Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Macdanta Fiqi-ayuub qaranka wey ku fileyd laakiin Qadoodi ayaa laga joogaa.

0
Monday June 22, 2020 - 11:54:53 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macdanta Fiqi-ayuub qaranka wey ku fileyd laakiin Qadoodi ayaa laga joogaa.

    Macdanta Fiqi-ayuub qaranka wey ku fileyd laakiin Qadoodi ayaa laga joogaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macdanta Fiqi-ayuub qaranka wey ku fileyd laakiin Qadoodi ayaa laga joogaa.
Dal kasta oo aduunyada ka mid ahi wuxuu leeyahay khayraad iyo farsamo dakhli ka soo galo. Wadamada horumarey dakhligoogu wuxuu ku xidhan yahay alaabta warshadahooodu soo saaraan oo ay u suuq
geeyaan aduunyada kale. Wershadahaas waxay abuuraan shaqo abuur iyo xarakaad suuq, nolosha dadkuna waxay ku tiirsan tahay dakhliga ka soo gala shaqadooda. Intaas waxaa dheer canshuurta laga qaado adeega, alaabta iyo shaqaalahaba oo qaran ku dhisan yahay oo lagu maamulo hufnaan iyo isla
xisaabtan ku dhisan kalsooni.


Hadaba, si umadi horumar u gaadho waxaa asal u in la helo marka hore aqoon, hufnaan iyo daah furnaan maamul (knowledge , accountability and transparent) si meesha looga saaro musuqmaasuqa,
maamul xumada iyo eexda. Nolosha iyo dhadhaqaaqeedana waa in mar walba lagu xakameeyaa isla xisaabtan joogta ah si loo ogaado jahada dhadhaqaaqani ku wajahan yahay, iyadoo lagu cabiraayo
halbeeg sugan oo kalsooni umadeed leh iyadoo la raacayo xeerar iyo qawaaniin degsan oo lagu abuurey kalsooni wadareed. Daah furnaanta maamul iyo isla xisaabtanku wuxuu horseedaa in maamulku noocu
doono ha ahaadee helo kalsooni umadeeda, umada dhexdeeduna is aaminto. Hay’adaha adeega buslshada gacanta ku hayaana waxay noqonayaa kuwo fidiya adeeg hufan oo ceeb ka carar ah kalsooni doona ah, dadkana ku celinaya adeeg ay dadku u igmadeen. Kharashka adeegan lagu fulinaayona waa
dakhli ay bixiyeen loo adeegayaashu. Adeeg fuliyahana oo ah hay’adaha mid dawladeed iyo gaar ahba waxay dadku kula xisaabtami doonaan hantida iyo maamulkaba, waxaa halkaas ka cad in isla
xisaabtanku dheelitiro rarka maamulka la saaro, waxaana u asal ah kalsoonida iyo is-aaminka.

Macdanta Fiqi-ayuub iyo maamul xumada hadheysan

dalka Somaliland waa wadan yar oo faqiirnimo saameyn xoog leh ku yeelatey adeegii buklshadu u baahneyd, waxaana adkaatey in la helo adeeg hagaagsan oo tayo leh, sababna looga dhigayo dakhli yaraan iyo isla xisaabtan la’aan haysata hay’adihii loo igmadey adeega bulshada sida caafimaadka,
waxbarashada , biyaha iwm. Waxaa dhab ah in Fiqiirnimadu halkeeda taagnaaneyso weligeed dakhli kastoo la helo hadii aan la helin isla xisaabtan, maamul wanaag iyo daahfurnaan oo aan lagu xisaabtamin
kalsoonida bulshada adeega loo fulinaayo iyadoo la dhowrayo amaanada umada. Waxaa mudo hada laga joogo 2 sano buuraha Fiqi-ayuub laga howl geliyey shirkado Shiineys ah oo ogolaansho ka haystey wasaarada macdanta si ay u soo saaraan madanta JADE-ka loo yaqaano. Dadka

degaankan degan waa bulsho reer baadiye ah oo adeeg iyo maamul dawladeed midna gaadhin, taasna waxay sababtey in bulshadani ka hadhaan horumarka bini’aadamka laakiin markii ay arkeen maamulkii
iyo shirkadihii oo wada socda waxaa gashey rajo iyo yididiilo nololeed waxayna ku soo dhoweeyeen gacmo furan si loo soo saaro kheyraadka dihin, baahiyahoodana wax looga qabto, qarankuna badhaadhe u gaadho. Wasaarada macdanta iyo shirkadahani waxay odayaasha iyo waayeelka degaanka la galeen
heshiis gacan ku rumis ah, iyadoo dadka loo balan qaaday horumar baxaad leh oo wax lagag qabanayo adeegyada bulshada taabanaya sida caafimaadka, waxbarshada, biyaha , tamarta iyo wadooyinka iyo
ilaalin degaanka oo xoolo daaqeen ahaa.

Maxaa bulshada loo qabtey 2 sano ka dib ?

Jawaabtu waxay maanta noqotey ”Waxba lagama fulin balanqaayadii heshiiska ku xusnaa ee bulshada lala galey ”. Mudadaas sanooyinka ah waxaa lagu foognaa qodida iyo soo saarida macdanta buuraha
Fiqiayuub, waxaana ka hirgeley wax soo saar aan xisaabtiisa la hubin maadama maamul wanaagii iyo daah furnaantii meesha ka maqan tahay xisaabtana lagu darsan sida muuqata. Gebi ahaanba meesha
waa laga saarey heshiisyadii lala galey bulshada degaankan degan, waxaana loola badheedhey dulmi iyo in hantidoodii gacanta loo geliyo shirkado shisheeyo oo ka daneysanaya, manafaaciidkii iyo faa’iidadii ka
soo baxdeyna fara-dhexdood ayey ka baxdey oo la isma weydiiyaan. Waxaa isku dhex milmey wasaaradii macdanta iyo shirkadihii oo ku shuraakoobey dano qarsoon oo shaqsiyeysan. Waxaa nasiib daro ah oo
muuqata in dakhgligii qaranka iyo bulshadaba aan maanta la ogeyn meel u ku dambeeyey halkaasna
lagu lunsadey hantidii ummada lahayd. Dakhliga xoogan ee laga filaayey macdanta Fiqi-ayuub wuxuu dabooli karaayey dhamaan baahiyaha ka jira qaranka iyo degaankanba hadii hufnaan iyo maamul
wanaag jiri lahaa. Wax kale iska daayee, Nasiib daro, Fiqi-ayuub waxay ka tirsan gobolka Togdheer hadana Dhakhtarka Burco bukaankii jiifey ayaa ugu dhimanaya ogsiijiin la’aan iyadoo macdantii gobolka
loo daabulayo dalka Shiinaha. Hadii mashruucan macdanta ee Fiqiayuub lagu maamuli lahaa hufnaan iyo
maamul wanaag sidaan kor ku xusey, waxaa dhab ah in dalkan ka heli lahaa dakhli daboola baahiyaha
qaranka ee aasaasiga ah , bulshaduna waxay heli lahayd adeeg ku filan oo daboola baahiyahooda bulsho
laakiin maanta hantidii baaxadaa lahayd ee qaranka ku filayd waxay ka baxdey faro-madhan dhexdood,
waxaana u sabab ah musuqmaasuq , maamul xumo iyo dahfurnaan la’aan.
Baabi’inta degaanka iyo barakaca bulshada

Degaanka Fiqi-ayuub wuxuu ahaa dhul xoolo daaqeen ah oo ilaahey ku maneystey dhir iyo tigaadba oo ay ku
noolaayeen xoolo nooc kasta oo ay noqdaanba xoola dhaqataduna ku ladneyd. Maantase dhulkii sidaa ahaa waxaa
loo rogey lama degaan iyadoo shirkadihii Shiineyska ahaa ogaan ugu shubeen sun kimikaal oo dhalan rag ku
sameysey dhulkii oo aan nolol dambe ka suurtoobi doonin mustaqbalka, dadkii dhulkan deganaana laga
barakiciyey, halkaasna waxaa ka dhacey masiibo degaan oo aan qorshaha lagu darsan, allow sahal.
Hadaba, dawlada oo madaxweynuhu u horeeyo iyo hay’adaha hanti dhowrka waxaa la gudboon in
dabagal lagu sameeyo dakhligii macdanta Fiqi-ayuub iyo buurihii macdanta ahaa ee la rarey meeshey ku
dambeeyeen.

Qore : Salah Bulale Qodah
Fiqiayuub
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO