Sunday April 05th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

IRAN oo uu Meel Xun La Maraayo Karoona Fayrus (Coronavirus) iyo sucuudiga oo Joojiyey Shaqooyinkii Dawlada Cabsi Awgeed. W/T: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

0
Wednesday March 18, 2020 - 09:01:51 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IRAN oo uu Meel Xun La Maraayo Karoona Fayrus (Coronavirus) iyo sucuudiga oo Joojiyey Shaqooyinkii Dawlada Cabsi Awgeed. W/T: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    IRAN oo uu Meel Xun La Maraayo Karoona Fayrus (Coronavirus) iyo sucuudiga oo Joojiyey Shaqooyinkii Dawlada Cabsi Awgeed. W/T: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
IRAN oo uu Meel Xun La Maraayo Karoona Fayrus (Coronavirus) iyo sucuudiga oo Joojiyey Shaqooyinkii Dawlada Cabsi Awgeed. W/T: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Xubin ka tirsan gollaha khubarada Iiraan ayaa u dhintay isniintii iyada oo wadanka laga soo sheegaayo 1,053 kiis oo cusub iyo 129 dhimasho ah oo cusub oo u dhintay coronavirus, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19, sida ay sheegtay
wakaaladda wararka ee IRNA.

 

Ayatollah Seyed Hashem Bathaee, oo ah 79-jir xubin ka ah Golaha Khubarada, wuxuu wakiil uga ahaa Tehraan shirkii lagu soo doortay golah 88-ka ah, oo ah mid ka mid ah goleyaasha dowladda ee ugu saameynta badan dalka Iiraan, wuxuuna
awood u leeyahay magacaabidda iyo eryida hoggaamiyaha ugu sareeya.


 

Waxaa la dhigay isbitaal ilaa Sabtidii wuxuuna ku dhintay subaxnimadii Isniinta magaalada barakaysan ee Qom, sida ay qortay IRNA.

 

 

Ilhan Omar ayaa iyaana dhankeeda waxay ku baaqeysaa in cunaqabateynta laga qaado Iran xilli uu ka dillaacay xanuunkan dunida ku sii faafaya.

Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada dadka Iran ay gaadhay 853, iyadoo guud ahaan ay marayso tiradu 14,991 kiis, Waxaa kale oo ay sheegtay in 4,996 bukaan ay ka bogsadeen.

 

 

Iiraan waa dalka uu cudurku xoog ugu faafay guud ahaan bariga Dhexe sida oo kalana waa dalka saddexaad ee uu xoog ugu faafay adduunka marka laga yimaado Shiinaha iyo Talyaaniga.

 

Ciidamada amniga dalka ayaa la faray inay nadiifiyaan wadooyinka wadanka oo dhan si ay u joojiyaan inuu virusku sii fido.

 

Baaxadda xaaladda ayaa ku kaliftay Bangiga Dhexe ee Iiraan inuu si rasmi ah uga codsado Sanduuqa Lacagta Adduunka $ 5 bilyan oo deyn ah oo lagula
dagaallamayo cudurka, kaasoo ku fiday dhammaan gobollada.

 

Cudurkan oo galaaftay dhawr siyaasiyiin Iiraaniyiin ah iyo mas’uuliyiin xukuumada ku jiraba waa la qaadsiiyay sida laga soo xigtay ilo ka ag dhaw masuuliyiinta iyada oo qaarna ay u dhinteen cudurka.

Ali Akbar Velayati oo ah lataliyihii Hogaanka Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ee dhanka siyaasada arrimaha dibedda ayaa ah qofka ugu sareeya ee looga shakisan yahay cudurka xilgan

 

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Iran, Eshaq Jahangiri, ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu ka soo bogsaday "hargab” coronavirus ka dib markii ay soo baxeen in uu ku dhacay cudurku.

 

Kooxaha xuquuqda iyo mas’uuliyiinta Iiraan ayaa ku baaqay in cunaqabataynta Mareykanka laga qaado Iran si ay awood ugu siiso waaxda caafimaadka ee dalka in ay la dagaallanto dhibatada xanuunka iyada oo ay jiraan warbixino sheegaya
baahiyo caafimaad oo aad u daran.

Dhanka kale Sucuudi Carabiya waxay si ku meel gaadh ah u joojisay shaqadii dowladda marka laga reebo caafimaadka, amniga, iyo waaxaha militariga, taas oo
qayb ka ah dadaalkeeda ku aaddan xakameynta faafitaanka coronavirus.

 

Waxay kaloo ay amartay in la xidho dhammaan suuqyada, makhaayadaha, kafateeriyada iyo Suuqyada waaweyn, farmasiiyada iyo shirkadaha cuntada keena ayaa loo oggolaan doonaa inay si caadi ah u shaqeeyaan.

 

Ilaa Isniinta 16ka Maarso, boqortooyada khaliijka ayaa soo warisay 118 xaaladood oo ah cudurka coronavirus, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19.

Dawladda ayaa ka codsatay dhammaan shaqaalaha inay joogaan guriga muddo 16
maalmood ah oo ka bilaabaneysa Isniinta, sida ay ku warrantay wakaaladda
wararka ee SPA.

 

Waxay ku dhawaaqday yareynta shirarka waaxaha dowladda, iyadoo kor loo
qaadaayo macaamillada elektiroonigga ah iyo aaladaha adeegga is gaadhsiinta ee
dhammaan qaybaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waaxaha gaarka loo leeyahay waxaa lagu booriyay inay yareeyaan tirada
shaqaalaha imanaya goobaha shaqada iyo in lagu dhiiri galiyo inay meelo kala fog
ka shaqeeyaan.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Suxufi madax banaan
Hargeysa Somaliland

Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
WAREYSIYO