Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Madaxweyne Waxaad la mid noqotay Mukulaashii Muriyada la luntay!

0
Saturday June 27, 2020 - 17:50:01 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waxaad la mid noqotay Mukulaashii Muriyada la luntay!

    Madaxweyne Waxaad la mid noqotay Mukulaashii Muriyada la luntay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Waxaad la mid noqotay Mukulaashii Muriyada la luntay!

Boqorkii Busada u galiyey muriyada Dahabka ah ee jaarka ula wareegtay misana lagala baxay ee soo noqotay iyada oo madhan. Boqorkii ayaa ku yidhi " yaa qida fayn al muritaa?waxay ugu jawaabtay; maw…maw,,,maw!

 

Haddaba, sida uu xalay xafladii xuska 26 juun ka sheegay Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Mudane Baashe ;Shirarkii hore ee lixda ahaa ee Somaliya iyo Somaliland isku horfadhiisan jireen .. mid walba Qoladaa Somaliya waxay la iman jireen laba qodob oo ahaa : ISDHEXGAL iyo Shirarka Marna HARGEYSA marna MOQDISHO aan ku qabsano. Labadaa qodoba Xukuumadii Madaxweyne Silaanyo waa ay ka diiday manay ogolaan.taasina waa taariikh ninkii lahaa ku suntan yahay.

Waxay ku beegnayd 14 June 2020 markii Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi uu horfadhiisatay Dawlada Somaliya magaalada Djbouti. Shirkaas oo ay dabada ka riixayeen dalal shisheeye.

Sida maamulka Somaliya waftigooda caadada u ahaan jirtey waxay markiiba soo qadimeen Qodobka kamid ahaa labadii qodob ee lixdii shir ee dawladii Silaanyo ay ka diiday, balse waxaa ganafka ku dhuftay oo ka baxay shirkii gudidii farsamo ee Somaliland ,, sida Wasiirka Xanaanada Xooluhu Siciid Sulub warbaahinta ka sheegay 17 June 2020. Waxaynu se kadib maqalnay in gudidii Somaliland dib ugu noqotay shirkii maalin kadibna la iclaamiyey afar qodob oo lagu heshiiyey. Maalmo kadib waxaa dalka dib ugu soo laabtay waftigii Xukuumada Somaliland iyada oo loo soo dhaweeyey sidii waftigu guul weyn kasoo gaadheen shirkaa. Waxaa kale oo iyana ahayd dhacdo xusid mudan in 22 June 2020 dawlada jabuuti soo saartay warmurtiyeed xambaarsan qodobadii lagu heshiiyey oo uu ka dhexmuuqdo qodobka is dhexgalka ee waftiga Somaliland markii hore daboolka ka saareen shacabka Somaliland. Diidmo balaadhan oo ka yimid shacabka Somaliland qodobkaa is dhexgalka , waxaa warbaahinta la hadlay gudidii wadahadalada sida Farotoon, Siciid Sulub iyo Edna Adan oo bulshada la wadaagay in waxba kama jiraan yahay qodobkaas is dhexgalku. Balse waxaa tuhunkii shacabka Somaliland iyo dafiraadii gudida aan sare ku xusay soo afmeeray Madaxweynaha Somaliland xalay 26 jun 2020 xuskii ku qabsoomay Madaxtooyada taas oo uu ku bayaamiyey in qodobkaasi jiro haseyeeshee uu sii daba dhigay shuruudo shucuur dajin ah . maxaa yeelay shuruudahaasi meelna kagama xusna heshiiska Djibouti ay inala soo wadaagtay. Shuruudahaa uu xalay inoo sheegay Madaxweyne biixi waa Marin habow kale iyo khayaamo kale oo uu ula badheedhay qaranimada iyo bulshada Somaliland.

Waxaan kusoo gunaanadayaa,,,,, Madaxweyne waxaad la luntayXornimadii, sharaftii iyo karaamadii Qaranimada Somaliland ee aad nasoo weydiisatay in aad masuuliyadaa sideeda u qaadayso ee aanu annaguna kuu dooranay. Waxaad la mid noqotay mukulaashii Muriyada la luntay, hadalkaaguna waxa uu ka dhigan yahay; maw..maw.. maw

 

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland


Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO