Saturday July 11th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

XOG: Maxay tahay Faa'idada ku jirta Musharaxnimada Maxamud Xaashi & Go,aanka Madaxweyne Muuse Biixi?

0
Wednesday February 12, 2020 - 20:44:57 in Wararka by Sanaag Office
  • Visits: 3804
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG: Maxay tahay Faa'idada ku jirta Musharaxnimada Maxamud Xaashi & Go,aanka Madaxweyne Muuse Biixi?

    XOG: Maxay tahay Faa'idada ku jirta Musharaxnimada Maxamud Xaashi & Go,aanka Madaxweyne Muuse Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOG: Maxay tahay Faa'idada ku jirta Musharaxnimada Maxamud Xaashi & Go,aanka Madaxweyne Muuse Biixi?


Waxaa beryahan doodeedu taagan tahay Musharaxnimada Hogaaminta Xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Muuse ka-dib, iyadoo ay rag badan oo ka mida xisbigu u hanqal-taagayaan isla markaasina hunguraynayaan inay hogaanka u qabtaan majaraha Gudoonka sare ee xisbul-Xaakimka.

Hadaba su’aasha is-weydiinta leh ayaa ah: kumaa ku haboon Hogaaminta Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse ka-dib.Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu ah: Siyaasiga keliya ee shaaciyay AMA ay ka muuqato inuu yahay musharraxa Rasmiga u taagan jagada Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.


Dabcan, Marka Hore. damacu waa sunne aad u wanaagsan oo ka turjumaya in qofku yeesho Han Iyo Himilo oo uu ka Run sheego weliba. Isla-markaana u dhib yareynaysa inuu gaadho yoolkiisa.Inagoo intaasi maanka ku hayna, ujeedaduna intaasi tahay.
Ayaa waxaad dadweynaha ka maqlaysaa doodo iyo talooyin siyaasi ah oo kala duwan, iyagoo raba inay qeexaan Hogaamiyaha dhabta ee uu u baahan-yahay Xisbiga Kulmiye.

Hadaba Su,aalaha halkaasi ka soo baxaaya, Ayaa waxay inagu khasbayaan inaynu baadhitaan dhaba ku sameyno.. Cidda rabta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Inagoo ka jawaabayna su.ashaasi odhanaysa,
Ma yahay Siyaasigani kii aynu u baahnayn???. 

Waxaa Jira Raga kale oo qarsoon oo Ex-Wasiir Maxamud Haashi Loollanka kula jira. laakiin sabab kasta ha noqotee aan si rasmi ah weli banaanka ugu soo bixin, laakiin Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ah siyaasiga kaliya ee ilaa hadda caddeeyay hankiisa hoggaanka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo uu Guddoomiye iminka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kasta oo ay tahay: Musharaxa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Maxamuud xaashi ayaa noqday : Siyaasiga keliya ee kaambeyn {olole} ku cadeeyey inuu tageero weyn ka haysto Shacabka ugu badan ee Gudaha iyo Debadda ku dhaqan,  Sanqadhiisuna aad u weyn tahay, Saameyn badana ku leh Xisbiga kulmiye, Iyadoo Doorashooyinkii Degaanka iyo Wakiiladda loo diyaar-garoobaayo.

Muxuu xisbiga kulmiye ku Danbeynayaa; waa su.aal kale oo mudan in lays weydiiyo.

Doorasho kasta waxay leedahay Fursad iyo Imtixan labadaba Laakiin Maanta waxaa Madaxweyne Muuse Biixi horyaala Madax-wareerkii ugu weynaa taarikhdiisa una baahan go,aan qaadasho adag iyo inuu ka hortago waxii halis u ah xisbiga ama ku yimaadda iyo inuu gacantiisa ku burburo.

khubarada siyaasadda qaarkood waxay ku dooddayaan in marka la eego duruufaha iyo caqabadaha siyaasiga ah ee ku gedaaman xukuumadda Madaxweyne Biixi, ay la gudboon-tahay in uu la-kala saaro siyaasadda hogaaminta dalka iyo ta-xisbiga.
Waana sidii Ex-Madaxweyne Siilaanyo uu sameeyey taasi oo ay weliba isaga waa madaxweyne muuse ay dan weyn ugu jirto, isla markaana hogaaminta xisbiga uu ku wareejiyo shakhsi ku guntan in aan waxba iska bedelin taageerada xisbiga kulmiye, una noqda Cumaamad uu iskaga gudbo dabeylaha siyaasaddeed ee ku soo wajahan Madaxweynaha.

Dad oo iyagu tageersan doorashada musharaxnimada Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa sheegaya inuu rajo wanaagsan ka qabaan inuu doorashadda ku guuleysto, isagoo dhiira gelin ka helaaya Siyaasiyiin iyo shacab badan oo ka soo jeedda Somaliland gaar ahaan tageerayaasha ugu badan ee xisbiga kulmiye.
Ugu dambeyn, In Madaxweyne Biixi wareejiyo kursiga Guddoomiyaha Xisbiga waxa ay dani ugu jirtaa mustaqbalka siyaasaddeed ee Madaxweynaha Iyo Ta- Xisbul Xaakimka Kulmiye, Hase ahaatee xulashada Qofka uu u banaynaayo ayaa iyaduna ah arrin ka baaraan-deg badan uga baahan isaga iyo la-taliyeyaashiisa gaarka ah.

Shebakada Burco-online Ku Xidhnaw Oo Xogo Sugan Kala Soco
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO