Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Somaliland: Tirada Dadka U Dhimanaya Xanuunka Covid-19, Oo Sii Kordhaya

0
Thursday May 21, 2020 - 10:47:44 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Tirada Dadka U Dhimanaya Xanuunka Covid-19, Oo Sii Kordhaya

    Somaliland: Tirada Dadka U Dhimanaya Xanuunka Covid-19, Oo Sii Kordhaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Tirada Dadka U Dhimanaya Xanuunka Covid-19, Oo Sii Kordhaya

Xukuumadda Somaliland ayaa ka xog warantay kiisaskii ugu dambeeyey ee laga helay xanuunka koronaha, waxayna tilmaantay in shalay laga helay laba qof, halka tirada guud ee xanuunkan laga helayna ay yihiin 131 qof, halka hal qofna uu u geeriyooday, wadarta guud ee dadka u geeriyooday xanuunkana ay yihiin ilaa hadda 11 qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixintiisa maalinlaha ah ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen dadka ka soo talaabay xuduudaha, waxaanu yidhi"Inagoo Bulshada Somaliland la wadaagayna xaalada maalinlaha ah iyo xaalada guud ee Covid 19 ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, alxamdulilaah 24 sacadood ee ugu dambeeyey waxaanu baadhnay 20 qof, 20 qofkana waxaa ka soo baxay oo tiradii hore ku biiray laba qof, labada qof hal qof waa dumar, hal qofna waa rag, labadubana waxay joogaan Magaalada Hargeysa, labada qofba da’doodu waa da’da u dhexeeysa 30 jir ilaa 40 jir”.

Mar uu ka hadlaayey tirada ilaa hadda xanuunkan laga helay, tirada ka bogsatay iyo tirada u geeriyootay ayaa yidhi "Wadarta guud ee xanuunkan laga helay waxay ka dhigayaan 131 qof, halka wadarta guud ee xanuunkan ka bogsatay ay noqonayso 10 qof, iyadoo aanu filayno in dhawaan dad badan dib loo eegi doono oo bogsashadu aad kor ugu kici doonto, dhawrka maalmood ee soo socda haddii ALLE yidhaahdo, 24 sacadood ee ugu dambeeyey dadkii hore ee xanuunka Cisbitaalada ugu jiray, waxaa Magalaada Boorama ku dhintay hal qof, taas oo ka dhigaysa wadarta guud ee dhimashada 11 qof, 24 sacadood ee ugu dambeeyey waxaa laga hubiyey xumada xanuunkan 2381 iyadoo shaqaaluhu meelo kala duwan ku eegeen, dadkaas ka soo galaya dhinaca xuduudaha”.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in labadan qof ee laga helay xanuunka ay ka mid ahaayeen dadkii karantiinka ku jiray.

 


Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO