Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Bililiqaysigii guriyaha la deggan yahay - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 11aad

0
Friday May 15, 2020 - 10:27:57 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bililiqaysigii guriyaha la deggan yahay - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 11aad

    Bililiqaysigii guriyaha la deggan yahay - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 11aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bililiqaysigii guriyaha la deggan yahay - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 11aad

Tobankii ama labaatankii aqalba waxaa u xilsaarnaa nin lagu magacaabay Tabeelle oo si dhaw ula shaqayn jiray sirdoonkii Siyaad Barre.

Shaqada Tabeelluhu waxay ahayd inuu soo gudbiyo diiwaan ay ku qoran yihiin idil ahaan xubnaha qoysaska ku nool inta guri oo loo xilsaaray.

Haddii uu qof qoyska ka mid ahi safrayo ama meel u baxayo, waxa la ogaysiinayay Tabeellaha. Haddii uu qoyska soo booqdo qof ehel ahi ama soo martiyana waxaa la ogaysiinayay Tabeellaha.

Guriyaha waxay soo geli jireen saacadaha u dhexeeya 2:00 – 3:00 habeennimo si ay dadka u cabsi-geliyaan.Habeen walba, guri kasta waxa iman jiray Tabeellaha, waxaana uu tirin jiray xubnaha qoyskaas.

Mararka qaar, habeenkii laba jeer ayay guriyaha tirin jireen, haddiiba uu farqi u dhexeeyo labada tirana, qoyskaasi wuxuu la kulmyay dhibaato.

Kolka ay guriyaha soo galaan, waxa ay qaadan jireen waxa ay doonaan oo ay ku jiraan rooggaga quruxda badan, sariiraha, iwm. Wixii alaab ah ee ay ka tegaan waa ay jajabin jireen sida muraayadaha, koobabka dhoobada ah iwm. Guriga idil ahaan waa ay bililiqaysan jireen, iyaga oo dadkana ugu hanjabaya xabsi haddii ay hadlaan. (Bogga, 80aad).

Aamina Maxamuud Xuseen waxay sheegtay habeen ay ciidanku gurigeeda yimaaddeen, in xiitaa ay qaateen dharkii ninkeeda (Bogga, 80aad).

Dabcan, tuugta guriyaha u soo dhaca waxa ay kaga duwanaayeen uun dirayska ciidan ee ay soo xidheen. Xaqiiqatan, bililiqadu waxa ay bilaabmatay iyada oo aan la qixinba.

Maadaama oo ay dawladdu qaadan jirtay akoonada ay Isaaqu ku leeyihiin bangiyada amaba ay xayiri jirtay, dadku waxay ka caageen inay bangiyada dhigtaan lacagahooda, waxaana ay ku aasan jireen dayrka gurigooda, halka xashiishka la dhigo iyo meelo kale si ay bangiyada ugaga maarmaan, askarta guriga baadhaysana uga qariyaan (bogga, 80aad).

Dadku inay bangiyadii Afweyne lacag dhigtaan, waxa ay ka door-bideen inay dhulka ku aastaan oo aboorku cuno ama xashiishka la raaciyo!

Xasan Ismaaciil Oomaar ayaa sheegay in mar uu Sucuudiga ka yimid uu dalka soo gaadhay. Wuxuu sheegay in aanu la socon nidaamka dalka ka jira, ka dibna uu walaalkii soo booqday. Saqdii dhexe ayay Sirdoonkii Afweyne soo galeen gurigiisii, ka dib kolkii ay tiriyeen dadkii guriga ku noolaa, waxay ogaadeen in walaalkii ku dheeraad yahay, waana ay xidheen.

Xasan wuxuu sheegay inuu ku soo daayay lacag ahayd 5,000 shiling oo u dhigmaysay $833.

Warbixintu waxay sheegtay haddii uu qof ku soo martiyayaa uu ku soo hagaago habeen saqdhexe, ka dibna aad weydo tabeellihii, waxaad ku khasbanayd in habeenkaas uu qofkaasi dibadda u hoydo oo aanu gurigaaga soo gelin – aabbahaa ama hooyadaaba ha noqdee.

Tabeelluhu wuxuu qoysaska jaarka ah ku qasbi jiray inay isa soo basaasaan, maadaama oo qoyska wax soo basaasa loo ballanqaaday in si gaar ah loo ilaalin doono.

Xigasho:

Human Rights Watch, A govenment at war with its own people, (Bogga 77aad illaa 81aad)



Qore: Maxamed Sharma'arke

[email protected]

Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO