Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Wax ka badal xeerka Isgaadhsiinta Somaliland mise 25% loo qoondeeyay Maxamed Muuse Biixi?

0
Monday May 18, 2020 - 01:00:39 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka badal xeerka Isgaadhsiinta Somaliland mise 25% loo qoondeeyay Maxamed Muuse Biixi?

    Wax ka badal xeerka Isgaadhsiinta Somaliland mise 25% loo qoondeeyay Maxamed Muuse Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax ka badal xeerka Isgaadhsiinta Somaliland mise 25% loo qoondeeyay Maxamed Muuse Biixi?
Waxa aynu todobaadyadii lasoo dhaafay ku war helnay xeer lagu sheegay wax ka badal iyo kaabis lagu sameeynayo xeer hore ay u ansixiyeen golaha Wakiilada
Somaliland. Xeerkaas oo ogolaansho u siinayay Shirkada SOMCABLE in ay lahaadaan xaqqa keenista iyo baahinta adeega internet ka Somaliland. Waxa
xeerkan u soo gudbisay golaha xukuumadii madaxweyne Siilaanyo halkaas oo galaha wakiiladuna qalinka ku duugeen. Hadaba maxaa isbadalay kadib markii uu
muuse madaxweyne noqday? Suaalshaas ayaa ah ta uu ka duulayo maqaalkani. Wax ka badal iyo kaabis ayaa lagu sameeyay xeerkaa hore waa marmarsiiyo iyo been abuur cad iyo dhalin haababis lagu sameeyo oo lagu la kaco sharcigii dalku u
yaalay oo kolba ka kursiga ku fadhiyaa sida uu doono ku toosisto ama u qaloocisto sida Tumaallaha birta garaaca ee xukuma inay noqoto hadba sida uu doono.
Arintanina jidkaas ayuun bay haysaa oo markan waxa dhibane ka ah Maxamed Aw-siciid iyo Shirkadiisa Somcable halka Muusena yahay tumaalka birta
garaacaya isagoo isticmaalaya golaha wakiilada ee ay ahayd in ay shacabka maatalaan.


Mudadii uu Muuse kursiga u baxay waxa laga joogaa laba sanno iyo jarjar waxaana lagu war helay warar badan oo dhiilo sida; Dhulkii uu inoo sheegay inuu
madaxtooyo Somaliland leedahay ka dhigayo ee uu ka galalafay qoysas ay ka mid
yihiin reer Maxamed Xasan Dalab, halkaasi oo aan illaa hadda wax madaxtooyo u eg oo laga yagleelay aanay jirin laakiin runtu tahay inuu Muuse iyo qoyskiisan
doonaya inay muddo gaaban ku taajiraan inay dhulkaa hoosta ay iskaga qoreen. La
arki doonaa inay madaxtooyo noqoto iyo inay baloodho u noqoto reer Biixi Cabdi oo hamuun badan u qaba inay urursadaan inta ugu badan ee dhul iyo hanti ay heli
karaan si kastaba ha ku helaane. Waxay haddana ku xijiyeen dhul kale oo aanay
waxbaba ugu soo marmarsoon oo ay yidhaahdeen anagaa lahaan jirnay hadaanu nahay reer Biixi. Dhulkan oo dhanka galbeed ka xiga Hotel Grand Haadi waa
damicii labaad ee dad danyar ah ay ku waa baaristeen reer Biixi Cabdi Dameere oo hardafaya. Haba ka qaban hadanna waa damacii saddexaad iyo Macalin Maxamed Soomaali oo dhul uu guri ka dhisanayay la yidhi waa dhulkayagii ee waxaad
lacagtaadii u doonataa ciddii kaa iibisay.
Ma dhadhawa hadana la yee Kaltuun Xaaji Daahir oo ah marwadii hore ee madaxweyne Cigaal soo dhaaf guriga aad ku jirto anagaa lahayne. Waar waa

maxay masiibadani lama magac baxday Anagaa Lahayn ee meel walba ka dhacday? Ha iga dagdagin, waxa taa xigtay dhul ku yaal barriga Magaalda
Hargaysa oo la yidhi waxa laga dhigayaa Taliska Ciidanka Asluubta Somaliland ee
ka dareera, Hadiiba ay taasi run noqoto waxa iyana hubaal ah in halka iminka uu yahay taliska Ciidanka Asluubta Somaliland ee ku yaal shacabka Hargeysa in
Muuse biixigan caydha ahi qoondaystay inuu iib u bandhigo. Waxaana hubaal ah in lacag badan lagu kala goosan doono sababtoo ah meesha fiican ee uu ku yaalo
dhulkaasi. Waar miyaan la dhar gayn taloow xagee loo sii sahay qaadanayaa?
Batroolkii ayuu hadana yidhi waxaa keenaysa dawlada isagoo yar uu dhalay oo la yidhaa Maxamed Muuse Biixi u qoondeeyay inuu kaabbe ka noqdo keenista
Batroolka iyo Naaftada dalka. Waa gees kale oo uu ka halcsaday taajirnmada
dagdaga ah ee uu raadinayay. Maxamed Aw-Siciid iyo shirkadiisa SOMCABLE adeega internet ka ee ay bixiso
ayaa hadana u muuqatay doc kale oo laga taajiri karo. Waa ku qabso ku
qadimaysid oo maantana soo weerartay Maxamed Aw-Siciid. Taasi oo lagu badalay sharcigii gollaha wakiiladu ansixiyey ee ogolaansha ha u siinayay inuu
muddo 20 sanno ah isagu ahaado keenaha iyo bixiyaha adeega internet ka. Maxamed aw-siciid oo xaq u lahaa 100% suuqa internet ayaa la damacsan yahay in
laga faramaroojiyo 75% fursada suuqa taala isaga oo muuse damacsan in labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ku yeeshaan saamiga suuqa mid kiiba 25% taas
oo wadarta tooduna noqonayso 50%. Telesom iyo Somtel iyagu waa ganacsato
fursad raadis ah oo la yaab ma laha ee waxa isaguna ganacsade fursad raadinaya ah Muuse oo boob uun ku jira tan iyo maalinkii la doortay oo raba inuu saami 25% ah
ku yeesho suuqa internet ka markaa ama ha u dhiibo inankiisa Maxamed yare ama cid kale oo uu isagu daaha dabadiisa ka hago e`. Mar kale macal cune muuqan
dooone. Waxaan ku soo gabo gabaynayaa maqaalka in Muuse Biixi oo ahaa tuug
taajirnimo doon ah oo inoo soo gashaday shaadh madaxwaynenimo oo been ah.
 
 

Qore: Cabdi Muxumed
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO