Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Mashruucii deegaamaynta, wajigii koowaad - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 13aad

0
Sunday May 17, 2020 - 09:43:42 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruucii deegaamaynta, wajigii koowaad - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 13aad

    Mashruucii deegaamaynta, wajigii koowaad - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 13aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucii deegaamaynta, wajigii koowaad - Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 13aad

In dhulka Isaaqa lagu deegaameeyo Ogaadeenka, ayaa ahayd ujeeddada qudha ee uu Afweyne ka lahaa dagaalkii 1977-kii.

Si looga dhabeeyo ujeeddadaas, Afweyne wuxuu u kala qaybiyay afar marxaladood: in la qaado dagaal raad-gadasho, in Isaaqa la nacsiiyo dhulkiisa, in la soo allifo taariikh gacan-ku-rimis ah, iyo in ugu dambayn si toos ah loo tirtiro wixii soo hadha ee Isaaq ah. Tallaabo kasta iyada oo caddaymaheega wadata ayaan halkan ku soo bandhigayaa.

Heshiiska Caalamiga ah ee Montevideo Convention ee la kala sexeexday 1933-kii, waxa lagu xusay afarta qodob ee aanu dalna la’aantood dal noqon karin. Qodobka koowaad waa in uu dalku lahaado dhul cayiman (xuduud). Soomaaliya, sannadkii 1960-kii ayay heshiiskaas sexeexday, waa isla kolkii ay xubinta ka noqotay ururka Qaramada Midoobay.

Sannadkii 1964-kii shirkii uu ururka Midowga Afrika ku qabsaday dalka Masar, waxa la isla qaatay in xuduudihii gumeysiga aan waxba laga beddalin oo sidoodii loo daayo, caalamkuna uu sidaas ku aqoonsado.

Dabcan, cid kasta oo heshiisyadaas caalamiga ah ku xad-gudubtaa waxay ku xadgubaysay xeerarka Caalamiga ah, falcelin caalami ahna waa ay kala kulmaysay xadgudubkaas.

Afweyne waa uu ka war qabay isla kolka uu weerar ku qaado xuduudaha Itoobiya inuu burinayo heshiisyada caalamiga ah, caalamku ka hor iman doono, waxaana uu sii ogaa inuu dhicisoobi doono dagaal kasta oo xadgudub ku ah xuduudahaas caalamiga ah. Weydiinta ayaa ah, sababta loo galay dagaal la og yahay in lagu guuldarraysan doono?

Marnaba suuragal ma ay ahayn in Ogaadeenka si toos ah loo soo raro, ka dibna si toos ah loo dajiyo dhulka Isaaqa. Si taas macquul ay u noqoto, Afweyne wuxuu qaaday dagaalkii 1977-kii si loo helo qoxoonti Ogaadeen ah, oo dabcan ahayd qiilka qudha ee dhulka Isaaqa lagu dajin karayay dadkaas.

Sida ku qoran warbixinta ay 1990-kii diyaarisay Hay’adda Caalamiga ah ee Human Rights Watch, tirada qoxoontiga ee soo qaxay waxay ahayd 400,000 oo qof (inkasta oo uu Afweyne sheegay inay 800,000 ahaayeen oo dabcan uu dhaqaale ku doonayay), waxaana la dajiyay 11 xero oo dhammaantood ku yaallay dhulka Isaaqa, kolka laga reebo xero qudha oo looga dhisay tuulada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Waa la fahmi karayay sababta dhulka Isaaqa dhammaantood loo dajiyay oo waxa uu ahaa dhulkii la bartilmaameedsanayay.

Isla kolkii la gaadhay ujeeddadii dagaalka ee ahayd helitaanka qoxoontiga, Afweyne wuxuu si badheedh ah dhabar-jabin ugu sameeyay ciidamadii dalka ee la dagaallamayay Itoobiya.

Tusaale ahaan, sida ay idaacadda BBC-du ku sheegtay laanteeda afka Soomaaliga, barnaamijkii "Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida”, Bishii Maarij 2, 1978-kii dagaalka oo socoda ayaa tuulada Garbacase,oo Jigjiga ku dhaw lagu toogtay 84-kii askari ee ugu firfircoonaa dagaalkaas.

Sida ku qoran warbixinta Human Rights Watch, isla maalmahaas waxa Hargeysa lagu toogtay 50 sarkaal oo idilkood ahaa saraakiishii qaybta ka ahayd dagaalkii Itoobiya.

Isla barnaamijkaas BBC-du wuxuu xusay in xukuumaddii Afweyne ay si khaldan uga soo jawaabi jirtay dalabaadka ciidanka. Tusaale ahaan, haddii ay codsadaan gantaalaha lidka taangiyada, waxa loo keeni jiray bariis. Haddii ay codsadaan rasaas, waxaa loo keeni jiray timir. Si fursad loo siiyo cidda ka soo horjeedda illaa iyo ugu dambayntii la gaadhsiiyay in laga gooyo saadkii oo dhan sida hubkii, raashinkii, dawooyinkii iwm.

Jabinta aan gabbashada lahayn ee uu Afweyne ku sameeyay ciidankii dalku ma ay ahayn in aragtidiisii dagaalku isbeddashay, waxay se ahayd inuu gaadhay ujeeddadii uu dagaalka ka lahaa oo ahayd in la helo qoxoonti Ogaadeen ah.

Walaalaha Ogaadeenka oo loo arkayay dad dhulkoogii ay amxaaro ka soo bara-kicisay, Isaaqu waxay u soo dhaweeyeen si la mid ah sidii ay Ansaartii Madiini u soo dhawaysay qoxoontigii Muhaajiriinta ee Maka ka yimid. Guuldarradu se waxay ahayd in wanaaggaas ay ka sayidcalaysay abtirsigii xidhiidhinayay Afweyne iyo qoxoontigaas.

Sida ku qoran bogga 83aad ee warbixintii sannadlaha ahayd ee Hay’adda Amnesty International ay soo saartay gu’gii 1988-kii, waxay ku sheegtay in heshiis dhex maray Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle Maryam.

Heshiiskaas waxa la isku weydaarsaday maxaabiis labada dhinac ah oo lagu kala qabtay dagaalkii 1977-kii. Waxyaalaha kale ee heshiiskaas lagu kala sexeexday waxa ka mid ahayd in Siyaad Barre loo soo gacan-geliyo xubnaha jabhadda SNM, halka uu Siyaad Barrena ka tanaasulay sheegashadii dhulka Soomaali-Galbeed.

Haddiiba ujeeddada uu Siyaad Barre u galay dagaalkaas ay ahayd inuu xoreeyo dhul Soomaaliyeed, marna miyuu ka tanaasuli lahaa sheegashadiisa?

Dabcan dagaalkaas looma qaadin si loo xoreeyo dhul Soomaaliyeed, waxa se loo qaaday si loo bara-kiciyo dad Soomaaliyeed ka dibna loogu deegaameeyo dhul kale oo Soomaaliyeed.

La soco wajiga labaad ee deegaamaynta....

Tixraac:

Amnesty Internatinal, 1989 annual report, page 83 - 86

Human Rights Watch, a government at war with its own people, page 27 - 42

BBC Soomaali, Qarnigii tegay iyo taariikhda Soomaalida



Qore: Maxamed Sharma'arke


[email protected]

Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO