Thursday April 02nd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Abiy Ahmed Oo $150 Bilyan U Codsaday Africa

0
Tuesday March 24, 2020 - 19:01:44 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Ahmed Oo $150 Bilyan U Codsaday Africa

    Abiy Ahmed Oo $150 Bilyan U Codsaday Africa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
Abiy Ahmed Oo $150 Bilyan U Codsaday Africa

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa hogaamiyayaasha dalalka G20 ka dalbaday inay Africa ka caawiyaan inay la tacaasho Coronavirus, ayaga u sameynaya deyn-cafin, islamarkaana siinaya 150 bilyan oo dollar oo maal-gelin deg deg ah.

Cudurkan sida caalamiga ah u faafaya "wuxuu halis jiritaan ku yahay dhaqaalaha dalalka Africa,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed, isaga oo intaas ku daray in Ethiopia ay "dalalka kale ee Africa kala shaqeyneyso” diyaarinta codsigan.

Culeyska deynta ayaa dalal badan oo African ah ka dhigaya kuwa aan ka jawaabi karin dhibaatooyinka dhaqaale ee cudurka Coronavirus uu horseedayo, ayada oo bixinta deymahaas qaarkood ay ka badan yihiin miisaaniyadda caafimaad ee dalal badan.

"Si la mid ah sida fayruska uusan xuduudo u lahayn, jawaabaheenu waa inay u noqdaan kuwa aan xuduudo lahayn,” ayaa lagu yidhi bayaanka xafiiska Abiy Ahmed.

Saudi Arabia oo iminka madax ka ah ururka G20, ayaa toddobaadkii tegay ku baaqday kulan madaxeed xagga online-ka ah, si la isugu xidho jawaabaha caalamiga ah ee ku aadan xasaradaha ka dhashay Coronavirus.

Dalalka Africa ayaa waxaa illaa iyo hadda laga diiwaan geliyey 1,654 kiis oo la xidhiidha cudurka Coronavirus iyo dhimashada 52 qof, sida ay sheegtay Xarunta Maareynta iyo ka Hor-tagga Cudurada ee Africa.

Khuburada ayaa ka digay in Coronavirus uu si deg deg ah uga tan badin karo nidaamyada caafimaad ee tabarata darran ee Africa.

Dhaqaalaha Africa wuxuu sidoo kale u baylahnaan doonaa "hoos u dhaca dhoofinta wax soo saarka, joogsiga xiriirada caalamiga ah iyo luminta safarrada iyo dalxiiska,” sida lagu sheegay bayaanka xafiiska Abiy Ahmed.


DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
WAREYSIYO