Friday February 21st, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Calafkan la sheega ma caabuqaygaa ?

0
Monday February 03, 2020 - 09:43:11 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Calafkan la sheega ma caabuqaygaa ?

    Calafkan la sheega ma caabuqaygaa ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Calafkan la sheega ma caabuqaygaa ?

Si lamma filaan ah ayaad uga hellaysaa qof aad kulanteen wakhti yar, kaaso aanad aqoon buuxda u lahayn. Adigoo ku xullanaaya mid kamida dhaqamasiisa. Halka kuwo innaga mid ahi aanay garan karin ujeedka ay ula samaynayaan xidhiidhka qof kale.

Horaanta sheekada iyo bilawga xidhiidhka qof waliba wuxuu usoo bandhigayaa qofka kale dhaqan wanaag, xushmad iyo shay walba oo uu ku raali galin karo qofka kale.


Judhaba waxa ku xulaaya dareen aanad garanahayn meel uu kaaga yimi , waadigaa isku arkay hillow badan oo aad u qabto qofkii kale. Judhiiba waadigaa noqday Kali socod , warwar badana kugu soo food saaray. Waadigaa ka diiqadooday dadka oo idil, Waxa ugu weyn ee maskaxdaada kusoo noq-noqdaa waaka noqday goorta aad maqli doonto ama aad arki doonto qofkii isbadalka kuu horseeday.

Inta aad maqlayso codkeedu, addunkuba waaka adiga noqday ee farxada , qosolka iyo fur-furnaantada laga yaabay !!.
La joogeedu waa ka kuu bixiyay farxaan maqnaanteeduna waata kugu dhajisay yaabane.

Kulamadiinu waa joogto aan kalla go' lahayn , manna hoyatid ilaa aad habaynkii aragtid wajigeeda nuurka leh.

Waxaad muddo sidaa ahaataba inantii goor walba kusoo wici jirtay waata yaraysay soo hadalkii, kulankiina gaabisay.
Maalmo yar kadibna xidhiidhkii goysay iyadoo waddo uga dhiganaysa khalad yar oo idinka dhex dhacay habayn.

Mugdi badan waaka kusoo food saaray
Waadiga kalinimadii ay wehelka kaaga ahayd kugu cidlaysay,Cidla waadigaa dareemay, oomato waa kaa jidiinkaagi mari kari waayay. Isagoo hollac qalbigaagi ka baxaayo oo aan bogsanba waata stutes-ka soo dhigtay " annigaa nin rageed hantiyay ".
Markii la arkay inay fariintii kusoo gaadhayna, innta habayn lagu soo wacay waata lagu yidhi " lacafbaa ina kala geeye jacaylkeenu dhiin dhiin buu ahaa ".

◇◇◇ ◇◇◇ ◇◇◇

• Calafku ma barmuuda
• Ma Akhiro badhkeeda
• Ma qiyaamahoo la aada
• Ma mid aanan lahayno
• Sadkiisa helayno
• Layba siinayn abidbaa.

• Ma garan ujeedada
• Tii aan jeclaade
• Nafdaydanu jamataba
• Calafkani u jiite
• Jar kale ugu lifaaqo.

• Ku daalay calafow
• Caynadaada gaarkiyo
• Midabka aad leedahay.

Waxa qoray : nimcaan axmed biixi.
Email:bihialin@gmail.com
Tell: +4915213430795
Germany , mannheim

 

Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WAREYSIYO