Thursday July 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market

Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdankii La Gashay Soomaaliya

0
Monday June 29, 2020 - 08:03:27 in Wararka by Wariye Tiriko
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdankii La Gashay Soomaaliya

    Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdankii La Gashay Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdankii La Gashay Soomaaliya

Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska waxa lagu qabtay Munaasibad loogu dabbaal-degay Xuska lixdan Guurada Xornimada Somaliland, taasi oo Somaliland iyo guud ahaan Dalalka Dunida ee Shacabka Somaliland ku nool laga xusay Jimcihii la soo dhaafay.

Xafladda London oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Somaliland ku leedahay Magaalada London, ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Haweenay Magaceedu yahay Borus A. Nichols oo ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

Borus A. Nichols oo Xafladda hadal ka jeedisay ayaa ugu horrayn Shacabka reer Somaliland ku hambalyeysay Xuska 60 guurada ka soo wareegtay xilligii Ingiriisku Siiyey Xornimada Shacabka reer Somaliland.

Xildhibaannada oo hadalkeeda sii wadataa waxay sheegtay in xilligii uu Ingiriisku siinayey Somaliland xornimadeeda uu kula taliyey in aanay Xornimada iyo Gobanimada ay qaateen aanay cidna kula midoobin, balse Somaliland ay sannadkii 1991-kii ay xornimadeedii luntay dib ula soo noqotay.

Xildhibaan Borus A. Nichols waxay sheegtay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan lahaa Dal, iyadoo sidoo kalena ku hambalyeysay Somaliland, nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay iyo Dawladnimadeeda "Lixdan sanadood ka hor ayay ahayd markii Somaliland xornimadeeda ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Somaliland wakhtigaa waxa Aqoonsaday 35 Dawladood oo ay ka mid yihiin 5-ta Dawladood ee joogtada ku ah Golaha ammaanka, 5 Maalmood ka dib, Somaliland waxay la midowday Soomaaliya, wallow haddii aanu nahay Ingiriiska aanaan xilligaa jeclayn inay go’aankaa qaataan (midnimada)..”

 


Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
FULL BARNAAMIJ: CALEEMA SAARKII CAAQIL MAXAMED CAAQIL CABDI ISMAIL OO KA DHACAY DEGAANKA LAASDOOMARE EE GALBEEDKA GOBALKA SANAAG
FULL BARNAAMIJ : SOO DHAWEYNTII XAFLADII BILAYD IYO HADAL JEEDINTII JAALIYADA IYO SIYAASI MAXAMUUD XAASHI MUNAASIBADII SOO DHAWEYNTA EE LONDON EE MUSHARAX KULMIYE M X C
WAREYSIYO