Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Wax qoray xildhiban Cabdiraxman Yusuf Cartan Hay'addii Shaqaalaha Dawladdu Miyey Waalatay? W Q : XIl Cabdirahman Yusuf Cartan mise way soo wadataa?

0
Tuesday May 19, 2020 - 15:58:51 in Maqaallo by Hargeisa Head OFFICE
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax qoray xildhiban Cabdiraxman Yusuf Cartan Hay'addii Shaqaalaha Dawladdu Miyey Waalatay? W Q : XIl Cabdirahman Yusuf Cartan mise way soo wadataa?

    Wax qoray xildhiban Cabdiraxman Yusuf Cartan Hay'addii Shaqaalaha Dawladdu Miyey Waalatay? W Q : XIl Cabdirahman Yusuf Cartan mise way soo wadataa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax qoray xildhiban Cabdiraxman Yusuf Cartan Hay'addii Shaqaalaha Dawladdu Miyey Waalatay? W Q : XIl Cabdirahman Yusuf Cartan mise way soo wadataa?
10kii cisho ee ugu danbaysay laba shaqaale bay ku dhawaaqday inay shaqadii ka eridey! Hawl yaraa shuqulku. labada shaqaale ee la eryey labada wasaaradood horumarinta maaliyadda iyo xanaanada xoolaha bay ka tirsan yihiin. Hay'adda Shaqaaluhu, awel ma waxay u xilsaarnayd daryeelka shaqaalaha mise dibindaabyadiisa? Cidda maanta duruufaha dhaqaale xumo, 

caafimaad xumo, ramadaan oo isbiirsaday qof shaqaale ah quuto yoomigi ka jaray maxaynnu ku magacawnaa? waa mid subxaan Alla! wuxu meel kaga dhacay xuquul insaankii aasaasiga ahaa ee shaqalaha. 


sumcadda qaranka Somaliland oo uu ka yeelayo xukuumadda aan u tudhayn dadkeeda nugul, magacii hayadda shaqaalaha oo u muuqda mid halkii ay u hiilin lahayd caadinaysa shaqaalaha. Tallaabadan hay'addu waa mid sharci darro ah waana dastuur jebin, waana jebinta xeerka shaqaalaha dawladda (civil Service law) xeer lam. 7/96, cutubkiis7, qodobadiisa 25, 26 iyo 27 oo tilmaamaya anshax marinta qofka shaqaalaha ee khalad sameeya. 

 Anshax marinta waxa samayn kara Guddi sare oo heer qaran oo madaxweynu magacaabo oo 9 xubnood ka kooban ama Guddi heer wasaaradeed ah oo 3 xubnood ka kooban. Ma cadda in gudiddaa heer wasaaradeed ay arrintan ka fadhiisteen. Xeerku sheegi maayo meel ay hay'adda shaqaaluhu ka soo gasho eriga iyo eedeynta qof shaqaale wasaaradeed ah. 

Waxad moodda inay hay'addii shaqaaluhu hayso shaqo xuuraan oo ka habboonaa hay'daha nabadgelyada. Hay'adda shaqaluhu miyirkii ha soo ceshato, hana joojiso xuuraanka iyo cabsigelinta ay kula kacayso shaqaalaha masaakiinta ah ee waxay dawladda ka qaataanba aanay daboolin kirada guriga qofku deggan yahay.
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO