxay 13 December 2019-kii, balse waxa waajib ah in la maro dariiqii la maray sannadkii 2009 oo ah in Komishankan cusub ee khilaafku ka taagan yahay lagu qanciyo inay si iskood ah isku casilaan, una tanaasulaan danaha guud ee qaranka Somaliland, maadaama aannu jirin qodob sharci ah oo lagu kala diri karo hadda, iyadoo Madaxweyne Muuse Biixi looga baahan yahay inuu qaato masuuliyadda ugu weyn oo ah sidii qawl iyo qoraalba loogu qancin lahaa inay iscasilaan Komishankan uu Guddoomiyaha u yahay Cabdirashiid Riyo-raac, halka Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI-na looga baahan yahay inay Madaxweynaha si buuxda ula qaataan in aannu xiligan jirin qodob sharci oo Komishankan lagu kala diri karo, kadibna ay dhinacooda ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa dariiq kasta oo xubnaha Guddida Doorashooyinka looga dhaadhicin karo inay qarankooda u tanaasulaan.


Haddaba, maxaa dhici kara haddii Komishanka Doorashooyinku ay Madaxweynaha, xisbiyada qaranka iyo Ergada Dhexdhexaadintaba ka diidaan inay is-casilaan? Arrintaasi jawaab sharci ayey u baahan tahay, waxaanan u dhaafayaa sharci-qaannada dalka Somaliland, balse fikir ahaan waxa ay iila muuqataa inay noqon karto in saddexda xisbi qaran ay diyaariyaan qoraal ay ku midaysan yihiin oo ay si wada-jir ah kalsoonida ugala noqdaan xubnaha Guddida Doorashooyinka, kadibna dacwad ka dhan ah Komishanka u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka Somaliland,si ay arrintan go’aan uga soo saaraan.


Waxa kaloo suurtogal noqon karta in Madaxweynaha oo qudha ama ay wehelinayaan xisbiyada qaranku ay si wada-jir ah Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Somaliland uga codsadaan inay soo saarto qaraar lagu burinayo go’aankii ay Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen Guddida Doorashooyinka, laakiin sharciyan sida ay arrintani u hirgeli karto waa la iiga aqoon badan yahay, balse arrinta ugu quruxda badan ee dhinac walba shsarafta u ah waa in khilaafkan lagu dhammaystiro qaab sulux ah oo lagu wada qanacsan yahay.


Diyaarintii Maxamed Cumar Cabdi (Cirro),

Hargeysa, Somaliland.

Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WARGALIN DAAWO: SIYAASIGA WEYN EE MAXAMJJD XAASHI CABDI OO KUSOO JEEDA WADANKA JARMALKA IYO JAALIYADA DALKAAS EE JSL OO SOO DHAWEYN MUGLE U DIYAARIYAY
OGEYSIIS UBAXLE LEGAL ADVICE and ACCIDENT CLAIM
DAAWO: SULDAAN CABDIRAXMAAN AADAN MAXAMED OO BAAQ NABADEED BEELAHA CEELAFWEYN U DIRAY + FARIINTA XUKUMADA
WAREYSIYO