Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Somaliland Oo U Dabaal Degtay 18ka MAY

0
Monday May 18, 2020 - 11:49:58 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo U Dabaal Degtay 18ka MAY

    Somaliland Oo U Dabaal Degtay 18ka MAY

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo U Dabaal Degtay 18ka MAY
Somaliland waxay u dabaal dagaysaa sanad guuradii 29 aad, ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay in ay shacabka Somaliland dib ula soo noqdeen xoriyaddii ka lunta 60kii, markii ay si ka fiirsi la'aan ah ula midoobeen Somaliyadii talyaanigu gumaysanayay.
.
Hadaba inkasta oo ay Somaliland muddaa 29sanadood ah ee ay jirtay ay gaadhay guulo
badan oo wax ku ool ah, islamarkaana ay ka soo gudubtay marxalado badan oo duruufahooda iyo waayahooda lahaa, hadana waxa wali horyaala caqabado badan oo lugta jiidaya
horumarka ay shacabka Somaliland ku riyoonayaan, ku waa soo leh kuwo bulsho, kuwo dhaqaale iyo kuwo siyaasadeedba.
Waxyaalaha ugu mudan ee aynu maanta tabayno waxa ka mid ah, aqoonsi caalami ah oo
aynu dunida ka helno, kaa soo fure u noqon lahaa xidhiidh dubla-maasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aynu dunida la wadaagno. 29sanadood oo aynu jirnay waxaynu xukuumad iyo shacabba dadaal badan galinay sidii aynu aqoonsi caalami ah uga heli la hayn beesha caalamka, sidoo kalena waxaynu u soo dhabar- adaygnay hagardaamooyin badan oo inagaga imanayay koonfurta Somaliya iyo wadamo kale
oo cadow ku ah qadiyada madaxbanaanideena.
Hadaba maanta oo laga joogo 29 sanadood markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadii xoriyaddii luntay 60kii, waxa wali inna sugaysa hawl badan oo u baahan in aynu dadaalka sii
libin-laabno, islamarkaana aynaan ka niyad jabin caqabadaha iyo culaysyada innaga hor imanaya ilaa inta aynu ku guulaysanayno yoolka aynu higsanayno.
Waxa sidoo kale inala gudboon in aynaan ka daalin hadafkii iyo ujeedadii aynu ka la hayn dib ula soo noqoshada xoriyaddan qiimaha badan innagu joogta.


sideedaba ma jirto guulo ay aadamuhu ku gaadheen fadhi iyo kada-loob, waxa se guul kasta oo laga midho dhaliyay ku timid han iyo himilo durugsan oo ay la socoto hal-adayg iyo
hawlkarnimo joogto ahi. Waa xaqiiqo in ay kooban yihiin guulaha aynu gaadhnay marka la eego 29sanadood aynu
jirnay, waxa se arrintaa u sabab ah, bulshadeena oo aan wali u bislayn nidaamka dowliga ah
iyo horumarka ay bulshooyinku ku gaadhaan wadajirka iyo iisku-tiirsanaanta, taa saana sal u ah gaabiska ka muuqda koboca dowladnimo ee aynu sugaynay.
Dhibaatooyinka maanta lugta jiidaya habsami-usocodka nidaamka maamul ee aynu dhisaynaa, waxay intooda badani ku aroorayaan aragtida qabaliga ah ee ay bulshadeenu kala soo
hayaantay noloshii reer guuraaga iyo geellayda ahayd. Sida ay xaqiiqdu tahay, bulsha ahaan kuma abtirsano xadaarad iyo ilbaxnimo hore oo aynu dib
u raad gurno. Sidoo kalena ma nihin bulsho u dhaga-nugul ama u hogaansanta qaadashada
awaamiirta la faro.

Gun iyo gabo-gabadii waxaan hoosta ka xariiqayaa in howsha ugu weyn ee bulshadeena u taalaa ay tahay, sidii loo naafayn lahaa aragtida qabaliga ah ee bulshadeena ku dhex faaftay,
taa soo sabab u ah dib dhacyo badan oo inagu gadaaman, islamatkaana leh kuwo maamul, kuwo dhaqaale iyo kuwo bulsho. Waxaana qabyaaladdaa aafada innagu noqotay, naaxinaya kooxo ku adeegta kala irdhaynta
iyo kala qaybinta shacab walaalo ah, oo noloshu mataanaysay.
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO