Tuesday May 26th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

UMA MUUQDAAN REER AWDAL 9 SANADOOD OO XUKUNKA DALKA HAYEEN ..PROF..M. AHMED F. MATAAN [JAAFAA]

0
Friday February 07, 2020 - 18:49:46 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 250
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 1 0
  • Share via Social Media

    UMA MUUQDAAN REER AWDAL 9 SANADOOD OO XUKUNKA DALKA HAYEEN ..PROF..M. AHMED F. MATAAN [JAAFAA]

    UMA MUUQDAAN REER AWDAL 9 SANADOOD OO XUKUNKA DALKA HAYEEN ..PROF..M. AHMED F. MATAAN [JAAFAA]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UMA MUUQDAAN REER AWDAL 9 SANADOOD OO XUKUNKA DALKA HAYEEN ..PROF..M. AHMED F. MATAAN [JAAFAA]

  • Runtii waxa igu qasbay inaan maqaalkan Qoro, ayaa waxay tahay, Markaan arkey dhacdooyin badan, oo isagu jira dilal iyo hanjabaado, ku soo noq noqonaya, deegaan keliya oo ah Gobolka Awdal, dilalkaasna lagu sheego nin Suldaan Weber la yidhaahdo. Laakiin uu ka danbeeyo madaxweynihii hore ee SomalilandDaahir Riyaale Kaahin, Sheekh Diheeye, Suldaan Wabar iyo Cabdiraxmaan Shide Bile, waqti igu filana aan ogaa, ka markhaatina aan ahey, Xidhiidhka reernimo ee u dhaxeeyeyna aan ogaa.
    Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee shacabka Somaliland naxdinta weyn ku reebtay ee aheyd weerarkii lagu qaadayguriga Badhasaabkii hore ee Boorame 2015, laguna dilay laba askari laguna dhaawacay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland, Jidgooyin, Jabhad hubeysan laga sameeyey gobolka Iyo askarigii lagu diley biyo gelinta Boorame,maantana loogu hanjabey in la dilo badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali,waa in Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanku dacwad ku soo oogto, Daahir Riyaale Kaahin, SHeekh Xasan Diheeye,Suldaan Abuubakar Cilmi Waabar iyo maayarkii hore ee Boorame Cabdiraxmaan Shide Bile maadaama ay ka danbeeyeen dilalkii iyo abaabulkii fowdada ahaa ee sanooyinkii u danbeeyey,ka dhacayey gobolka Awdal loona hayo cadeymo iyo markhaatiyaal.

    Shacabka reer Awdal ma aaminsana Dawladnimada Somaliland, waxay u haystaan qoys keliyi uu ku shaqeysto, Danahoodana ku fushadaan ama xukun wax lagu maroorsadey... oo wax lagu dhaco..Uma muuqdaan 9 kii sanno ee ay xukunka dalka hayeen, Dawladi waa qayb ka mid ah dadka oo la ururiyey, loo qaabeeyey iney u adeegaan bulshada (adeega bulshada), loona xilsaartay iney hogaamiyaan,siyaasadda, dhaqaalaha, sugida amniga, ilaalinta iyo fulinta sharciga (siyaasada), ilaalinta badda iyo cirka iyo dhamaan xuduudaha ay leeyihiin bulshadaas ay metelaan, difaacida xoriyada muwaadinka, iyo qaranka guud ahaanba.

    Waxay kaloo dawladdu garsoore u tahay muwaadinka, sidoo kale waxay Xaakim u wada tahay muwaadiniinta ay dawladda u tahay, oo la doonayo inay u kala garqaado kii gardaran ay sharci mariso, kii laga gardaran yahayna ay xaqiisa usoo dhiciso.

    Prof, Mohamed Ahmed Farah Mataan (jaafaa)
    Liverpool, UK.
 


Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO