Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Buurtii Foolatay, Ma Bakaylay Dhashay? Qaybtii Labaad

0
Friday June 26, 2020 - 23:06:08 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 160
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buurtii Foolatay, Ma Bakaylay Dhashay? Qaybtii Labaad

    Buurtii Foolatay, Ma Bakaylay Dhashay? Qaybtii Labaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buurtii Foolatay, Ma Bakaylay Dhashay? Qaybtii Labaad Haddii aanad qaybtiikoobaadee qormadan soo akhrisan, fadlan ka soo akhriso mareegaha daabacay. Waxaynnu sidaasi u leenahay, maqaalku dhandhan kuu yeelan maayo - haddii aannu kuu taxnayn!
Si aynnu qormada uga sii wadno halkii ay innoo taagneyd ee ahayd,madashii maxaa ka dhacay?Aynnu jelleecnomadasha oo Jubuutiahayd iyo sidii ay wax uga dhaceen.
Runta marka la sheego, dawladdaJabuuti; si aad ah ayay iskaga xilsaartay: soo dhaweyntii wufuudda, maamuuskii iyo martigelintiiba - waanay ku ammaanan tahay.

Marka laga reebo: gacanqaad la'aanta,cafuufta(mask)kaafka lagu xidhnaa iyo xaaladaha kale ee uu abuuray(covid 19)kuoo suudhkii iyo salaantiiba shiiqiyey, haddana waxa garoonka qurxiyey: qadiifaddii casayd, askarta safnayd labada dhinac ee qadiifadda oo iyaguna xidhnaa direys cas!
Marka aynnu dhinaca kale ka eegno, xagga soomaalida waxay maalintaasi ahayd maalin taariikhi ah! Waayo, waa maalintii ay abidkood meel ku kulmaan:saddex madaxweyneoo soomaaliyeed,ra'iisulwasaare iyo xubno wasiirro ah oo intaasi tiradoodu tahay -iyaga oo ka arrinsanaya danaha ummadda soomaaliyeed. Sidaasi awgeed, qof kasta oo damqasho iyo diir soomaaliyeed lihiba aad ayuu ugu faraxsanaa shirka dhici doona - oo la filayey in wax weyni ka soo bixi doono!
Marka laga tago dadka caadiga (the grass roots),aqoonyahanka soomaliyeed wuxu filanayey - gaar ahaan kuwa shirarka caalamka la socdaa; in wax weyn la diyaariyey oo ay jireen, guddi hoosaadyo farsamo oo muddo dheer soo shaqaynayey - madaxdana loogu yeedhaysaxeexiddawaxyaabihii la soo diyaariyeyiyo bilidda xafladda!!

Waxase uu madashii boodhku ka duulay, markii wafdi waliba miiskii dhinac ka fadhiistay ee uu akhriyeykhudbadhaatankowah oo weliba ah iga qabo iyo waa markaygii!!
Nin Soomaaliyeed ayaa beri hore laga sheegay, in uu yidhi, "Afar qolobo mid keentay, waxay soo dhoodhoobeen
waa dhaankii dabagaale ee dhirfacowga lahaa."
Halkaa marka ay marayso, ayuu ninkii caqliga lahaa ka hadhay shirka oo uu yidhi, "Wallee af aan arko, ilko kama soo jeedaan!"iyo macno la'aani, "Soomaali waa meheraddeedii!"

La soco akhriste, qaybaha dambe ee qormada oo aynnu ku qaadaa dhigi doonno - waa haddii aynnu nafta haynnee-
qolo waliba ujeedada ay shirka u tagtay iyo waxa ay kala soo noqotay.

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email:[email protected]
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO