Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Kaalinta Cilmiga Statisticska ee La Dagaalanka COVID 19: Tilmaan iyo Talo

0
Monday June 22, 2020 - 23:11:55 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaalinta Cilmiga Statisticska ee La Dagaalanka COVID 19: Tilmaan iyo Talo

    Kaalinta Cilmiga Statisticska ee La Dagaalanka COVID 19: Tilmaan iyo Talo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaalinta Cilmiga Statisticska ee La Dagaalanka COVID 19: Tilmaan iyo Talo

Xog la helyaaba talo la helyaa. Qoraalkan waxaynu si kooban ugu soo bandhigi doonaa sida loogu adeegsado cilmiga statistics safmareenada, mana dhexgalayno faansaaradda la adeegsado, waayo waa cilmi balaadhan oo aqoon dheer iyo waayo aragnimo badan u baahan. Hadaba, kolka uu dilaaco safmareen caalamiyi sida COVID 19, waxa loo baahdaa in jawaabo loo helo, su'aalo ay ka mid yihiin : dal kasta intay leegtahay nisbada u ku dhacay(Infection Rate)iyo intay leegtahay nisbada uu dili karaa(Fatality Rate)kuwaas oon lagu ogaan karin inta warbixintooda laga helo meelaha gaarka ah ee ay la xidhiidhaan dadka bukaa laakiin u baahan in loo adeegsado cilmi baadhis xeeldheer oo ku dhisan in bulshadda laga qaado muunado bilaa baadi sooca(Random Samples)Cilmi baadhistaa waxa kale oo lagu ogaan karaa cida u nuguli cudurku astaamaha ay leedahay(Risk Factors).Kolka muunadahaa laga qaado bulshadda, waxa loo kala saaraa afar qaybood: mid laga helay fayraska astaamahii cudurkana leh(Symptomatic); mid laga helay fayraska astaamahiina aan kolkaa lahayn laakiin ay mar dambe ay ku soo baxaan(Presymptomatic); mid laga helay fayraska oon astaamahii cudurkuna aanay abid ka soo bixin(Asymptomatic)iyo mid ka fayow fayraska oo caafimaad qaba. Noocay doonanba ha noqdeene, saddexda qolo ee fayraska sidaaba way faafiyaan. Labada qolo ee kala ah: asymptomatic iyo presymptomatic waxa lagu kala saaraa laba usbuuc oo karantiimo la galiyo, kolkaa oo kuwa presymptomatic ah uu cudurku ku soo baxo. Dhanka faafinta cudurka waxa ugu katar badan kuwa aanay astaamahu ka soo bixin ee laga cabsida qabin.

Cilmi baadhistan waxa kale oo looga faa'iidaystaa in lagu ogaado nisbada halkii qof ee cudurka qabaa inta qof ee uu u gudbin karo(Reproduction Rate).Taasoo lagu saadaaliyo sida cudurku u faafaayo iyo haddii aanu talaal jirin goorta dalkaasu gaadhi karo inuu yeesho difaac siman(Herd Immunity)oo cudurka faafintiisu ku joogsato.

 

Dhinaca kale waxa xusid mudan, Waxa jira aragtiyo hore u jiray oo hadda soo laba kacleeyey, laakiin ay adagtahay sida cilmi ahaa lagu cadeeyaa. kuwasoo sheegayaa in cudurka safmareenka ah waxyeeladiisu ay ku xidhantahay ciida degaanka u cudurku ku dhacay. Shakiga jiritaanka arrintaasu waxay ka dhalatay, kolkay soo baxday in ay kala badantahay tirada dhimashadda ee Jarmalka iyo Ingriiska iyagoo si isu dhow fayraska u xakameeyey. Aragti kale ayaa sheegaysa in fayraskani (coronavirus) uu raaco hawadda aan saafiga ahayn ee qiiqa wershadaha iyo baabuurtu sii daayaan haddaan la xakamayn. Arrintu siday doontaba ha noqotee, waxa is weydiin leh, tusaale ahaan, Hargeysa oo tirada dadkeeda iyo cidhiidhiga bulshaduba aad u badan yihiin, cudurkana aan dan ka galin ka foogjinaantiisa, maxaa saamayntiisu aad ugu yartahay? sidaa dad badani qabaan, waa fadliga Allah. Waxase loo baahanyahay, in lagu dadaalo sidii wax badan looga ogaan lahaa iyadoo aqoon la kaashanaayo, lagana bilaabaayo magaalooyinka waaweyn ee bulshada badani ku nooshahay.

Dr. Mohamed Yusuf Hassan

UAE University

Al Ain




--
------------------------------ ------------------------------ ----------------
Mohamed Ibrahim Abdilahi
Media Manager | Chairman | Editor in Chief
TELESOM Company |SOCSA | WARSOOR
Websites: Telesom.com |socsa.org|warsoor.net
Phone: +252-63-4423027
Tel: +252-522383
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO