Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Cadceedu Hortiinay Iman

0
Thursday May 21, 2020 - 00:28:59 in Maqaallo by Shaqaalaha Burcoonline News
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadceedu Hortiinay Iman

    ASC. Marka hore waxay mahad oo dhami u sugnaatay Allah (sw).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ASC. Marka hore waxay mahad oo dhami u sugnaatay Allah (sw).

ASC. Marka hore waxay mahad oo dhami u sugnaatay Allah (sw).
Marlabaad waxaan ahay nin odaya oo degaanada xukuumada somaliland ku cartamayso
ee Ceelafweyn iyo Garadag ka soo jeeda.
Waxaan kaloo ahay muwaadin dalka (Somaliland) la jecel nabad, horuumar, barwaaqo,
Iyo ictiraaf in Ilaahay siiyo (somaliland) insha Allah.
Waxaan la damqanayaa oo la dareen ahay in alaale iyo inta wasiirada C/weyn joogaa iyo
xukuumaduba ku hayaan dulmiga, tacadiga, xadhiga aan xadka lahayn iyo barakicinta ay ka
wadaan degaanada C/weyn iyo Garadag.
Oo ay ka mid yihiin xadhiga hablaha umulah ah, xadhiga indha la’aanta ah ee lagula
kaacaayo dhalinyada, haweenka, odayaasha iyo qof kasta oo fekerkiisa saliimka ah cabira,
ee degaanadaa ka soo jeeda, oo ay caga jugleyni u dheertahay, taasoo kelftey in dad
badani ka barakacaan degaanadoodii, dhalinyaradiina buuraha galaan.
Hadaba waxaanu leenahay waxan ay xukuumada Muse Biixi ka wado degaanada C/weyn
iyo Garadag, dawladii daalimada ahayd ee Afweyne kama dhici jirin arimahan qaarkood,
sidaa darteed waxa loo dulqaadan karo ma ah.
Sidaa awgeed waxaanu si adag u cabaarayn naynaa falalkaa foosha xun ee xukuumada
Somaliland ka wado degaanadaas.
Waxaanu kaloo ugu baaqaynaa xukuumada, inay kala baxdo wasiirada iyo ciidamada
dhibaatada ku haya ee qaxinaaya dadka maatada ah ee abaaraha iyo colaaduhu
halkeeyeen, dadka degaanadaasi awelba iyagaa is diley heshiinayana sidii horeba u
dhacday, waayo xukuumad dhexdhexaad ka ah arimahani ma jirto.
Dagaanadaasi waxay ka aradan yihiin wax astaan dowladeed ah, aan ahayn ciidamo.
Ciidamada goobahaa joogaana waxay dadka rayidka ah xasuusinayaan dhibkii 29 sano ka
hor dalkan loo soo mary.
Waxaanu leenahay nabada degaanadaas ha laga daayo kufsiga, hana loo daayo cida aanay
ka maarmay nabadu (Suldaanka iyo Cuqaasha qaarkood)
Horaa loo yidhi: "Nimaan kuu furayni yuu kuu rarin”.
Waxaan ku soo af meerayaa kuwa degaanada la barakiciyey ka soo jeeda ee hor
galayaasha xukuumada mansabkuu doona ha sheegtee, "cadceedu hortiinay iman”.
Wa billaahi tawfiq.
Mr. I A Ali
United Kingdom

Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO