Saturday September 19th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Maxamed Baashe waa kuma, muxuuse rabaa?

0
Wednesday March 18, 2020 - 09:11:39 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Baashe waa kuma, muxuuse rabaa?

    Maxamed Baashe waa kuma, muxuuse rabaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Baashe waa kuma, muxuuse rabaa?
Maxamed Baashe wuxuu ahaa dhalintii isagoo aan dugsi sare dhamaysan qoriga u qaatay dawladdii Soomaaliya ee halganka hubaysan la galay kuna biiray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Wuxuu tacliintiisii u seegay isagoo rumaysan in dagaal
lagu qaado dowladdii Soomaaliyeed.
Maxamed saddex sannadood markuu ka mid ahaa xoogaggaa hubaysan ayay SNM u dirtay Jukoslofaakiya si uu saxaafadda u soo barto. Lama hubo inuu waxbarashadaasi meel ka
gaadhay. Wuxuu markii dambe qoxoontinimo ku tegey dalalka Jarmarka iyo Holland haddana wuxuu uga sii gudbay Ingiriiska. Waddamadaa uu ku soo noolaa weligii waxba kamuu baran, kamuu shaqayn haddii laga tegiwaayo mudo yar ayuu shariikadda Dahabshiil u shaqeeyay intaan shaqada lagaga eryin aqoon daro.


Maxamed wuxuu ku biiray xisbiga UCID, haddana Kulmiye oo labada xisbiba waxba lagu aamini waayay. Wuxuu haddana isku dayey inuu xisbiga Waddani ku biiro, laakiin umay sooroobin waayo sheekadiisa is badalka badan ayuu xisbiga Waddani kasii war hayay.
Hadeerna Maxamed Baashe wuxuu u qam iyo diglaynayaa siduu ugu biiri lahaa Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya.
Maxamed Baashe Dariiqee ayuu Baarlamaanka Fadaraalk u marayaa? Maalmahan ugu danbeeyey wuxuu Maxamed Baashe saxaafadda ku soo qortay inuu samaystay xisbi la yidhaa " mar kale midnimo”. Reer Burco oo uu sheegtay inuu ka soo jeedo
aanu ku leeyahay taageeraal kumanaan dhaafayaa waxay ugu jawaabeen " Mar kale
MIYIRSO” iyagoo uga jeeday markii aad xanuunsatay waa kii Ilaaha Raxmaan ku caafimaadka ku siiyey ee miyirkaagii iyo maankaagiiba kuu soo celiyee ha is waalin e’ miyirso Maxamedow. Inta yaree Soomaalida Soomaaliya iyo Somalia Tv-yada iyo
Idaacadaha uu uga sheegayo waxaa ka badan inta u qarsoon si dantiisa gaarka ah ay ugu
fusho. Maxamed Baashe muxuu Soomaaliya ula yimi?

· Somalia waa inay joojisaa Federaalka waayo Federaalka Soomaaliya samaysatay waa fikir qaldan ee waa in la joojiyaa. Nadaamkii 4.5 isna waa inay joojisaa Somalia.
· Maxamed wuxuu ka soo horjeedaa dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya loo sameeyay sida Puntland, Jubaland, Hirshabeeye, Koonful Galbeed iyo Galmudug.
· Wuxuu leeyahay Dawlada Federaalka Soomaaliya waxay haystaan ha qubaan wax uu ku badalana ma hayo. Wuxuu qorshaynayaa inu jaho wareer dadka Soomaaliyeed ka dhex abuuro dhan walba.
· Dhammaan Qaraaradii kasoo baxay AU, IGAD, UN iyo EU laguna bixiyey bilyanis
doolar in Soomaaliya laga caawiyo dhisme dawlad Federaal-la oo Dastuur leh waa in la joojiyaa.
Maxamed Baashe muxuu Somaliland ula yimi?
· Wax la yidhaa Somaliland maba jirto. Jamhuuriyadii Somaliyeed ee burburtay may ahayn laba gobol oo kala madax banaan oo isku tagay.
· Wuxuu yidhi Dastuurkii ummadda Somaliland 2005 ugu codaysay 97% waa waxba
kama jiraan ee talo-dayda halla qaato.
· Maxamed wuxuu Somaliland ka is taagay meel aanay reer Koonfureedka iska soo
horjeednaa aanay inaga Gaadhsiisnayn.
· Wuxuu ina leeyahay in wixii bulshada Somaliland ay naftoodii iyo maalkoodii usoo hureen ee ay dib-u-xoreyntu ka mid ahayd iyo lasoo noqoshada xornimadooda dalkoodu rayigoodii mar qudha badalaan oo ay taloddiisa keligii ka timid qaataan
kana noqdaan dalkooda oo Somalia dib ugu biiraan. Waar ma wacyi baa ku soo
dagay?
· Wuxuu ina leeyahay Halista inagaga iman karta is bedelka ka socda Geeska Africa waxaa lagaga hor tegi karaa uun Somalia iyo Somaliland oo is raaca - Djibouti, NFD,
Kililkuna sidoodaa ahaadaan. Wuu carab laalaadinayaa.
· Wuxuu dafiyaraa horumar wal oo ay Somaliland gaadhay siduu uga hor yimi
maalhashigii Dakada Barbara 2017 isagoo la mawqif noqday dawlada Soomaaliya.
· Maxamed Baashe wuxuu dhalinyarada Somaliland ula yimi shaqo la’aan baa idin haysa, dawladiiniina Shaqo idiin may abuurin isna waligii muu shaqo tagin isagoo 33 qurbo joogay marka laga reebo in yar oo uu dababshiil u shaqeeyay, in mar uu
Somalilandta uu lafteeda leeyahay shaqo ma jirto oo u soo shaqo doontay TVga Star. Mar kale midnimo maxaa kale oo ku cusub?
· Maxamd Baashe wuxuu leeyahay ‘’Dawladda Somaliland way ku fashilantay inay horumar dadkeeda gaadhsiiso doorashooyin xorana qabato.’’ Cadaalad darada Somaliland gudaheeda ka jirta iyo ta Soomaaliya gudaheeda ka jirta waxaa lagaga
baxayaa in labadaba la isku daro.
· Maamul xumada Somaliland ka dhex jirta iyo ta Soomaaliya ka dhex jirta waxaa laga baxayaa in labada maamul xumo la isku daro.
· Rajo xumada Somaliland soo wajahday iyo rajo xumada Soomaaliya soo wajahday waxaa laga baxayaa in laba rajo xumo la isku daro.
· Geed kastaba xansas gubaa wuu hoos yaalaaye, waxa dhibaka laga baxayaa in labada
xansas la mideeyo si wuxuba isula sii qarxaan.
Maxamed Baashe markuu sidaa leeyahay mucnaheedu wuxuu yahay:

· Soomaali anaa ugu aqoon badan
· Wanaag Soomaali garan weyday ayaan gartay
· Dhammaan waxgaradka Soomaali waxay arki kari waayeen ayaan arkayaa
· Soomaalaay waxyi baa igu soo dagay ee ANIGA, ANIGA is dhagaysta.
· Hadaad i dhagaysan waydaan 10 sanadood gudohood, waa 2030 ka e, ayaa wax
Soomaali ah lagu waayayaa. Waar ma waxyi baa ku soo dagay?
Laba su'aalood oo kaliya ayaa muhiima inaad is weydiiso:
1. Ma dhabaa oo Maxamed Baashe Soomaali ayuu u danaynayaa ?
2. Ma dhabbaa oo guud ahaan waxgaradka Soomaali isagaa ugu aqoon badan?
Xaqiiqdu waxay tahay Maxamed Baashe
· Jaamicad wuu bilaabay laakiin waligii digrii hagaasan ma qaadan, Master ama PHD
iyaga hadalkoodba daa, waayo wuxuu waxbarashadii Soomaaliya kaga tagay isagoon
dugsigii sareba aan dhamaysan.
· Maxamed Baashe nin laba kalmadood oo Ingiriisiya qori kara maaha haddaanu ina
lahayn jaamacadaha Yurub ee aan ka baxay Af-Soomaali baa wax lagu baran jiray.
· Saxaafadda iskuul umuu galin, haddii uu u galay oo aanu Af-Soomaali wax ku dhigan
luqadahaa kale wuxuun buu ka aqoon lahaa.
· Nin Diinta Islaamka bartay Afka Carabiga qori kara ama ku hadli karana maaha.
· Nin Academic ama Expert ah oo siyaasadda Geeska ka faalloon karana ma aha.
· Nin aqoon shaqo leh oo xukuumad, NGO ama bank horumarineed usoo shaqeeyey
xogta dalalka Geeska Africa ka jirta soo ogaaday maaha.
· Wixiisu waa indho adayg iyo dameertii fardaha la daaqday ee faraska is mooday
markuu dhowr cisho waraystay borofesoor Axmed Ismaaciil Samatar.
Kartida shakhsi 33-kii sano uu Yurub joogay waa:
· Maalin qudha Maxamed Baashe muu shaqo tegin labada dal uu ku noolaa Holland iyo
Ingiriiska, haddii laga qarmi waayo mar buu bilo yar tukaan buugaag ku dhex iibiyey.
· Mudadaa dheer uu Yurub ku noolaa Caydh ayuu ku Noolaa
· Mudadaa dheer uu Qurbo ku noolaa Sandaqad kamuu soo dhisan dalkiisa cid kalena u
muu soo dhisin, lacagaha dadka shaqaystay ee hawl-gabka (Pension) gaadhayna xaq
uma laha maadaaman aanu weligiiba Shaqayn. Sidaasuu ku yahay naf la caari xil
doon ah oo bakhtigu u xalaal yahay.
Hammigiisii siyaasadeed haddaba muxuu yahay?
· Xukuumadihii Kulmiye xil buu ka hungureeyey Wasaaradda Warfaafinta
· Qurbaha wuxuu uga soo dhoofay 2016 inuu xil helo.
· Kaambaynkii doorashada Kulmiye tacab badan ayuu geliyey se kursi kumuu helin.
· Wuxuu imiga u tafa xaytay inuu ku biiro Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya
isagoo doonaya inuu matalo Somalilandta uu dafirayo jiritaankeeda. Bal miyuu aayar
uun iska xil doonto intuu waxan oo rabshad ah is gelinayo.
Haddaba maxaa ku dhaliyey Maxamed Baashe fikirkaa isba uu ogyahay inaan kow- weey
cidi ka odhannayn.

· Waa Xil doon Xamar uu xil kaga rabo
· Waa is-muujin Somalia isku muujinaayo
· Waa sidii Somalia uu uga heli lahaa kursigii Somaliland uu ka waayey.
Xaqiiqda ka danbaysa fikirka Maxamed Baashe " Mar Kale Midnimo" waa nin u hanqal
taagaya kursi uu "baalaxooftayn " ku helo iyo is-dabaqabatayn kartidii dhalinyarnimadii
Yurub uu kaga faa'iidaysan kari waayay inuu kursi uu ku badhaadho guryo ku dhisto uu ku
helo.
Maxamed Baashe dan gaaruu wataa Mar kale midnimuu rabaa inuu ku guuro si uu
baarlamaanka Soomaaliya ugu galo dabadeedna qas iyo qalalaase ka dhex bilaabo. Wuxuu
rabaa inuu sheegto inuu deegaanada Somaliland xubnaha Baarlamaanka Fadaraalka
Soomaaliya loogu qoondeeyay sidaa ku galo. Wuxuu Somalia usii wadaana waxtar maaha ee
waa Waali Cas iyo Fudayd.
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
WAREYSIYO