Madax-dhaqameedka Bariga Burco Oo Kulan Hoose La Yeeshay Madaxweyne Biixi Iyo Dareenada Ku Xeeran.
Madax-dhaqameedka Beelaha Habar-jeclo Ayaa Maanta kulan la Yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Kulankan Ayaa Waxaa Codsaday Madaxwayne Biixi Oo isagu u Yeedhay Salaadiinta.
Salaadiinta Habar-jeclo Ayaa Yagu U Muuqday kuwa la kulanka Madaxwaynaha Ka Caga Jiidaya, islamarkaana Markii la kulmay Aan Wax Codsi Ah Ama Tabasha Ah Aan U Gudbin Madaxwayne Biixi.
Madaxwaynaha Ayaa isagu dhiniciisa Si Wacan Usoo Dhaweeyay Salaadiinta, islamarkaana u sheegay in uu Albaabkiisu u Furan Yahay Wakhti Walba.
Lama Garanayo Sababta Uu Madaxwayne Biixi Wakhtigan u Codsaday La kulanka Salaadiinta Habar-jeclo iyo Sababta ay Salaadiinta Habar-jeclo Uga Caga jiidayeen La kulanka Madaxwaynaha.
Balse Waxa loo malaynaya in Salaadiinta Habar-jeclo ay go’aan hore ka qaateen Muuse Biixi oo Wax Meel u Yaalaan.
Halka Muuse Biixi Ka rabo Salaadiintii in ay kala Shaqeeyaan oo soo af jaraan Arrimaha ka taagan Gobalka Sanaag, Maadaama Waftigii Wasiirada Aha Ee Mudada Badn joogay Ay Waxba Ka Qaban Kari Waayeen.
Madax-dhaqameedka Bariga Burco Oo Kulan Hoose La Yeeshay Madaxweyne Biixi Iyo Dareenada Ku Xeeran.
Madax-dhaqameedka Bariga Burco Oo Kulan Hoose La Yeeshay Madaxweyne Biixi Iyo Dareenada Ku Xeeran.