Thursday April 02nd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

6 CIBAARO OO KA DHASHAY XANUUNKA CORONAVIRUS, AADAMUHUNA WAX KU QAADAN KARO: W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

0
Thursday March 26, 2020 - 16:53:49 in Maqaallo by Mo BK
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 CIBAARO OO KA DHASHAY XANUUNKA CORONAVIRUS, AADAMUHUNA WAX KU QAADAN KARO: W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

    6 CIBAARO OO KA DHASHAY XANUUNKA CORONAVIRUS, AADAMUHUNA WAX KU QAADAN KARO: W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayeysiis Banaan
6 CIBAARO OO KA DHASHAY XANUUNKA CORONAVIRUS, AADAMUHUNA WAX KU QAADAN KARO: W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr) Laga bilaabo dabayaaqadii 2019-kii, kadib markii Xanuunka Dilaaga ah ee aan Daawada lahayn ee Coronavirus uu Dunida haleelay, dhammaanba Dadka ku nool Dunida guudkeeda waxa la soo dersay wer-wer, walaac iyo argagax joogto ah oo ay ka siman yihiin daqiiqad kasta, saacad kasta iyo maalin kastaba. Marka dhan kasta oo Nolosha bini'aadamka ah la eego, waxa la odhan karaa in Xanuunka Coronavirus uu noqday masiibadii ugu saamaynta badnayd Taariikhda Nolosha Aadamaha, taasoo dhammaanba Dadka Dunida guudkeeda ku nool oo lagu qiyaaso in ka badan 7 BILYAN oo qof, ay masiibadan si isku mid ah u dareemeen ilaa haatana ay si isku mid ah uga werwerayaan. Qormadan waxaan si kooban ugaga hadli doonaa 6 ARRIMOOD oo ka dhashay Xanuunka Coronavirus, taasoo loo baahan yahay in uu Bini'aadamku KU CIBRO QAATO, casharna ka barto. 1. AWOODAHA ALLAH, IYO AWOOD-DARRADA AADAMAHA: Si kasta oo uu Aadamuhu iskula weyn yahay ama uu is bido inuu leeyahay Awood Nukliyeer, Awood Ciidan, Awood Dhaqaale, Awood Aqooneed, Awood Teknooloji, Awood adeeg Caafimaad, Tiro Dad iyo Tayo Maamulba; Xanuunka Coronavirus-ku wuxuu si la yaab leh u kashifay heerka ay gaadhsiisan tahay Awooda iyo Itaalka Aadamuhu marka ay haleesho masiibo baahsan oo RABBAANI ah. Xanuunka Coronavirus wuxuu caddeeyey in isla weynida, kibirka, faanka iyo awood sheegashada Aadamuhu ay tahay bar-kuma-taal marka loo eego AWOODAHA ALLAH (sxwt). Waxa Cibaaro iyo wax ku qaadashaba inoogu filan sida Coronavirus oo ah waxyaabaha ugu yar ee ili-ma-aragtayga ah ee uu Allah (sxwt) abuuray uu muddo yar oo kooban gebi ahaanba Noloshii Aadamaha Dunida ku nool oo idil u geliyey khal-khal iyo khasaare naf iyo maalba leh oo aan hore loo arag. Waddamadii Caalamka ugu tunka weynaa (sida: America, Canada, Midowga Yurub, Ingiriiska, Shiinaha, Japan, Australia...), ee iyagu is bidayey inay leeyihiin awood, tab, xeel iyo xoog ay khatar iyo masiibo kastaba wax kaga qaban karaan; yaa is lahaa amaba u fadhiyey Xanuunka CORONAVIRUS ayaa u awood sheegan doona, qaawin doona oo itaalkoodana tusi doona!? Yaa is lahaa America oo ah Dalka Dunida ugu awooda badan, iyo Shiinaha oo ah Dalka Dunida ugu Dadka badan ayuu Xanuun uu dhaliyey Virus ka adkaan doonaa oo way iska hor iyo daba wareegi doonaan?? Haddaba, CASHARKA 1-AAD ee uu Coronavirus-ku ina baray waxa weeyi: Si kasta oo uu Aadamuhu Awood isku bido ama uu Quwadiisa u mahadiyo, waxa ka weyn oo ka sarreeya AWOODAHA ALLAH (sxwt) oo ah ka iska leh Dunida iyo Aadamaha Daciifka ah ee ku kor noolba. Waa dhacdo inoogu filan Cibaaro iyo wax-ku-qaadashaba. 2. AADAMUHU WAY U SIMAN YIHIIN NOLOSHA IYO GEERIDA: Si kasta oo uu Aadamuhu u kala awood badan yahay, ama u kala dhaqaale badan yahay, ama u kala aqoon badan yahay, ama u kala nolol wanaagsan yahay, ama u kala caafimaad badan yahay, Xanuunka Coronavirus wuxuu ina tusay in Aadamuhu uu Nolosha iyo Geerida u siman yahay. Wuxuu ina tusay marka ay bini-aadamka haleesho masiibo caam ah; in hanti badan, awood badan iyo magac weyn oo aad leedahay aanay haba yaraatee waxba kuu tari karin, geeridana kaa bedbaadin karin. CASHARKA 2-AAD ee uu Aadamuhu COVID-19 ka baran karo waxa weeye: Si kasta oo aad isula weyn tahay, ama aad u damqasho daran tahay ama aad isu aragto in aanad cidnaba u baahnayn; marka ay qofka masiibadan oo kale haleesho, ogsoonow in aanad ka maarmi karayn Ehel, Qaraabo, Asxaab, Bulsho iyo nidaam Xukuumi ah oo kuu gargaara. Waa dhacdo kale oo inoogu filan Cibaaro iyo Wax-ku-qaadashaba. 3. AADAMUHU MA KALA SARREEYAAN MANA KALA MUDNA: Waxaynu in badan aragnay Qabka, Kibirka iyo Isla-weynida ku jirta Bulshooyinka Dunidan ku nool qaarkood, kuwaasoo isku arka inay iyagu ka sarreeyaan, ka ilbaxsan yihiin ama ay ka mudan yihiin Dadka kale. Waxaynu in badan aragnaa in Bulshooyinka Caalamka qaarkood ay isu arkaan inay midab ahaan, isir ahaan, dhalasho ahaan, qabiil ahaan ay ka sarreeyaan Aadamaha Dunida ku nool intiisa kale. Haddaba, Xanuunka Coronavirus wuxuu ina tusay in Aadamuhu aanay kala sarraynin ee ay dhamaantodba siman yihiin. Xanuunka Coronavirus wuxuu Aadamaha tusay in aanay ku kala mudnayn Midab, Diin, Dhalasho, Quwad Ciidan, Hanti, Horumar, Magac, Maamuus iyo Milge qofnimo. Xanuunka Coronavirus isagoo aan bini'aadamka u kala ab-yeelin, isagoon tixgelinin xuduudo Dal iyo kuwo Qaaradeed ayuu si isku mid ah ugu dhacay dhamaan Aadamaha Dunida guudkeeda ku nool: Mid cad, Mid madow, Mid taajir ah, Mid faqiir ah, Mid dhakhtar iyo Dawo haysta iyo Mid aan haysanba. CASHARKA 3-AAD ee uu Aadamuhu ka baran karo Xanuunka Coronavirus waxa weeye arrin ay inoo sheegtay Diinteena Suuban ee Islaamku muddo ka badan 1440 sano ka hor taasoo ah: In Aadamuhu aanay kala SARRAYNIN ee ay leeyihiin dhiig isku midab ah, dhamaantoodna ay yihiin Dhashii Nabi Aadam oo ALLAH (swt) uu ka abuuray ciid. Waa dhacdo kale oo uu inoogu filan Cibaaro iyo Wax-ku-qaadashaba. 4. WAXTARKA AY LEEYIHIIN DHAQAN-WANAAGA, AKHLAA
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
Full Barnaamij Dhagaxdhiga Iyo Bilowga Wadada Isku Xidha Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar
WAREYSIYO