Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

18 May Taariikh Run Ah Shamacii iyo Siraadkii Uu Shiday Xassan Kayd iyo Dagaalkii Burco-duuray Xus oo Xusuuso (Lixle

0
Tuesday May 19, 2020 - 08:48:24 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18 May Taariikh Run Ah Shamacii iyo Siraadkii Uu Shiday Xassan Kayd iyo Dagaalkii Burco-duuray Xus oo Xusuuso (Lixle

    18 May Taariikh Run Ah Shamacii iyo Siraadkii Uu Shiday Xassan Kayd iyo Dagaalkii Burco-duuray Xus oo Xusuuso (Lixle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

18 May Taariikh Run Ah Shamacii iyo Siraadkii Uu Shiday Xassan Kayd iyo Dagaalkii Burco-duuray Xus oo Xusuuso (Lixle
Maanta oo kale 29 sano ka hor waxaa magaalada Burco lagaga dhawaaqay in dib loo soo cesho xornimadii Somaliland ee luntay 1960, hadaba waxa ay su'aashu tahay waa maxay sabata loo xusaayo 18 May?

Waa maalin qaali ku ah badi shacabka reer Somaliland waa maalin dad badan oo ku hadla afsomali iyo luqade kale aanay ku farxin astaanta ay u taagan tahay 18 may. Maanta oo kale waxa ay u taagan tahay oo ay astaan iyo xusuus u tahay ficilkii iyo gilgilashadii damiirka lahaa ee ay sameeyeen askartii reer Somaliland ee uu hogaanka u ahaa Cornel Mujaahid Xassan Kayd oo isku dayay in ay dib ula soo noqdaan xornimadaa sida fudud ee aan ka fiirsashada lahayn ay Awoowayaasheen iyo aabayaasheen ugu gacan geliyeen dad aan markoodii horeba aan aqoon iyo waayo aragtinimo u lahayn waxa xornimo iyo walaalnimo tahay taas oo ahayd khalad ay galeen waalidkeen laakiin nasiib wanaag khaladkaas waxaa dib u saxay jeelkii ku xigay kuna guulaystay in ay dib loo helo xirnimadii luntay ka dib markii ay dhaceen dagaalo maryo dhiig-leh la kala furtay.


Maanta oo kale waxa ay u taagan tahay shamacii iyo siraadkii ay shideen ragaas haldoorka ahaa sida Xassan kayd iyo ciidankiisa in ay halkaas ka sii wadaan rag kale oo aqoonyahan reer Somaliland ah oo iyaguna u adkaysan waayay cadaadiskii iyo dulmigii reer Somaliland lagu hayay ragaas aqoonyahanka ah waxa ay aamisanaayeen in dib loo helo Somaliland oo xor ah xoog iyo xeelad kay doontaba ha noqotee. Ragan aqooyahanka ah waxa ay kale joogeen gudaha iyo debeda gaar ahaan Saudi Arabia UK iyo Muqdisho iyo Hargaysa ragani waxa ay ahaayeen rag abaabulan oo isku xidhan waxa ayna markii danbe u kala jabeen ururkii UFO oo gudaha ah iyo qaybtii qurbaha oo badankoodu deganaa Jeddah Saudi Arabia.

Shamacii iyo siraadkii Xassan Kayd shiday wuxuu iftiinkiisu siraadmay oo dadka wada gaadhay sanadkii 1982kii ka dib markii ururkii UFO ee aqoonyahanka reer Somaliland ku dhaqaaqeen hawl iskaa wax u qabso ah oo ay ka qabteen Hospitalka Hargaysa kaas oo dayac badani ka muuqday laakiin nasiib daro waxaa dhacday halkii ay ka sugayeen in dawladooda kacaanku ay abaal marin siiso dabcan hawsha ay dalkooda u qabteen balse taasi may dhacin waxa ay wanaagii ay sameeyeen ku mutaysteen Jeel,jidhdil iyo cago juglayn uga timid dawladii kacaanka waxaa qaar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho oo aany xaq u lahayn iyo weliba dacaskooda oo lala wareego. Taasi markii ay dhacday ee dhalin-yaradii aan waxba galabsan dil lagu xukumay waxaa kacay oo taas ka dhiidhiyay dadka reer Somaliland khaastan ardadii ka soo jeeday magaalooyinka Hargeisa iyo Burco kuwaas oo bilaabay dhagaxtuur markii ugu horaysay ka dhacay maxkamadii kacaanka ee ku tiil Hargeisa. Dhagaxtuurkaas waxaa ardayda loogu jawaabay celiyay hubka darandooriga u dhaca ee wax gumaada halkaas oo ay ku nafwaayeen laba arday tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen. Arintan ardaydu lagula kacay waxa ay hulaaq iyo olol ku sii shiday shamcii iyo siraadkii Xassan Kayd iyo ciidankiisa ay shideen 1961kii taas oo sabab u noqotay in ragii aqoonyahanka ahaa ee markaas xorta ahaa ee qurba jooga ahaa in ay ku guulaystaan aasaaska iyo abuurida ubaxii iyo dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka jabhadii xooga badnayd ee SNM taas oo dadka taariikhda qoraa isku raaceen in ay ahayd jabhadii ugu xoogwaynayd ugu abaabulka badnayd ee dagaal hubaysan kala hor timaada askartii kacaanka si kastaba ha ahaatee ragan qurba jooga reer Somaliland qudha may samayn SNM oo magac ah balse waxa kale oo ay ku guulaysteen in ay sameeyaan garab SNM oo hubaysan kaas oo saldhigoodu noqday Ethiopia waxa aan ognahay oo aan ka wada dheregsanahay in shamacaasi iyo siraadkaas la shiday 1961 aanu bakhtiyin ee ay isi dhiibeen aqooyahan shicib ah iyo rag Military ah kuwaas oo ka wakil ahaa ama loo xil saaray in ay hirgeliyaan oo dhamays tiraan qorshihii iyo ficilkii ka dhicisoobay Xassan Kayd iyo xertiisa sandkii 1961kii. Ragan saraakiisha SNM waxaa loo xil saaray oo la faray in ay figradan Somaliland oo xor ah ku raadiyaan qori caaradii iyo qalalaase siyaasaseed oo lagu furu kacaanka maadaama si miyir qabta wax loo waayay.

Halganka dib ula soo noqoshada Somaliland waa mid ay fikradiisa ay lahaayeen Xassan Kayd iyo Xertiisa laakiin waxaa isga danbeeyey oo aan ka tanaasulin aqoonyahanka reer Somaliland laakiin waxaa hawshan isku duba riday oo hirgeliyay halganku in uu guulaysto saraakiishii SNM oo uu ugu horeeyo Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee fikradaha iyo mala-awaalka loo bedelo ficil iyo gacan ka hadal Lixle waxa uu noqday ninkii ugu horeeyey ee reer Somaliland ah oo ciidan kooban hogaaminaaya ka dhabeeyay fikirkii Xassan Kayd.
Waxa uu ahaa sarkaalkii SNM ee hogaaminaay ciidankii ka dagaalamay Burco-duuray dagaalkaas oo ah dagaalada ugu caasan dhulka Somalida waxa uu ahaa dagaal hadii laga adkaan lahaa SNM ay rajadu xamaan lahayd laakiin Lixle iyo ciidankiisu waxa ay haysteen dardaaran culus kaas oo ay fareen aqoonyahanka SNM nasiib wanaag Lixle iyo ciidankiisu marnaba dhabarka ma jeedin saacado badan ka dib waxa ay guushu raacday Lixle iyo ciidankiisa halkaas oo SNM ku furatay hab badan kana heshay dagaalkan khibrad iyo isku kalsooni dheeraad ah afci doona dagaaladii xigay. laakiin nasiib daro waxaa dagaalkaas ku naf waayay oo ku shahiiday Mujaahid Lixle.
Taariikhda halganka SNM marka laga faaloonayo waxaa lagu murmaa SNM waxa ay u dagaalamaysay Somali oo mid ah iyo in ay Somaliland la noqdaan laakiin runta marka laga hadlo SNM waxa ay la fikrad ahayd oo ay fulisay fikradii Xassan Kayd ee ahaa in Somaliland dib loo helo taas oo nasiib wanaag ka dib dagaalkii dabada dheeree ee u dhaxeeyay Kacaanka iyo SNM lagu guulaystay in Somaliland oo xor ah dib loo helo taas oo uu Xassan Kayd afkiisa ka sheegay sanadkii 1991kii in uu maanta si fiican u gamaayo maadaama figradiisii goosashadu hir-gashay 18 May 1991.
Gunaanad.
Maanta waxaa loo dabaal degayaa sanadguuradii 29aad ee Somaliland halkan waxaan dadka uga sheegayaa oo aan fahamsiinayaa in aanay 18 May ahayn maalin la heeso ama la damaashaado ee ay tahay maalin ku sawiran dhiiga boqolaal nin oo ahaa haldoorka reer Somaliland maaha maalin caadifad aawadood loo sameeyay ee waa maalin ka soo go'day oo ka soo maaxatay haldoorkii reer Somaliland maaha maalin lala murmo agoontii kacaanka iyo xaasidka waa maali mudan u la xuso ragii fikirkan markiisii hore lahaa sida Xassan Kayd, Mahamed Hashi Elmi, Pro Abdisalam Yassin,Abdisalan Cabdulqadir iyo Xassan Adan Wadadiid, iyo LIxle Cabdulqaadir Koosaar Adan Shiine iyo rag kale oo badan oo aanan halkan ka sheegi kari. Waxa kale oo loo baahan yahay si aan ragan taariikhdooda iyo halgankooda aan meel cidlo ah sida hada muuqata laga dhaqaaqin waa in loo dhisaa wax waawayn oo maaqaal dheer leh oo jiilka soo socda ku xusuustaan waxaa kale oo lama huraan ah in jiilkan cusub ee maanta jooga ay halkaas ka sii wadaan fikirkaas ay aaminsanaayeen awoowayaashood iyo SNM kaas oo loo baahan yahay in ay dhalintan iyo abaxan maanta joogaa noqdaan gaadh-hayaha Somaliland sarena u qaadaan calanka iyo magaca jamhuuriyada Somaliland Guul Somaliland.

Ibrahim
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO