Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Sharciga iyo qawaaniintu waxay ka samaysmaan dhacdooyinka waayaha W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis

0
Wednesday May 20, 2020 - 08:17:48 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharciga iyo qawaaniintu waxay ka samaysmaan dhacdooyinka waayaha W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis

    Sharciga iyo qawaaniintu waxay ka samaysmaan dhacdooyinka waayaha W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sharciga iyo qawaaniintu waxay ka samaysmaan dhacdooyinka waayaha W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis  Waxa maalmahan magaalada Burco isa soo taraya tallaabooyinkii lagu yiqiin ilbaxnimada. Bulsho waxay ilbax tahay marka ay sharciga.iyo qawaaniinta ehel ka dhigto. Sharciga.iyo qawaaniintuna waxay ka samaysmaan dhacdooyinka waayaha. Waxaynu maqlayney tabashooyinka dadweynaha ee adeegyada laydhka, biyaha iyo duruufaha la soo dersey macallimiinta. 

Arrimahan oo intoodii dhammaatay lagu qanacsan yahay sidii la isula meel dhigay, inta hadhayna waxa la rajeynayaa in si wanaagsan loo soo afjaro. Hadiyo jeer marka ay tabashooyin yimaaddaan laguma kala adkaado buuq, dhagax tuur iyo nabadgelyada oo wax loo dhimo, waxa lagu kala adkaadaa hanashada taageerada dadweynaha (public support). 


Sidaa-awgeed, waa lagama maarmaan dhaqdhaqaayada noocan oo kale ah inay hoggaanka u qabtaan aqoonyahanno xil kas ahi, waana hab dhaqan togan oo loo baahan yahay inay bulshadu qabatinto. War murtiyeedkii macallimiinta gobolka Togdheer waxa ka muuqatey aqoonyahannimo, aftahannimo iyo xarrago hadal aany hoos ugu daadegin tabashadoodii. Kolley anigu waan ku diirsaday. Haddaba, waxan kula talin lahaa macallimiinta in aanay lumin fursadda maanta isu keentay ee midaysay. Waxa habboon inay samaystaan urur u dooda sida "Ururka Macallimiinta Togdheer” kaas oo u gudbi kara gobollada dalka oo dhan oo noqon kara "Ururka Macallimiinta Somaliland” (Somaliland National Teachers Union). 

Urukaas oo u adeegi doona danaha macallimiinta xubno ka noqda. Waa dariiqo ka mid ah kuwa lagaga gudbi karo keli doonashada, qabyaaladda iyo hamrashada wax aad xaq u leedahay. Waxa kuu doodaya Urur sharci ah oo aqoontii, sharcigii iyo dhaqaalihii uu kuugu shaqayn lahaaba aad ka heshiiseen. Ku naso qaddar aan badnayn oo qaadhaanka xubinnimada ururka ah (membership fee). Why do you need reer Hebel, when $5 can work for you? 

W/Q Prof Omar Osman Hersi Xiis
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO