Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Taariikhda Libya: Isudhiganta Libya & Somalia

0
Monday June 29, 2020 - 07:01:37 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Libya: Isudhiganta Libya & Somalia

    Taariikhda Libya: Isudhiganta Libya & Somalia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda Libya: Isudhiganta Libya & Somalia

Dhacdooyinka caanka noqday wakhtigii Qaddafi waxa ka mid ahaa waayi taankii la waayey imaamkii waynaa ee dariiqada Jacfariya ee shiicada lubnaan iyo ciraaq Sayid Musa El Sadr. Wuxuu ka waaynaa oo dhaxlay imaamnimadiisa Saiyd Muqtada al-Sadr ee imika jooga Ciraaq.

25 August 1978 ayey ka duuleen bayruut Sayid Musa El Sadr iyo laba nin oo xertiisa ahaa iyagoo marti qaad rasmiya ka helay hogaamiyihii Libya Mucammar Qaddafi. Sida la sheegay ninkii casuumay ee Qaddafi si fiican uma soo dhawayn weftigii Imaam Sayid Musa Al Sadr. waxaa madaarka ka qaaday saraakiil sarsare oo tirsan sirdoonka iyo laanta socdaal ee Libya, waxayna dejiyeen Hotel wayn oo dawladu dadka ay casuunto dejin jirtay. Warar badan baa la sheegaa laakin halkan kagaga wada sheekayn karimayno oo maaha mowduuceena, hasayeeshee maqsuudku waxa weeye in la waayey imaamkii waynaa iyo labadii nin ee la socdayba meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, waxayna hotel ka baxeen 31 August 1978 xiligaas oo baabuur dawladu usoo dirtay ka qaaday hotel kii, markaas baana aragii Imaamka u danbaysay!

Sheekooyinka kale ee caan ka noqday waxa ka mid ahaa, in Qaddafi dumar jeclaa, weliba dhanka Siyaasada dumarka ku jiray qaar kood, sida xoghayihii arimaha debada (2005-2009) ee Maraykan Condoleezza Rice, waxa la sheegaa xitaa in uu sawiradeeda intuu soo daabacdo album mo ku guran jiray siduu u daawado. Mar ay Libya booqasho ku timina waabuu tusay sawiradeedii oo uu ururiyey aadna waa u amaanay isagoo leh aad baan kuugu farxaa markaan arko inantaadaa afrikaanada ah ee maraykan u Talisa iyo hadalo la mid ah, ilaa ay Condoleezza Rice tidhi aan ku koobnaano wixii shaqo ah Qaddafiyow.

Ayaamuhu waxay socdaanba, wakhtigu wuxuu soo gurguurataba, 2011 waxa ka bilaabmay dunida carabta kacdoonkii carbeed ee la magac baxay gugii carabta (The Arab Spring, ?????? ???????).

Kacdoonkaas oo ka dhashay xadgudubyada ay ku hayeen bulshada carbeed madaxdii keli taliska ahayd sida Qaddafi oo kale iyo hor-umarla’aanta baahsan ee ka jirtay wadamada carbeed iyo heerarka nolosha oo aad u hooseyey. Arimahan oo is biirsaday ayaa keenay in dalka Tunis markii ugu horaysay uu wiil lagu magacaabo Mohamed Bouazizi isku gubo December 2010 badhtamaha magaalada Tunis, ka dibna halkaas ay ka bilaabeen isu soo bax dadka reer Tunisia, debad baxyadaas oo sababay in uu cararo madaxwaynihii Tunis ee xilligaas Zine El Abidine Ben Ali January 14, 2011. Zine El Abidine Ben Ali waxa uu Tunis xukumayey markaas 23 sano.

Bil ka dib February 17, 2011 kacdoonkii guga carabtu wuxuu kusoo fiday Libya oo ka bilaabmay magaalada Benghazi, debed baxyadu way sii xoogaysanayeen maalinba maalinta ka danbaysa. Dadka beriga Libya waxay tirsanyeen in Qaddafi cadaalad daro kula kacay oo wiiqay, boqorkoodii riday, markii danbana inamadoodii ku xasuuqay jeelkii Abu Salim.

Sidaasi darted bay magaalada madaxdoodii Benghazi uga bilaabeen debedxayada Qaddafi lagaga soo horjeedo. Dadka reer Libya waxay carabta kale kaga duwanaayeen way hubaysnaayeen oo hubka fudud dadka dawlada ayaa u qaybisay mar horeba. Markaa taas baa keentay in mudaharaadyaashii iyo ciidamadii amaanku rasaas isu adeegsadaan oo weliba magaaladii Benghazi dawladii lagaga xoog roonaado. Arinta kale ee sababtay in Qaddafi lagaga xoog roonaado Benghazi waa nidaamka qabiilka ee ay Somaliduna leedahay oo Libya na leedahay, markaa reerihii deganaa Benghazi ayaa Iyana ka horyimi Qaddafi.

Arimahani markay dhaceen Qaddafi wuxuu isku dayey in uu xoog ku muquuniyo oo laayo dadkii ku kacay ee reer beriga Libya, waxase ka dhashay in saraakiil military iyo ciidamo ku biiraan qabaa’il iyo shacbkii gadoodsanaa. Taasina waxay dhashay in kacdoonkii kusoo fido magaalooyinkii kale ee Libya sida caasimadii Tripoli. Qaddafi wuxuu bilaabay in uu xoog ku damiyo kacdoonka oo gacan bir ah ku qabto isagoo isticmaalaya qabaa’il isaga daacad u ahaa iyo ciidankii qaranka oo is huwan. Wuxuu dib u qabsaday magaalooyin badan oo ay ka mid tahay Ajdaabiya, wuxuuna cidhiidhi dib u geliyey Benghazi dii kacdoonku ka bilaabmay.

Arintan waxa ka qayliyey dunidii oo reer galbeedku horkacayaan, waxayna sheegeen in aan loo dulqaadan karin in Qaddafi dadka shacabka Libya laayo oo uu afka qabto.

Halkaa markay marayso waxa dawladii Qaddafi ka goostay raxan saraakiil iyo madax isugu jiray oo uu hogaaminayey Wasiir kii cadaalada ee Libya Mustafa Abdul Jalil waxayna dhiseen gole la magac baxay golaha ku meel gaadh ka ah ee qaran (National Transition Council-NTC) kaas oo ay sheegeen in Libya dawlad u yahay.

Raiisalwasaarihii Ingiriiska David Cameron ayaa booqday Paris France April 13, 2011 si ay uga wada hadlaan Madaxwaynihii France Nicolas Sarkozy in Qaddafi xayiraad lagu soo rogo iyo in kale. Waxayna isla garteen si aan Qaddafi u duqayn dadka shacabka ah ee ka qabsaday gobolada beri, in hawada Libya degdeg loo xayiro ( No Flight Zone), waxa kale oo ay isla garteen in Maraykanka oo ah awooda ugu wayn NATO in ay ka wada hadlaan sidii Qaddafi dadka looga qaban lahaa, xukunkana looga tuuri lahaa.

Hillary Clinton xoghayihii arrimaha debada ee Maraykanka iyo Madaxdii dawladaha reer Europe sida Frances ka iyo Ingiriiska iyo guud ahaanba ururkii midowga Europe waxay isla qaateen, in ay weeraraan Libya iyagoo taageeraya shacabka hubaysan ee Qaddafi kasoo horjeeday. Golaha Amaanka ayaa si degdeg ah loo mariyey xeer magaciisa iyo numberkiisu ahaa (United Nations Security Council Resolution 1973), isla habeen kiina xoogaga NATO ayaa cirka ka weeraray Libya. Ciidamo xaga dhulka ah na waxa la geeyey aagaga beri si ay u caawiyaan jabhada shacabka.

Waxay ahayd markii ugu horaysay ee la arko Qatar iyo Imaaraatka carabta oo qayb wayn ka qaadanaya dagaalo heersare ah oo ka dhacaya dhul ka baxsan xuduudahooda. Qatar waxay aad u teegeertay oo ciidan iyo saanad ba u dirtay jabhadaha Libya ee Qaddafi ku kacsanayd, Imaaraatkuna sidoo kale.

Dagaalkan carab iyo reer galbeed ba ku taageereen shacabkii Libya wuxuu keenay in Caasimadii Tripoli si sahlan gacanta ugu gasho Jabhadihii shacabka Libya iyo hogaankii NTC ka 20 August 2011. Ciidamadii NTC ayaa waxa ku dhexmaray Tripoli dagaal iyaga iyo ciidamo Qaddafi daacad u ahaa oo u badnaa dadka Amaziiqiyiinta reer Koonfurta Libya, dadka reer Sirte ee Qabiil ka Qaddafi iyo Afrikan kale, hasayeeshii waa la adkaaday Tripoli na waxay gacanta u gashay xoogagii kacdoon ka NTC oo iyaga laftuudu huwan ahaa aan isku mabda’ ahayn.

Qaddafi wuxuu u cararay dhanka Sirte oo ah gobolkii uu kasoo jeeday, waa sidii Maxamed Siyaad Barre yeelay markii jabhadii USC Xamar ka qabsatay in uu cararay dhanka gobolka Jubada Hoose iyo Garbahaaray. Waa Sidii uu Saddam Xuseen yeelay ee markii Baqdad laga qabsaday uu u cararay Tikrit oo ahayd magaaladuu kasoo jeeday. Nasiib darro se Qaddafi reer Sirte way badbaadin kari waayeen oo inta laga soo qabtay isagoo buundo ku hoos jira ayaa la googoostay oo la dilay 20 October 2011. Dilkani wuxuu yimi markii magaalada Sirte ay galeen jabhadihii oo isu bedelay ciidamada golaha kumeel gaadh ka ah (NTC) halkaas oo dagaal ku dhexmaray galbeedka magaalada Sirte kolonyo Qaddafi ilaalinaysay iyo ciidanka NTC ga, taas oo aakhirkiina keentay dilka Qaddafi iyo in Sirte si buuxda ugu dhacday gacanta Golaha NTC da.

Dhacdada dilkiisa ayaa ahayd mid argagaxle, waxa lala dhacayey mindiyo iyo qalab kale oo dhiig ka qubayey wejigiisa, isna wuxuu ku tiraabayey Xaraam.. Xaraam.. Xaraam, maxaan idin ku sameeyey iyo aabihiin baan ahaye Idaaya oo ii naxariista.

Qofkasta oo daawaday sida loo dilay Hogaamiye Mucammar Qaddafi qalbigaa xanuunay. Madaxda reer galbeedku maalintaa sifiican bay bunka u wada cabeen oo sheeko iyo qosol shaxdaa gureen sida ay u galeen inan gumeed kaa carbeed iyo wadankiisiiba.

Hillary Clinton Xoghayihii arimaha debada ee Maraykanka ayaa iyadoo horfadhida muuqbaahiyeyaasha si jees jees ah u tidhi "we came, we sow, he died hahahaha, waanu nimi, waanu aragnay oo wuu dhintay” qosol yar na way ku dhamaysay hadalkeedii.

Go’aankii Qaramada midoobay ee 1973 wuxuu ku salaysnaa ilaalinta iyo badbaadinta dadka shacabka reer Libya, hasayeeshee wuxuu isu bedelay in Qaddafi laga aar goosto, taalabadan oo ahayd mid u qorshaysnad reer galbeedka marka la eego sida wax u dhaceen.

Dawlada keliya ee kasoo horjeeday duminta Libya rabtayna in Qaddafi iyo shacabka qaab kale oo nabadeed loo kala badbaadiyo waxay ahayd Turkey, iyaguna markii ay arkeen siday wax u socdaan iyo sida dawladihii carbeed u horyaacayaan reer galbeedka waxa ku dhacay jahwareer oo waxay ku dhiiran waayeen in ay tallaabo qaadaan xiligaas.

Marka lays waydiiyo maxaa carab waday ee ay Libya u burburinayeen? Jawaabaha soo baxaya waxa ka mid ah cadho ay boqorada carbeed u qabeen Qaddafi jees jees kiisa iyo kibirkiisa mooyaane, waxay ka baqayeen oo sidoo kale ka fekerayeen in Libya laga jeclaado oo dunidu iyaga waxba ku fali waydo, maadaama Libya ay Europe bad yari u dhaxayso oo ay uga dhowdahay khaliij ka carbeed, shidaal badana leedahay, wakhtigaana Qaddafi u muuqday nin reer galbeed ka raba in uu la macaamilo. Arimahaas baa carab dabada ka riixayey runa way eegtahay.

Dilkii Qaddafi iyo dumintii Libya ka bacdi waxa soo baxay khilaafka huwantii kacdoonka shacabka, waxaan bilaabmay in qolo weliba u halganto ujeedooyinkeedii u gaar ka ahaa. Kii mucaarid siyaasiya ahaa, kii qabiil ahaa, kii wadaado islamista ahaa iwm. Koox weliba waxay damacday in hawlaheeda fushato oo ka gun dhaadho.

Waxa bilaabantay Libya cusub, dastuur samayn iyo doorashooyin barlamaan ayaa dhacay 7 July 2012. Waxa kusoo baxay kaalinta koobaad xisbiga isbahaysiga xoogaga qaran (the national forces alliance) kaalinta labaadna xisbiga cadaalada iyo dhiska (Justice and Construction Party) oo ahaa xisbi ay hogaaminyaan ikhwaanul muslimiintii Qaddafi mamnuucay. Axsaabta tartantay way badnaayeen laakin labadan uun baa ugu waa waynaa. Waxa kaloo jiray musharixiin madax bannaan oo Iyana faro badnaa.

Doorashooyinkan waxa loo diiday in tartamaan dadkii xilalka muhiim ka ah ka hayey Jamaahiiriyadii Qaddafi iyo ehelkiisiiba.

Golahii la doortay ee baarlamaan oo loo bixiyey madasha golaha qaranka (General National Congress) ayaa noqday awooda sharci ee Libya waxayna raiisalwasaare u doorteen Ali Zeidan. Si kastaba ha ahaatee dawladii Ali Zeidan waxa ka awood batay maleeshiyaadkii, dariiq kasta iyo magaalada kastana waxa shaqeeyey uun ninkii hub watay. Libya waxay noqotay meel nin kii qori haystaa ka qadeeyo.

Libya waxay noqotay meel sida Somalia laysugu hanjabo halkani waa halkii aanu usoo halganay ee Qaddafi ka kicinay iyo tuuladani anagaa leh, meeshana waxa ka baxday dawaladnimadii iyo hayadihii dawliga ahaa. Nolosha maleeshiyo nimada ayaa janaale/hodon noqotay.

Wax kale kuma garatide waxa ku dhacay dawladii Ali Zeidan wixii ku dhacay dawladii C/raxmaan Tuur ee Somaliland lagu bilaabay burburkii ka bacdi. 14 March 2014 Madaxwayne Ali Zeidan Xukunkii waa laga tuuray oo golihii barlamaanka ayaa cod kaga qaaday, dalkana wuu ka baxay, wuxuuse ka sheegay shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Rabat, ee wadanka Morocco in xukun ka qaadkiisu aanu sharci ahayn. Ali Zeidan iyo C/raxmaan Tuur waxa ka dhaxeeyey nolosha diplomacy nimo oo ay wakhtidheer kusoo jireen iyo nolosha mucaaradnimo oo C/raxmaana SNM tii ayuu in badan debeda u qaabilsanaa oo London fadhiyey ilaa uu gudoomiye ka noqday Ali Zeidana in badan buu Geneva u fadhiyey mucaaradka Libya oo halkaa waraaqaha ka dhanka ah Qaddafi ka afuufayey.

September 12, 2012 waxa lagu dilay Benghazi Safiir kii Maraykan ka ee Libya Ambassador John Christopher Stevens, isagoo ku jira xafiisk qunsuliyada Maraykanka ee Benghazi, waxaan dilkiisa sheegaty kooxda Ansar al-Sharia oo la xulafo ah Alqaacida. Stevens wuxuu noqday safiir kii sideedaad ee maraykan ah ee taariikhda la dilo isagoo ku jira shaqadiisa u adeega dadwaynaha Maraykan kuna sugan xafiiskiisa.

February 2014 madasha golaha qaranka (General National Congress) waxay korodhsadeen muddo xileedkii la doortay oo ku eekayd 2014 waxayna ku darsadeen hal sano, waa dhaqan ka Jamhuuriyada Somaliland ku caano maashaye. Korodhsigaa aan sharciga waafaqsanayn waxa ka dhashay khilaaf iyo kacdoon kale.

Halkaa waxa kasoo muuqday General hore oo ka tirsanaan jiray Military Libya, kana mid ahaa ragii boqor Idris inqilaabay. Waa Field Marshal Khalifa Belqasim Xaftar. Gen. Xaftar waxa uu isku dayey in uu kaga horyimaado golahan sharcidarada isku goortay waa siduu u arkayaye Tripoli dhexdeeda maadaama oo uu kumagacownaa Taliyihii Guud ee Ciidanka Libya xiligaa, laakin uma suuroobin. Ka bacdi isku daygaa suuro geli waayey waxa uu u wareegay beriga Libya magaalada Benghazi halkaas oo markaa fowdo ahayd ayuu ka bilaabay in uu xasiliyo oo ka dhiso wax dawlad u eeg.

Wuxuu bilaabay hawlgalkii la baxay (operation dignity) ama hawlgalkii sharafta. Wuxuu Benghazi ku weeraray kooxo islaamiyiin u badan oo qaaq laga joogsaday. Benghazi maalin walba waxa lagu khaarijin jiray tiro dad ah oo indheer garad u badan lamana aqoon cida laysa dadkaa haldoor ka ah. Xaftar gacanta uu ku dhigay beriga Libya waanu dejiyey.

Waxa kale oo uu waday mucaarad xoogan dhanka Tripoli isagoo aakhrikii ku khasbay barlaamakii GNC in heshiis dib loogu dhisayo barlamaan cusub lagalo 17 December 2015.waxaana la dhisay dawladan hadda jirta golaheeda Golaha sare ee dawlada (High Council of State). Waxase dhacday in hogaankii barlamaankii yidhaahdeen dawlada waxa loo rarayaa Benghazi taas oo loo arkay in General Xaftar dabada ka riixayo, dawladiina way diiday in ay caasimada ka wareegto. halkaa waxa ka dhashay in raiisal barlamaankii iyo koox xildhibaano oo la socota oo u badan saraakiil hore oo dawladeed in ay u wareegaan Benghazi, halka dawladii Libya inteedii kale iyo barlamaankii kaleba Tripoli kusoo hadheen, kooxdii GNC na waxay ka midyihiin dawlada cusub ee Tripoli degan.

Halkaa waxa kasoo baxay labada dawladood oo Libya leedahay. Dawladada beriga Libya waxa hogaanka ruuxiga ah u ah General Khalifa Xaftar. Dawlada golaha sare ee Tripoli ee la doortay na waxa hogaaminya Raiisalwasaare Faiz Al Siraj. Waxa bilaabmay in lagu tartamo gacan ku haynta ilaha dhaqaale sida ceelasha shidaal iyo awooda Libya, taasoo ay ka dhalatay dagaalka ilaa maanta ka taagan Libya.

Dhowr jeer baa laysku dayey in la heshiisiiyo labada garab; waa garabka Khalifa Xaftar iyo dawlada oo hogaamiyo Faiz Al Siraj, sida shirkii nabadaynta ee Abu Dhabi ka dhacay May 2017 iyo shirkii ka dhacay Paris July 2017, laakin labada shir midna guul iyo midnimo kama dhalan.

General Khalifa Xaftar iyo Hogaanka Barlamaanka ee Benghazi fadhiya waxa taageera dawlada Emaaraat ka carabta, Masar, Sacuudi Arabiya, France iyo Ruush ka oo hub iyo ciidanba la daba joogay taasoo keentay in ay dalka badankiisa qabsadaan oo xitaa Tripoli qaybo ka mid ah qabsadaan sanadkii tegay ee 2019. Hasa yeeshee Golaha Sare ee dawlada oo hogaamiyo Faiz Al Siraj ayaa taageero ka helay Turkey ga iyo Qatar taas oo keentay in ay awoodoodu soo noolaato. Weliba dawlada Turkey ga oo heshiisyo dhaqaale iyo Military ba la gashay Raiisalwasaare Faiz Al Siraj waxay toos usoo gelisay ciidankeeda wadan Libya. Waxa talabaas ka dhashay in dhul badan laga qabsado Khalifa Xaftar iyo xulafadiisii, ilaa iyo maantana wuu soctaa dagaalka Libya.

Dadk reer Libya waxay Somalida kala mid yihiin ku dhaqanka qabiilka, kaas oo ku milmay siyaasada. Maalin walba journal lada iyo TV yada Libya waxa ka hadla hogaamiyeyaasha qabaa’ilka dalkana waxa xukuma ninka ay iyagu taageeraan.

Ugu danbayn Libya waxa ka dhacay wuxu ahaa dagaal dhaqaale bilow ilaa dhamaad. Dadka reer Libya na way ku dhamaanayaan hadaan ilaahay faraj khayr qaba usoo dirin oo aan si degdeg loogu kala adkaan.

Waxaana suurogal ah in Libya la burburiyo oo lagu celi saddex dii dawladood ee markii hore ay ka samaysantay oo markaa caalamka ay kusoo biiraan saddex dawladood oo cusub Libya na la waayo.

Waxa kale oo suuro gal ah in Turkey ga oo beryahan danbe aad moodo in uu dib ula soo baxay geesinadii lagu bartay xilligii cusmaanniyiinta oo imikana taageera dawlada Faiz Al Siraj madaxda ka yahay, qabsan doono Libya oo dhan kana dhisi doono dawlad taabacsan Turkey. Hadii taa danbe dhacdo waxa wax iska bedelayaan siyaasada gobolka iyo guud ahaanba ta caalamka, Turkey na wuxuu si buuxda ugu soo biirayaa dawladaha dunida wax laga waydiiyo.

Waxa kale oo ka dhalan doonta in dawlado badan sida Masar, France iyo UAE ay saamayntoodu hoos u dhacdo oo quwadaha caalamku u baydhaan dhanka la shaqaynta Turkey. Turkey hore ayuu usoo xukumay Libya xilligii Cusmaaniyiinta oo kuma cusba xukunka gobolka.

Dhamaan… Allaa Mahad Leh.

Maxamed Xuseen Caydiid…(Qaybtii 2aad)




Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO