Sunday August 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Dal Tabyo iyo Dadal Hoyo.

0
Monday July 06, 2020 - 08:11:26 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal Tabyo iyo Dadal Hoyo.

    Dal Tabyo iyo Dadal Hoyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dal Tabyo iyo Dadal Hoyo.


Qarnigi 15 ila iyo qarnigii 18, waxaa africa laga dhofiyay kumnaan iyo kumnaan qof u dhashay badi wadamada afrikada galbeed. kuwas u lagu daabulay marakeeb Yurub iyo Maraykan, halkaas oo si arxan daro ah lola dhaqmay.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019,ayaa dalka Ghana ku dhawaqay inay dalkooda ku soo dhawaynayaan dhamaan dadkii isir ahaan ka soo jeeday wadama galbeedka Afrika ,ee sida khasabka iyo jujuubka ah looga wadamadaas qarniyadi 15aad ilaa 18aad. Dadka madaw ee wadamada reer galbeedka ku noolsi shuruudd la’aan ah ayaay ugu noolaan karaan Ghana laga bilaabo Sanadki 2019, kaas oo loo bixiyay {Year Of Return} Sanadki so noqoshada,


Anigaa oo taa ka duulaaya waxaan rajaynayaa in sanadka 2021ku noqdo Sanadki Somalilanders ka ku dhaqaan qurbaha ay u soo qaxeen duruufihi dagaladi ka qarxay dhulkooda hooyo aawadood ay ku noqon daan dalkii hooyo 2021ka, kaasoo loogu magac daro sanadki ku noqoshada dalkaa hoyo.

Waxaan rajaynaya in dawlada Somaliland inay talabada ku dhiiri gelin ah ka qaadato oo bilawdo olole iyo hawlgalo lagu so dhawaynayo dadka qurba jooga ah, lana tuso bahida uu qabo dalkooda hooyo, iyo meelaha wax qabad degdeg ah looga baahan yahay.

Somaliland waxay u bahan tahay horumar badan oo asaasi ah dhinac walaba.

Isbadaladaa waxaa keeni kara dad ka fikir duwan ,oo aragti dheerad ah oo ilbax nimo leh xanbarsan wata, nidamkaa dowladnimaqoon xeeldheer u leh oo mujtamaca hada ku nool Somaliland uga faa’iidayn kara.

Sida hore u dhacday sanadadihii {1960-1969} marki dadki cadan kaso labtay ee loo bixiyay {xabadi keentay} ay ula yimadeen fikir iyo maskax furan oo wax tar xambaarsan. Fikirkaas oo hurseed u noqday dhismihii iyo horomarki dowladi la islu odhan jitay Somalia. Nin aan dhul marini dhayo la.

Mantaa waxaa dunida ka socda isbedelo waa wayn khasatan wadamada loo yaqaano reer galbeedka oo aad moodo in xidigoodii sii dhacayo. Iyadoo aad arkayso in ay soo food saartay dadkii ku noolaa xaalado adag khaasatan Somali da iyo muslimiinti ba, xaladahaaoo ay ugu daran tahay xaga waxbarasha caruurta, shaqada iyo weliba mustaqbalka fog oo werwer laga qabo.

Manta waalid kasta oo ku nool wadamada kor kuxusan waxay gorfaynayaan halkay reerka u rari lahaaye, Ma Turkigaa, ma Masar ba , ma wadamada carabta ee kalaa mise dalkii hooyo.waa naf geedi xidhxidhanoon guurin wali.

Qar badani waa dhalin yaro mutacalimiin ah, afaf badan yaqana..xagaa qabyalada iyo cunsiriyada ka xariir ah oo dacaad ah. Qaar waa xirfaad lay sida engineers, doctors, scientist. Accountants iyo qaybo badan u culuunta ka mid ah. Waxay kalo wataan maskax, khibrad iyo habla dhaqan cusub oo ay waxa badan kaga bedeli karaan ama ku soo kordhin karaan mujtamac Somaliland.

Waxay ku soo kordhinayaan fahan ku aadan nidamkaa dowlad nimo iyo wax wada lahaan shaha, ama waxa loo yaqaano maslaxada guud. Waxaan filaya dhibatada ugu wayn e haysata dowlada Somaliland waa shacabkii oo weli aan ka guurin nidaamka qabaliga ah, oo an wali nidamka dowladeed u bislayn.

Dadki qurbaha ka yimid e wadanki ku labtay waxay ahayeen,midh midh odayaal ah u shaqo ama xaas u dontay kuna dhex milmay dadkii wadanka. Culays mooyiye aan waxbaa soo kordhin.

Lakiin taan an hada kaa hadlayaa waa famaliyo iyo walid jecel inay uso labtaan dhulki abayashood, una wada socdaa si cilmiyaysaan, abaabul midaysan ku iman doona insha Allah wadanka.
By
Siham Ali

 
 
 
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO