Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

WAX_KA_BARO_COVID19 Daraasad Uu Sameeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Burco,Qalinkii Prof Omar Xiis

0
Sunday May 17, 2020 - 12:10:18 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAX_KA_BARO_COVID19 Daraasad Uu Sameeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Burco,Qalinkii Prof Omar Xiis

    WAX_KA_BARO_COVID19 Daraasad Uu Sameeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Burco,Qalinkii Prof Omar Xiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAX_KA_BARO_COVID19 Daraasad Uu Sameeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Burco,Qalinkii Prof Omar Xiis Ugu horrayn anigu dhakhtar ma ihi, waxan ahay macallin waxbarashadiisa heerka kowaad ku soo bartay "Chemistry” ta labaadna ‘Education’. Dunida markay masiibo dhacdo, qof waliba intii uu yiqiin ayuu ku baadidoon tagaa. Anigana intaydii, waa mawduuc kooban oo ku saabsan "Wax ka baro COVID-19”. Shir jaraa’id oo uu reysal wasaaraha #UK ku qabtay Downing Street 30kii April 2020, ayuu ku sheegay in dalkiisu ka gudbey figtii (peak) ugu sarreysey ee uu xanuunkani gaadhi kari lahaa, iminkana uu hoos u soo degayo. Sidaa-awgeed ay lagama maarmaan tahay inaan la debcin ku dhaqankii talooyinka caafimaad ee dalka u yiilley si loo ilaaliyo in taranka xanuunka COVID-19 ee #R0 uu mar walba uga hooseeyo 


1. Dhawr bilood ka hor, odhaahda #R0 wax macno ah umay samaynayn dad badan oo aan ka ahayn dhakhaatiirta ku takhasustay xakamaynta xanuunnada faafa (Epidemiologists) iyo khubarada caafimaadka dadweynaha (Public Health Experts). Hadalki reysal wasaaruhu wuxuu dhaliyey in guri kasta oo UK ah laga bilaabo daraasad lagu samaynayo odhaahda R0 waxay u taagan tahay iyo sida ay ugu lug leedahay xanuunkan COVID-19. Haddaba: #R0 (R naught ama R zero) waxay u taagan tahay Reproduction number oo macnaheedu yahay taranka xanuunka ama xawliga xanuun ku faafo. Tusaale haddii: #R0 = 1, qofba qof buu qaadsiin karaa #R0 = 2 qofku laba qof buu qaadsiin karaa, labaduna laba, afartuna afar iwm Hab korodhka tirada noocan ahna xisaab ahaan waxa loo yaqaan "exponential” oo ah korodh xawli ah. #R0-ka COVID-19 waxa xukuma labadan isir: 1. #Pathogen ( hidde sidaha cudur) oo tiro ahaan lagu heli karo daraasad 2.#Conditions_of_human_behaviour (xaaladaha hab dhaqanka bulsho) oo tiro ahaan laga heli karo xogta (data) laga ururiyey diiwaangelinta bukaanka uu xanuunka laga helay, ka bogsadey ama u dhintay. Ugu dambayn, marka isirrada xukuma xanuunka la isla meel dhigo, ayaa la heli karaa R0-ka COVID-19 ka bulsho meel wada taal. Dabeedna waxay sahlaysaa la daalacan karo tiro ahaan xawliga uu xanuunku ku faafayo, waxyeellada uu geysan karo, dadaallada ay lagama maarmaanka tahay in la sameeyo iyo muddada uu ku soo afjarmi karo. Waxan ku soo gabogabaynayaa: #DAWO_MALE_KOROONEE, #HORE_UGA_DIGTOONOW. والله أعلم Professor : Omar Osman Hersi Xiis
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO