Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana

0
Saturday June 27, 2020 - 17:45:09 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana

    Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana


Xamaray meel lagu hangoobiyo hooygii la eeday
Farmajo: waaba adeerkii Afweyne oo aan biyo is marin:
waa ninkii tiiyoo dagaaladii ugu xumaa oo ka socdaan dhammaan inta ay degaan dadka reer sheikh Isaxaaq oo dhaawaciiaskartiisii dhiig-miiradka ahayd eeloo qaadayey xamar meel la kala dhigo la waayey, odhan jirayHargeisa iyo burco ayaa kubbad wada ciyaarayaa.


farmajona waxa uu been ka sheegayaatan jabouti eeraadkeedii sii qoyan yahay.
waxan ku leeyahay adiga iyo nimakii Xamar aad kala timid, markii uu garnaqsigiisii golihii markhaatiga lahaa ka jeediyey madaxweynaha Jamhuridda somalilnad mudane Muse-Aar, magaciisa iyo muuqiisaba allah ha raajiyee, waataad argagaxa qaaddeen adiga iyo afartii kula socday.

goob-joogayaashii "United nations” OAU Africa, safiirkii dabada kaa riixayey, Abygii ku hor carayey, Europiankii,Ina geelihii Ismaciil oo inuu xagliyaa ay caado u ahayd, dhammaan dhagaysigii doodadii qarnaqsiga eexalaasha ahaa miyaan galowgu dhiillaamin, dhegahana yaab lawada taagin, ma hadal baa meesha idiin yaala,
waxaad maalinta 26 juneugu dabaal-degtaa sow maaha nacasnimo. siyaasad kuu noqon mayso inaad ammaan aanloo baahnaynsoo jeedisaa. Somaliland way socotay ILAAHAY BAANA GARAB GALAY.

Muslimnimo nimaan kuu qirayn muumino khaas ah gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaama(A.J.H.)

Xamaray, waxan saatir kuu qorin u suul-dhabaalayn, in salaaddu weligeed kala tahay sunniyo faral u ogow sax iyo maan.

goormaad dadka Somaliland iyo madaxweyeheeda walaalo noqoteen, cadaw baynu nahay hadaanad ogayn. midnimada aad ku hadaaqdaan, iyo somaliweynta aad sheegtaan waatii dhimatay ee aabbaheed goblamay lixdankii, meeday jabuuti,NFD iyo dadka deegaanka somalida Ethiopia.

Somaliland kuwaa ayeykuula siman tahay, adiga iyo wasiiradaadu laba file baad kala sidataan, waayo waxan la yaabay midmaalin dhaweydaror hore mediaha wax ku soo qorqoray oo cuna-qabateyn uun laga raacay, maanta waxa uu ka hadlaayey dekedda berbera ee Somaliland, iyo shaqada duwaliga ah ee imaraatka iyo jamhuuridda Somaliland ka dhexaysa, wax taaga ah haddaad u hayso waxba ha iskula hadhin, iska hadlow ina igarre, hortaa jireba waa.

Sasabada dhallaankee suul-cayn iyo dhegdheerlee markaan qaydka sidaniyo seban layna bari jiray ma run baa salkeedii mise sebiga uun baa lagu seexin jiay waa. (Qays)

Waar ma carruur baa la sasabayaa, waxa uu ku hadaaqay waa caqliga foorara garashadiisa iyo inta ay gaadhi karto, wax taarikh ah oo ay ka hayaan adduunkii rogmaday ma jirto

Ma maanta ayaad walaal iyo Somali ka hadlaysaa, waanu walaalo nahay inta Somaliland ah iyo inta kale ee aanu nabad-wedaaga leenahay Somali.

Waxba hay maslaxan waa horaan maanka jaraye.

Ali samater oo Hoggaminayey

xasuuqii, dhiig-miiradkii, umula-dooxii, burburintii een waxba loola hadhin Somaliland markii morgan (Abdi-bile) cagaha wax ka deyey, taliye hiisii oo afweyne ka amer qaataa, wuxuu amar ku bixiyey in magaalooyinkaSomaliland iyo miyigaba gaar ahaan inta ay deggaan dadka reer sheikh Isaxaaq, in guri guri, seked seked, to house to house, dhulka lamala simo, oo nooc kast oo hubku leeyahay aan loo meel deyin. Waanay dhacday cadawtinimaas,si baaxad leh.

Hadaladiisii waxa ka midahaa Wareysigii BBC English; I was the highest ranking ordered to bumb Hargeisa.

Kuwan joogaana kaba sii caqli liitee, waa hadhaagii, iyo aarankii ubaxii kacaanka oo ka madhan milgihii dawladnimo.

Waa eeladii ayaxii tegay;

Ayax degey hadduu meel ka kaco eelo kugu reebyeh, wuxu aasay waagii beryey ogax-dillacaane (A. banfas)

Bal inay wax dareeman:

Kuwa nabadda inay doonayaamn dunida gaadhsiiyey,

dar kaloon aqoon bay wiglada ula dan leeyiine

midhaa daado iigama fadhiyin dib u heshiisiine,

Israaiila (Isra’el) waa loo dalbaday dabar go’aygiiye,

Dab wax guba, dabaabad, iyo jiib(jeeb)doobta ka higgooda,

wixiiyoo diyaaradu onkoda nala dul gowdhiidhshay,

Intay dawlad tamarteedu tahay waa la ii duraye

Sidii duur la gubay bay khalqiga qaraf ku daareene,

Nina iima diir nixin markaan daalanaa shalaye,

Anigaa daruuraha u koray roobkan ii da’aye,

dhulka cidi ma daaqdeen siday damacsanaayeene,

Rabbi doobirtii iyo rag baa laga doogaaye. ( Abw. Gaarriye)

Hadal isagaa iska badane waxaan maanta ku soo koobyaa intaa iyo ereyadan( Abu hadre)

Gebogabo rag lagu keenay baa layga gadayaaye.

Dibjirkii gidaarrada hurddaa laysu soo guraye.

Geshigayga way dhaqan yihiin gaasas qabay,

Weli guri dugsoon bay horddaan ganacyo-weyntiiye.

La soco haddii Allah ka dhigo.

Waa Q/ Mohamed Haji. A. (indha-cawl).


 
 
 
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO