Thursday August 06th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Somaliland iyo Soomaaliya oo si kooban uga hadlay kulankii Biixi iyo Farmaajo

0
Thursday February 13, 2020 - 09:03:47 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Soomaaliya oo si kooban uga hadlay kulankii Biixi iyo Farmaajo

    Somaliland iyo Soomaaliya oo si kooban uga hadlay kulankii Biixi iyo Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Soomaaliya oo si kooban uga hadlay kulankii Biixi iyo Farmaajo
Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka hadlay kulankii ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay ku yeesheen xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo shalay magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay ayaa xaqiijiyay kulanka dhex maray Biixi iyo Farmaajo, inkastoo uu ka gaabsaday inuu xogta oo dhammeystiran bixiyo.

Wasiir Faratoon ayaa si kooban u yidhi " Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Farmaajo xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayay ku kulmeen, madashaasina waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhami ay imaanaysay markii shirkii dhamaaday maddaxdii way isasii macasalaamaynaysay oo waa laysasii arkaayay oo waa laysa sii bogaadinaayay oo la sii balamayay,sidaas ayuu madaxweynuu u tagay madaxweyne Farmaajna sidaas ayuu u yimi sidaas ayay isku arkeen warkaasuna intaas ayuu ku kooban yahay oo aynu ku dhaafaynaa.”

Afhayeenka dawladda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed, ayaa isna qoraal uu soo saaray wuxuu ku xaqiijiyay in kulanku qabsoomay, waxaanu sheegay in Madaxweyen Farmaajo u mahadcelinayo Raysalwasaaraha Itoobiya oo kulankaas martigeliyay. Waxaanay dawladda Soomaaliya tidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dawladda Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed martigelinta kulankii shalay.”


Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO