Friday February 21st, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Maantaba Dab Lagama shidan, laydhna masoo galo, Hadana waa gubtay

0
Friday February 07, 2020 - 19:29:18 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maantaba Dab Lagama shidan, laydhna masoo galo, Hadana waa gubtay

    Waa dhacdo kooban xalay aan la kulanay aniga iyo suxufiyiin kale oo aan jeclaystay inaan idinla wadaago..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Waa dhacdo kooban xalay aan la kulanay aniga iyo suxufiyiin kale oo aan jeclaystay inaan idinla wadaago..

Anagoo aroos gelbinayna gawaadhidu laamiga plaza haysato, markaliya waxa dhakhso noo soo galay hoonka qaylada dheer ee saaran gaadiidka ciidanka dabdamiska,

jidkana waa loo baneeyay, walow gaadhi aan wadanay aniga iyo laba suxufi oo aan wada soconay iska daba dhiganay damdamiskii oo nala aaday dhanka waqooyi ee xaafada plaza,

Inkasta oo uu naga fogaaday gaadhiga damdamiska oo aad udheeranayay, waxaanu goor danbe gaadhnay goobtii dabka laga soo sheegay,

Waa guri isugu jira dhawr buul iyo hal jiingad gabawday, waxaana gubtay mid kamida buulasha walow aan gaadhnay goor la bakhtiiyay dad ubadan dhalinayaro oo gurmadani soo buuxdhaafiyeen,

Taliyaha ciidanka damdamiska watay ayaan ka codsaday in booyadu damdamisku ay biyo ushubto xaafada maadaama ay danyar iila muuqdeen biyihii ay haysteena guriga lagu bakhtiiyay, taliye jeesto wuu iga aqbalay, biyihiina xaafada way ku caawiyeen,

mid naga mida ayaa islaan kamida dadka soo gurmaday iska waydiiyay waxa guriga gubay, waxay noo sheegtay in aan xaafada shan cisho dab laga shidan dadkii ku noolaa oo danyarina ay ka maqnaayeen guriga oo dabku ka baxayana la arkay,

Dabku ma ahayn mid koronto ka dhashay, oo arladu waa madow oo laydhba uma dhawa gurigana ka yar go. An xaafadaha kale,

Dareen ayaa naga galay hadalkii gabadhu noo sheegtay, aniga suxufiyiintii ila socotay.

Guri aan dab laga shidan shan cisho, laydh korontana aan lahayn maxaa gubay?

Si aan uxaqiijino waxaan raadinay cidii guriga lahayd, wax yar kadibna waxaan helnay hooyadii guriga oo xiiqsan, diif iyo daal badan ka muuqdo, ilmana indhaheeda saaran tahay,

Si dareen leh oo aan uxogwaraysanay iyadoo xiiqtiranaysa waxay si kooban noo tidhi "ma garanayo cid na gubtay, maantaba dab kumaanu shidan guriga, fiidkii ayaan aniga iyo caruurtu isu raacnay xaafada halkaasa oo inantaydu leedahay si aan uga soo cashayno, dee waa taas naloo yeedhay gurigii oo gubanaya".

Waxay noo raacisay maxaa naloo gubay? Waan damqanay oo dejinay hooyadii una sheegnay in waxkastaaba alle qadaray".

Waxaan aad uga naxay danyartaa cadiban, alle mooyee cid kale ogayn duruufta ay la noolyihiin ee gaajadii haysay ugu darsantay caawa hoy la,Aantu.

Hadana waxaan dib u jaleecay jidkii aan soo marnay iyo jaarkii ugu dhawaa oo laydhkoodu meel dhaw iiga muuqdo bagalooyinkii waaweynaa xaafada plaza oo ay degan yihiin dadka ugu ladan magaalada.

Waxaan yaqiinsanahay in wax kastaa qadarka alle yihiin, hadana alle isku eegaayo umadiisu siday isu caawiso.

Kaas hawada usoo baxay, guriga qafilana ka dhistay, caruurtiisa ganjeelka wayn dhexdiisa garoon ay ku ciyaaraan uga sameeyay,gaadhigii adeegana xaaskiisa udiyaarshay iyo kan dudadiisa ku gaajoonaya, gurina aan haysan buulkii ay sameysteena gubtay, ilaahbaa isku eegaya, siday isku caawiyaan.

Walaalayaal aynu gargaarno keena jilicsan markaasaa alle inoogu naxariisanayaaye...

N:B. Xaafadani danyarta ee xalay gubatay waxay ku taalaa jidka udhexeeya xaafadaha palaza iyo kilaha. Hadii aad caawinaysana waanu kuu helaynaa hooyada xaafadasi xidhiidhkeeda.

Qorre: Xabiib cige xasan.


Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WAREYSIYO