Friday February 28th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

MADAXWEYNE BIIXI MA QAADAN DOONAA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAND HADDII LOOLA YIMAADO ? MADAXWEYNE FARMAAJOSE RAYSAL WASAARE MUUSE XUKUMO ?

0
Monday February 10, 2020 - 19:07:33 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE BIIXI MA QAADAN DOONAA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAND HADDII LOOLA YIMAADO ? MADAXWEYNE FARMAAJOSE RAYSAL WASAARE MUUSE XUKUMO ?

    MADAXWEYNE BIIXI MA QAADAN DOONAA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAND HADDII LOOLA YIMAADO ? MADAXWEYNE FARMAAJOSE RAYSAL WASAARE MUUSE XUKUMO ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
MADAXWEYNE BIIXI MA QAADAN DOONAA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO SOOMAALILAND HADDII LOOLA YIMAADO ? MADAXWEYNE FARMAAJOSE RAYSAL WASAARE MUUSE XUKUMO ? intaynaan u guda gelin kajawaabista su,aasha cinwaanka saaran aan si kooban u eegno siduu ku yimi goosiga soomaaliland marxaladihii uu soomaray cidda citiraafkiisa hortaagan iyo sida loogu talo galay in ayku danbayso mustaqbalka .

Kadib markii siyaad barre ka cararay dalka waxaa muqdisho lagaga dhawaaqay dawlad aysoo dhiseen talyaaniga iyo putlaan ( majeerteen) taasoo looga danlahaa dhawr qodob oo kala ahaa (1) in awooda hawiye ee aanay daarood u qumaynin laysku jebiyo kadib marka laysku dhufto habar gidir iyo abgaal (2) in la jebiyo heshiiskii jabhadaha snm ssdf iyo usc oo dhigaayey in dalka sadex meelood loo qabto kadibna laysugu yimaado sidii loo dhisi lahaa dawlad dhexe oo loo dhan yahay heshiiskaas isaaq ama snm baawar siinaya ayku dhex yeeshaan siyaasada soomaaliya ayna u arkeen ciddii siyaasada soomaaliya gacanta ku haysey in haddii isaaq siyaasada baawar ku yeesho hawiye oo ay maanta soo wada dagaalameena raacayo taasina meesha ka saarayso daarood oo majeerteen hogaaminayo awooda dalkuna isbahaysiga cusub gacanta u gelayo ayna la kaashanayaan ingiriis oo ah saaxiibka soomaaliland iyo inankiisa maraykan sidaasna talyaaniga iyo xulafadiisa meesha looga saari doono (3) in lakala jaro hawiye iyo isaaq colaadna la dhexdhigo si aanay labadooda wax siyaasad ahi uga dhaxayn oo lid ku ah daarood iyo talyaaniga .


Hadaba ku dhawaaqistii dawladii xamar laga dhisay ee uu hogaaminayey cali mahdi oo ahayd mid aysoo dhiseen daarood iyo talyaani si arimahaas aan soo sheegnay u hirgalaan reer soomaaliland oo guud ahaan aad ugu ciil qabey dawladoodii lixdankii ay koonfur geeyeen iyagoo soomaali isla doonaya iyo waxay kala kulmeen ayaa hadana u arkay in markale soomaaliya rabto inay afduubto halgankii ay ku rideen dawladii siyaad barre oo larabo in ladoonayo in lagu yidhaahdo siyaad barre hadaad ka cadhaysnaydeen teg ee dawlada ku fayla iyadoon loo ogolayn waxbaba taasina waxay snm ku keliftey inay isugu yeedhaan reer soomaaliland oo u sameeyaan dawlad gooni isutaag ah si loogu gorgortamo laba dawladood oo lixdankii isu yimi maadaama intii kale laysla waayey oo ayba saxeexeen reerkoonfurku inaanay soomaaliya kusoo biirin ee ay dawladohooda kasii mid ahaadaan marka laga reebo jabuuti oo aanu faransiisku ogolayn inay soomaaliya kamid noqoto si uu usii joogo maslaxadiisana ugu ilaashado .

Hadaba guud ahaan goosiga soomaaliland muusan ahayn mid lagusoo talo galay ee wuxuu ahaa mid ka dhashay ficilka siyaasadeed ee koonfuri ku dhaqaaqday iyo mustaqbalka lagu gorgortamo laba dawladood oo lixdankii midoobey . Hadaba gacanku hayayaasha siyaasada soomaaliya ee talyaaniga iyo putlaan ayaa awoodoodii isugu geeyey inaanay soomaaliya nabadi ka dhicin weligeed intay meesha ka saarayaan qabiilka hawiyaha oo ah mid la safta cidkasta oo iyaga siyaasad kagasoo horjeeda sida keenista isaaqa keenistii ruushka iyo keenista ingiriiska maraykanka iyo xulafadoodaba wixii dagaalo noocyo kala duwan ka dhacaayey koonfurna iyagu ka danbeeyey ridistiisa iyo kuwan hadda joogaba .

Hadaba soomaaliland ayaa iyana weydey cid aqoonsata kadib markay raaci weydey wadooyinkii lagu aqoonsan lahaa iyagoo uga baqay siyaasad ahaan inay khatar gelin karto , dhinaca kale ingiriiska iyo maraykanka ayaa diidey in ay aqoonsadaan ama la aqoonsado si ay soomaaliya ugaga dhigtaan salaan ay usii maraan faragelinta siyaasadeeda oo haddii soomaaliland ka dhex baxdo aanay jirey wado ay usoo maraan kuwaas oo doonaya kafaa,iideysiga khayraadka soomaaliya iyo gacanku haynta istiraajiitiyadeeda .

Hadaba maraykanka iyo ingiriiska ayaa doonaya inay soomaaliya iyo soomaaliland dib isugu celiyaan iyagoo laba dawladood fadaraal ah isla markaana soomaaliland loosoo wareejiyo caasimada iyo madaxweynaha oo baawar leh halka koonfurina qaadan doonto raysal wasaare si ay koonfur uga maamulaan soomaaliland . Dhinaca kale talyaaniga iyo putlaan ayaa iyana la ogol iyagoo iyaguna doonaya in ay xukunka dalka u dhiibtaan cid iyaga la siyaasad ah oo ay si dadban ugu dul maamushaan kuwaas oo ah xisbiga wadani isla markaana 50% dadka soomaaliland soomaaliya si buuxda u taageeri doonaan sida qabiilooyinka garxajis, samaroon iyo harti waqooyi intuba si markay ay dalka gacantooda ugusoo noqdo halka qolada kale doonayso in kulmiye dalka gacanta ugu hayo siday doonayaana ugu maamulo taasoo haday siday doonayaan u dhacdo qolada koonfurtu dib loosoo qaban karin hadaan sharci lagaga hortegin ah inaanay koonfuri ka qayb gelin doorashooyinka soomaaliland iyo cidii heer fadaraal usoo baxaysaba .

Hadaba muddo dheer oo soomaaliya talyaanigu ka dhooqaynayey maraykanka iyo ingiriiska siyaasada soomaaliya waxay hadda heleen madaxweynahan maanta maxamed cabdilahi farmaajo kaasoo u ogolaaday waxay rabeen isna doonaya in loo ogolaado wuxuu doonaayo taasoo ah in dalka awoodiisa si khasab ah gacantiisa loogu geliyo waxkastoo ku baxaya taasina muuqato sida loogu taageersan yahay iyo in soomaaliland laga baajiyo gooni isutaaga si dalka looga xukumo ee xamar aanay ahayn meel gacantooda ku jirta siyaasiyan .

Hadaba haddii madaxweyne muuse biixi labada dal madaxweyne looga dhigo farmaajana raysal wasaare waxaa sidegdega loo furayaa qodista khayraadka dalka taasoo ay gacantooda geleyso cidda keliya ee arinkan dabada kawada nabadiisana mudo kayar bil sibuuxda gacmaha loogu dhigayo iyadoo ay kawada qaybgeli doonaan soomaaliland itoobiya keeniya ereteriya maraykanka ingiriiska iyo dhamaan fulafada ay bahwadaagta siyaasadeed yihiin , waxaan isna diidi karin madaxweyne muuse biixi oo ay khasab ku tahay inuu mindida siyaasad daabkeeda qabsado halka uu afkeedu kusoo jeesanayo hadduu diido .

Dhinaca kale putlaan oo ah gacanku hayaha siyaasada soomaaliya ayaa aragtay iyadoo cidla taagan iyo khatar siyaasadeed oo aanay u meel dayan oo kusoo fooleh taasoo iclaamisey shir degdeg ah oo ay kaga arinsanayaan waxaana dhici karta dhawr arimood oo talaabadaas ka dhalan karta oo ayku kacaan kuwaas oo kamid ah (1)inay labada gole xilka xayuubin ku sameeyaan degdeg ah madaxweynaha ahna tan ugu dhow ee ay kaga hortegi karaan arinkan (2) inqilaab ayku sameeyaan sidii cabdirashiid cali sharmaarke (3) gooni isutaag ayku dhawaaqaan taasoo iyaga khatar ku ah iyo inay is daad raaciyaan iyagoo iyagu ku gorgortamaya inay qaataan raysal wasaaraha si mustaqbalka ay siyaasad ahaan dib ula wareegaan .

Guud ahaan madaxweyne biixi haddii loo doorto soomaaliya iyo soomaaliland wuuku khasban yahay inuu qaato nabad iyo barwaaqana maalintaas ayaa inoogu horaysa soomaaliya iyo soomaaliland labadaba farmaajana waa raysal wasaare hadduu xukunka dalka kusoo wareejiyo hargeysa ,dadweynaha soomaalilandna waxaan leeyahay siyaasadu waa mindi mindina ninkii daabka haysta ayuunbaa waxku dila oo maanta farmaajo oo 2km soomaaliya ka xukuma ayaa wuxuu doono idinkula kacaya oo aydaan waxba ka qaban karin cidina waxba kaaga qaban karin kolkaa haddii laydiinka soo qaado oo laydiin dhiibo qaata madaxweyne kasta oo arinkaas ku dhaqaaqana ku taageera hadhowna idinkay idinla jirtaa sidaas ka yeeleysaan .

Qore: maxamed aadan
Siyaasi madax banaan
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
DAAWO: FULL KHUDBADII SIYAASI MAXAMUUD XAASHI KA JEEDIYAY MUNAASIBAD WEYN OO DALKA SWEDEN CAASIMADA STOCKHOLM LOOGU SAMEEYAY
WAREYSIYO