Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Madaxwaynaha Buurta Kala Jeexan:

0
Monday May 18, 2020 - 01:05:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Buurta Kala Jeexan:

    Madaxwaynaha Buurta Kala Jeexan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Buurta Kala Jeexan:
Dadka reer Somaliland codbixin ayaa ay u dareereen 2017 kii taasi oo ay ku kala dooranayeen saddex musharrax oo aan wax badan is dhaamin oo ka kala socday
Wadani, Kulmiye iyo Ucid. Aan ku bilaabee Ucid waxa horboode ka ahaa Faysal Cali Waraabe oo dhawr jeer ku guuldaraystay doorashooyinka
madaxweynanimada lakiin sidii reer mudugga wali indho adayg la soo taagan xisbigii qaranka ee Ucid na waxaa ba uu ka dhigtay NGO yar oo uu isagu
danbaabo.


Labada kale wax badan ma dhaamin oo waxa Wadani isna ka ahaa musharax Cirro oo muddo badan ka ahaa gudoomiye fadhiid ah Gollaha Wakiilada ee Somaliland
iyadoo mar uu magaalada Bristol ee UK yimi lana waydiiyay bal waxa uu ku soo kordhiyay Golaha intii u gudoomiyaha ka ahaa waxa uu sheegay in uu sameeyay
guddiyo uu goluhu leeyahay lakiin se kuma darin jawaabtiisa wax kale oo micno leh oo la taaban karo. Waxa aad maqlaysaa intaas oo xeer oo golaha ku muddo
dhaafay sababta isaga yo gollaha uu godoominayay ay u qabyo tiri waayeenna aan
la garanyn, kaas ayaa isagu wadani ka socday oo rabay walina raba inuu Somaliland madaxweyne ka noqdo.
Kulmiye waxa ka tartamayay Muuse Biixi oo dad badan oo tageerayaashiisa ahi ku
doodayeen in uu ka mid ahaa SNM oo dib u soo celisay gobannimadii ka luntay dadka reer Somaliland 1960 kii. Waxa kale oo ay cuskanayeen inuu waayo
aragnimo dheer u leeyahay dalka intii laga soo noqday dagaaladii oo uu wax badan
ka ogyahay dadka iyo noloshooda. Waxa kale oo jiray dad ugu codaynayay inay Kulmiye yihiin oo xisbi ahaan codkooda u siinayan.
Waxaa doorashadii ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo noqday nin aan la
mahadin. Isaga oo ah madaxweynaha la doortay ee Siilaanyo badali doona laakiin aan wax xil wareejin ahi dhicin ayuu Muuse qaar ka tirsan dadkii u codeeyay ugu
khudbadeeyay ugu na digay inay fartooda eedi doonaan. Sidii ayaa ay u dhacday oo dadkii waxa ay noqdeen mid uu dhul ka qaado, mid uu wax hore uga aar
goosto, mid uu madaxtooyada ka soo xidho iyo kuwa uu si kale uga abaal dhaco. Isku soo wada xooriyoo dhaqan xumo aan hore loo arag ayuu la yimi Muuse. Doorashada dhaxalkeedii waxa uu noqday mid la eeday. Waxaan halkan ku soo
qaadan doonnaa dhacdooyin layaab leh oo la arkay intii uu Biixi ahaa Madaxweynaha kaasi oo dhul boobkii ugu balaadhnaa tariikhda Somaliland intii ay

jirtay ku dhaqaaqay. Iyadoo la ogyahay maalinta uu dhinto inay ka raaci doonto kafan. Waxaad is waydiinaysaa waa halkee halkan ay dhul laantu ku heshay ninka? Waa yaab iyo amakaag.

Bari ilaa galbeed daafaha Hargaysa waa laga qayliyay maati iyo caruur uu dibada wadhay ayaana lagu war helay sidii yuhuuda oo dhaqanka noocaas ah ku caan
baxday mar kastana u itaal sheegata masaakiinta falastiin.
Meel waxa uu ku andacooday in uu madaxtooyo qaranku leeyahay ka dhigayo.
Meel kale waxa uu yidhi waxaan u qoondeeyay in ay talis u noqoto Ciidanka Asluubta Somlailand iyo meelo kale oo aan ilaa hadda aanay cadayn waxa uu
marmarsiiyaha uga dhiganayo sida buurta kala jeexan ee galbeedka magaalada Hargaysa oo aan odhan karo waa halka uu iminka ishaaradu ugu dhacday waayo
qoysas badan ayuu wadhay banaanka oo warbaahinta laga daawaday.

Waxa aan ilaa hadda cadayn waxa uu uga dan leeyahay dhul boobkan baldhan ee uu ku hawlan yahay. Waxay see dadku ilawsan yihiin in uu Biixi markiisa horeba
ahaa mid kolba tamarta uu leeyahay uga faaidaysta cida uu u arko inay ka tabar
daran tahay. Ka soo bilaw 1991 kii oo ahaa xilligii lagu soo laabtay dalka waxa uu Muuse ahaa sarkaalka kaliya ee boobay hanti aanuu lahayn halka aanad maqlayn
nin kaliya oo saraakiishi kale ah oo la leeyahay wax uu qaatay hanti bini aadam, qaar kood ayaa illaa hadda ku jira guryo kiro ah. Muuse jugtii u horaysayba waxa
uu damaaciyay beer uu sii sahansaday oo uu markaa gacanta ku hayay alle ha u
naxaristee Cisman Dacas wayna u suurto gashay inuu ka qaado oo uu ka dhaxal wareejiyo sababna waxa uu uga dhigtay in aanu Cismaan ahayn nin u dhashay
deegaanka ay beertu ku taalo oo ah waqooyiga Hargaysa. Taasi waxa ay ka mid
ahayd dhacdooyinkii boobka iyo awood sheegshada muuse ee bilawgii ha ka qaban ba ilaa maanta oo uu madaxweyne yahay sidii ayuu u wadaa boobka xoolaha
dadka.
Intaa waa ay qaylinayaan maatidii uu wadhay banaanku. Hooyo ka tirsan dadka uu
ku haysto buurta kala jeexan oo warbaahinta la hadashay waxa ay ku calaacashay
" Madaxweyne caadilaa ayaa nu moodaynay, Alle hanaga qabto oo xaqqa ha garansiiyo. Dhulka muxuu ku falayaa? Tukaraq ilaa Lawyacaddo ayuu xukumaaye
maxuu ku falyaa buurtan ma dahab baa kaga lumay? Agoomo ayaa dagan, masaakiin ayaa dagan, waydinkaa arkaya dadka baanaanka wadhan ee danyarta ah.

Waa run warka ay hooyadaasi sheegtay laakin waxaa ka dahsoon in aanuu ahayn madaxweyne qaran ee uu yahay dhulboobe u soo tafaxaytay inuu awood ku boobo
shacabkii uu ugu dhaartay kitaabka inuu u noqon doono madaxwene caadil ah oo
ku dhaqi doona maamul ku dhisan sinnaan iyo eex la`aan. Runtuse waxay noqotay inuu noqday madaxweynaha dhulboobka iyo maati dhaca iyo inuu ku soo koobmay
madaxweynaha Buurta kala jeexan ee Hargaysa.

Cabdi Muxumed
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO