Tuesday July 14th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Wax ishu qabato waxa ugu foolxun "JAAHILNIMO SHAQAYNAYSA"

0
Saturday June 27, 2020 - 17:55:29 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ishu qabato waxa ugu foolxun "JAAHILNIMO SHAQAYNAYSA"

    Wax ishu qabato waxa ugu foolxun "JAAHILNIMO SHAQAYNAYSA"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax ishu qabato waxa ugu foolxun "JAAHILNIMO SHAQAYNAYSA"
Jaahilnimo ama aqoon-darro waa xog la’aan qofka ka qabsata arrimo dedan oo aanu waayo- arag u ahayn. Qasab maaha in qofku wax barasho sare yeesho si uu waayo-arag u noqdo
ama aqoon ugu yeesho ummuro aanu garasho u lahayn. Weelaynta iyo dhuuxidda aqoon diin iyo mid maaddiba leh ee qof uu cid kale oo lagu kalsoon yahay uu ka kasbado, waxay ka mid tahay waxyaabaha qofka aqoon-darrada qaarkeed kala baxsada oo wax u tara. Sida la
og yahayna qofba qofkuu ka dhegeysi badan yahay ayuu ka garasho iyo dhugmo badan
yahay waana furaha aqoonta in wax la dhegeysto balse aan la dhurmin sidii teneg ama
daasad madhan.
Akhristow waxan qormadan kooban kusoo bandhigayaa foolxumooyin ku habsadey sannidihii ugu danbeeyey dadka Soomaalida ah taas oo ay horseedday waxa loo yaqaan "Social Media” ama "Media technology”. Dadka isticmaala ama adeegsada farsamooyinkan
"social Media” ah waxay isugu jiraan dhowr qaybood kuwasoo kala ah:
1- Dad u adeegsada gudbinta aqoonta (waxbarashada) iyo is-kaalmaynta togan
2- Dad maaweelo ka dhigta oo waqtiga isku dhaafiya balse aan dan kale ka lahyn
3- Qaar lacag yar ka sameeya muuqaallada "youtube-ka” lasoo geliyo oo sheega wax-
alle wixii ay doonaan ee ay kusoo jiidan karaan cid alle ciddii ku xidhan.
4- Qaar cadaawad reereed, bulsho, kooxeed ama mabd’eed u adeegsada gudbinta
farriimahooda
5- Iyo kuwa ugu daranoo ah qaar waswaas iyo waalli nafsadeed haleelay oo isku qaboojiya kuna nafisa dhurankan ka madhan xigmadda iyo aqoonta.
Ka sokow qodobbada dusha ku xusan, waxay dadka ku mamay adeegsiga "Youtube-ku” ka siman yihiin hal qodob kaas oo ah "BEEN MAGAC KU-DOON”. Waxad arkaysaa qof maalintii
alle soo godoba soo yuurura Youtube-ka oo ka sheekaynaya qisooyin dad kale kudhacay oo soo maray mararka qaarkoodna qof bay ka waraysanayaan sheekada. Tusaale ahaan haddii qofka la waraysanyaa eed ama dhibaato loo geystey uu ka sheeganayo cid kale oo u
geysatey, sideebuu kan soo yuurura Youtub-ku uga markhaati kici karaa warkan looga warramayo.


Hawraar-murtiyeed Somaaliyeed baa tidhaahda " haddii qof calooshu kasoo dhacday kuu yimaaddo oo ku yidhaahdo hebel baa nabarkan igu dhuftay oo caloosha iga soo ridey, ha rumeysan markiiba ee isku day inaad soo ogaato hebelkan uu sheegayaa inuu dhintay iyo in kale”. Midda kale, ka warramidda dad kale cirdigooda, iyo ummuurahooda u gaarka ah adigoon ka haysan oggolaansho iyana waa dembi iyo gef weyn. Cid cid kale la collowdey oo magac-dil ku samaynaysa ayaa laga yaabaa inay isaga kaa dhigto daacad dadka wacyi
gelinaysa. Nin baa waxa laga hayaa "Alla ayaan daraniyaa, saa maalin walba waxan dhegeysanayaa qof ka hadlaya waxa aanu isaga laftigiisu garanayn”. Markii ugu horreysey ee caabuqa CORONA

uu soo daadiyey dadka badan waddanka Ingiriiska, ayaa waxa qabsaday Social media-ha dad wada maqiiqan oo cid walba leh. Waxan xusuusta qof Soomaali ah oo dadka uga warramaya
inuu aqoon dheeraad ah u leedahay caafimaadka iyo cudurkan isaga ah isla markaana uu cudurkani yahay cudurka Soomaalidu u taqaan "SAMBAB-ka” oo ku dhaca riyaha. Cajiib!!!!.
Gabyaaga gabaygiisa ugu murtida badani wuxu ku dhashaa markuu dareen weyni laabtiisa
gilgilo. Waa sida daruur guyeed oo xilligeedii gaadhey oo omoskii iyo kulaylkii dhulka ka baxaayey cirka sare isku fara saareen ka dibna dhibic kankoosan dhulka kusoo deysey.
Hadda iyo dan, waxa maqaalkan igu igbaarey markaan daawadey wiil samaystay degel- wareed la yidhaahdo "Horufadhi media”. Muuqaal-yaraha (Video clip) uu soo baahiyey
nuxurkiisa dan iyo muraad uma lihi balse in yar baa iga khusaysa. Waxa ku jira arrin fajiciso igu abuuray oo ah inuu wiilkani si cad ugu doodey in baadhitaan la sameeyey kadib, la
ogaadey in Soomaalidu ay tahay dad aan waxba fahmin oo "IQ-goodu” aad u liito. Wuxu raaciyey in Soomaalida carruurtooda iskuullada dhigata ilaa sawir wax lagu tuso mooyee aanay si kale waxba u fahmi Karin.
Fadlan halkan hoose ka daawo oo dhegeyso video-clipkaas isaga ah daqiiqaddiisa 5-aad oo
ah clip-ka badhtamihiisa.
https://www.youtube.com/watch?time_continue=7&v=j9dYVtGKsC0&feature=emb_logo
Markaan dhegeystey ayaan anigu is weydiiyey "tolow ninkan yaree weriyaha iska dhigayaa IQ waxa uu yahay ma garanyaa mise? Dadka midab kalasoocu dhuuxa iyo lafta hoose ka
galay ayaa ku muraadsada in dadka madoow IQ-goodu uu ka hooseeyo dadka kale. IO-gu waa halbeeg (unit) lagu qiyaaso qofka dhugmadiisu ama fahankiisu intuu gaadhsiisan yahay.
IQ waxay u taagan tahay "Intelligence Quotient” macnaheeduna noqonayo "Qayb-u-helidda dhugmada ama Dhugta ama waxgarashada” qofba siduu u yaqaanno. IQ sida lagu helo waa
qofka garashadiisu da’da uu u dhigmo oo loo qaybiyey da’diisa runta ah kadibna lagu dhuftay 100. Tusaale: kasoo qaad qof 10 jir ah oo garanaya waxa 20 jirku garan karo. Qofkaas IQ-giisu wuxu noqonayaa sidan:
(20/10) * 100 = 200 oo macnaheedu yahay inuu leeyahay IQ aad u sarreeya. Haddaba
khiyaamada ku jirta hannaankan isaga ahi waxa weeye in aan la tix gelin duruufaha qofka u gaarka ah sida: Saboolnimada, bay’adda, fursadaha (sida qalabka waxbarashada fududeeya) iwm. Ilmo yar oo wax waliba u diyaar yihiin oo waalidkii casharrada ka caawinayo oo nolol
deggan oo bilaa werwera ku nool lama barbar dhigi karo mid intaasba ka arradan si kastuu u
maskax badan yahay.

Soomaalida deggan dalka Ingiriisku waxay la kacaa kufi jireen dhibaato ka haysata heerka waxbarashada carruurtooda. Waqti ku siman badhtamihii 2005-tii laga billabo waxa mar
keliya la arkay oo lama filaan dowladda Ingiriiska ku noqotay in dhallinyaradii Soomaalidu ay galeen kaalmaha ugu sarreeya waxbarashada dugsiyada sare. Waxan xasuustaa iyadoo wargeysyada magalada London lagu soo daabaco swirrada ardayda Soomaalida ee

hoggaaminaya A-da iyo A+-ta. Maxaa is beddeley haddaba? Waxa is beddeley iyadoo la helay waxa la yidhaahdo "Private tuition centres” kuwaas oo bixiya oo dhiga maaddooyinka
Sayniska, xisaabta iyo luqadda maadaama aanay waalidkii aanay lahayn aqoon dugsiyeed oo ay ku caawiyaan carruurtooda.
Dhanka kale haddaan ka eego, maraykanka laftigiisa Soomaalida ku nooli waa dad
waxbarashada meel sare gaadhey. Markaa yarkan weriyaha inoo sheegtay ma wuxu ina leeyahay Soomaalidaas wax bartay ee wada sita shahaadooyinka waaweyn "sawir baa wax
lagu baray”? Waxa kaloo is weydiin leh waa ayo dadka sameeyey baadhistan iyo
daraasaddan sheegaysa in Soomaalida uu IQ-du hooseeyo,? Waxan iska cad inaan cidina waxa caynkaas ah ku dhiirrateen inay tidhaahdo waayo waxa ka dhalan lahaa dembi layskula
tiigsan karo maxkamad. Sideedaba waxa loo yaqaan baadhis-aqooneedku (Research and
case studies), waa mid aad u hawl badan oo aan ciyaar ciyaar lagu soo bandhigi Karin natiijadeeda. Inta aan xog ururinta la billaabin ee lagu dhaqaaqin, waxa qasab ah in
oggolaansho laga helo hay’adda u xilsaaran ilaalinta xuqquqda dadka xogtooda la dersayo. Hay’addaasi waxay oggolaataa ama diiddaa codsiga (Ethics approval application Form) ee
xog ururiyuhu gudbiyey. Haddii la oggolaado codsiga xog ururinta, deraasaddu waxay maraysaa lafa-gur aad u hawl badan oo ku salaysan aqoonta "itimaalka” ama "Statistics-ka”
oo iyaduna xeerar adag leh si aan natiijadu u noqon "bias” ama dhan-u-janjeedh”. Arrintani waxay I xasuusisay nin deggan gobolka Minisota, maraykanka, oo beryo dhexdaas
ah kasoo muuqday television-ka isagoo ku doodaya in suugaanta Soomalidu tahay bilaa
murti. Waxan markiiba yaqiinsaday oo ii caddaatay in dadka qaar ay ku dhacday waxa
kalsooni-darrada loo yaqaano (lack of Self-esteem). Waxa nafsadda iyo duunka hoose kaga
shidma cuqdad uu ka qaado isirkiisa iyo dhaqankiisa iyadoo shaydaan u canbariyo waxan
aanu asal iyo ab u lahayn, una dacareeyo inta dhadhanka ka leh noloshiisa dhaqan-
dhaqaale. Waa ibtilo ku habsatey dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo aan maskaxdoodu
siin karayn inay horumar sameeyaan iyagoo aan daadinayn midhihii faraqooda iyo
guntigooda ku jirey.
Waan taraaree aan kusoo noqdo muraadkaygii maqaalkan. Nin reer burco ahaa oo aad u
aftahan ahaa baa lagu yidhi "haddaad wax baran lahayd adduunyadaba hadal baad ku
qabsan lahayd, sow maaha” dabadeedna intuu aad u qoslay bu ku jawaabey " Haddaan wax
baran lahaa afkaa juuq kama idhaahdeen sababtoo ah waxbaan isku fali lahaa oo waan
xishoon lahaa”.
Guntii iyo gunaanadkii, fadlan reer youtuberow wax aydaan aqoon u lahayn ka hadalkeedu
kama duwana "jaahilnimo laba lugood iyo laba gacmood leh oo shaqaynaysa” ee isla yaaba.
Qore: Cismaan Nuur Ducaale
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
WAREYSIYO