Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

"lurkii Gumeysiga Geed Dheer Ku laalay"

0
Thursday June 25, 2020 - 20:35:19 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "lurkii Gumeysiga Geed Dheer Ku laalay"

    "lurkii Gumeysiga Geed Dheer Ku laalay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"lurkii Gumeysiga Geed Dheer Ku laalay"
lurkii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen, leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen,

Ku Dhowad 70 Sano,Ciida Iyo Cariga Waxaa Gacanta Ku Hayey Gumaystihii Ingiriiska,Laakin Waxaa Lasoo Af-jaray 26 June 1960kii Maanta Oo Kale.,

waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda Qaadatay Somaliland isla markaana ay dowlad noqdeen.
Balse Waxaa Marag Madoona in 26ka June Tahay Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin Midhaheeda Kooxi Guratay.

6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.,"Taladan La Ruugin Waa Lagu Rafaada"

Waxaan Laga Dhaxlay Huq Iyo Hadimo,Hogdheer Ku Riday Tacabkii Halgamayaashi Iyo Halyeeyadi Cadawga Uga Hiiliyey Diinta,Dadka Iyo Dalka.

Halgamayaashii u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar Somaliland halkan laguma soo koobi karo, Waxay Ahaayen qaar halgan Qadhadh la galay Saancadaalihii gumaysiga oo muddo badan socday,

waxaa ka mid ah Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo Xisbiyadii S.N.L IYO USP, dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanada kala ah Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa Dhacday Midnimo Aan Loo Meeldayin,Waxaa La Filayey In Lagu Raysto Balse Waa Lagu Rafaaday,Runtiina Waxay Noqotay,Anaga Jabne Jabuutiyey Ka Joog"

Waxaa Bilowday Raacdo Kale,Oo Qormo Iyo Qalin Ma Koobana,

26keena", Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, mijiyo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan,

WQ Weriye Cabdiraxman Tiriike,
0634300826.

Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO