Wednesday June 03rd, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Somalilanta Quruxda badan dadbaa u yaqaana Sawirka noocan ah !

0
Friday May 22, 2020 - 03:15:20 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalilanta Quruxda badan dadbaa u yaqaana Sawirka noocan ah !

    Somalilanta Quruxda badan dadbaa u yaqaana Sawirka noocan ah !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalilanta Quruxda badan dadbaa u yaqaana Sawirka noocan ah !
Inqilaabkii Caddaalad doonka ahaa ee 1961kii, Kacdoonkii dhagaxtuurka ee Hargaysa ka dhacay 1982kii iyo Halgankii ay horseedka u ahaayeen SNM , midhihiisii Waxay noqdeen; Caddaalad inaan helo Waan u halgamaa, hayga filina'se inaan anigu Sameeyo .

Waxaan ahay Laan badweyn lagu tuuray oo asqaysan, Waayo ? Isma Waydiiyo Xaqiiqooyinka jira, Indhahana Waan ka qarsadaa runta I hortaala, Waxaan qaataa Inta la ii sheego kaliya, Ka ii sheegayaana igama xishoodee, wuxuu i yidhaahdaa; Si Caddaalad loo helo dalka dhiig badan ayaa loo soo huray nafo badanina Way ku maqan yihiin.


Haa dalka hawl badan ayaa loo soo maray, oo Dad iyo Duunyaba Waa loo Idlaaday, Laakiin iswaydiintu Waxay tahay Shalay Caddaaladaad raadinayseen, maxaad u Samayn laadihiin Maanta ? .. Umalayn maayo inaad iiga Jawaabi karto, anna kaama quustee ii sido hogaankaa !

Waxaanu nahay Shacab ay u heshiiyeen Saddex Boqol oo qof Waxaan ka badnayn, Kuwaasoo Muxaafad iyo Mucaarad isugu jira ( Isma dhaanto iyo dhasheed) Waa mid maanta qofone ah oo dhiiga shacabka ku dul nool, iyo mid u sii midiyo lisanaaya berri ( Waraabaw Waa haleey)... Waa Qaranka Jirey Shalay iyo ka maanta jira, maahase ka aan laabta ka jecelahay.

Garan maayo meel ay idinla gaadhi doonto, Waxaadse ku guulaysateen, Inaanu Xaq iyo Xaqdaraba idinku taageerno, Wixii aad noo sheegtaan Uun baa runa, maalintaad Kursiga ku fadhido Dalku Wuxuu gaadhay, meelaanay Waddamada "G8" ku gaadhin,markaad dibada joogtana waxa la fadhiyaa Ban abaara oo aan Geed la hadhsado lagu ogayn !

Anoo bilaa Caafimaada, Waxbarasho tayo leh haysan, bilaa biyo iyo Waddo ah, Si aad Kursiga u fadhido, Ciddii Ilxun kugu eegtaa Waa kuwo qoyskeena u dan leh. Aqoontayda, Kartidayda, Dawladnimadayda iyo Damiirkayguba aday kuu rahman yihiin, maxaa Wacay Gobaad tahay, Inta kale Gun Weyaan, aan gayin kursiga Sare, Waana Sidaad igu anqarisay !

Intaad kursiga ka maqantahayna ma nasto, dartaabaan u baylahshaa hawlahayga, markaad Waydo, Nabadaydii aanan Waxqabadka Dawladnimo ku qabin, dartaabay ku dhawaataa inay u burburto.
isma qariyee Waataan Taayirada kuu gubo, ee barbaartaydu Gobolada kala xidhaan, Duurkana Waataan aawadaa diinka u qasho, sidii Jiritaankaygii la soo Weeraray !

Gunaanadku Wuxuu yahay haddaba maxaan doonayaa ? .. Waxaan doonayaan Jirin !! .

W/Q; Maxamed-Ugaas

 
 
 
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
FULL,Barnaamij Xiiso Badan Ciyaaro dhaqamed Heesa iyo Kooxda Habara
DAAWO FULL KHUDBAD: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOOMALILAND OO ARIMO BADAN KA HADLAY
WAREYSIYO