Wednesday August 12th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

WAXA AAN QABAA HADII SOMALILAND BAARLAMAAN ADAGI JIRI LAHAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI KHIYAAMO QARAN ( HIGH TREASON ) AYAA LAGU SOO OOGI LAHAA !

0
Monday July 06, 2020 - 08:26:51 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXA AAN QABAA HADII SOMALILAND BAARLAMAAN ADAGI JIRI LAHAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI KHIYAAMO QARAN ( HIGH TREASON ) AYAA LAGU SOO OOGI LAHAA !

    WAXA AAN QABAA HADII SOMALILAND BAARLAMAAN ADAGI JIRI LAHAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI KHIYAAMO QARAN ( HIGH TREASON ) AYAA LAGU SOO OOGI LAHAA !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAXA AAN QABAA HADII SOMALILAND BAARLAMAAN ADAGI JIRI LAHAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI KHIYAAMO QARAN ( HIGH TREASON ) AYAA LAGU SOO OOGI LAHAA !
Somaliland waxa jirta intii xisbiga Kulmiye dalka hogaanka u hayey in si rasmi ah Somalia iyo Somaliland isku dhex galeen oo furistii wadahadalada Somaliland iyo Somalia aan laga fiirsan waxa qaranka kaga iman kara iyo waxa ay Somaliland yeeli karaan.

Sanadkii wadahadalada Somaliland iyo Somalia la furay Somalia waxa ay ku jirtay dawlad loo yaqaano ku meelgaadh oo uu shariif sh Axmed hogaaminayey Somalia wada hadaladii ay Somaliland la furtay waxa ay kaga baxday waxii loo yaqaanay ku meelgaadhka .


Wadahadaladii sii socday mar kale Somalia waxa ay caalamka kaga kasbatay in la aqoonsado oo ay aqoonsi caalamiya oo kii jamhuuriyadii Somalia lahayd la siiyo , safaaradihii aduunka oo dhan iyo xafiisyadii ururada goboleedyada iyo ururada caalamiga ah dhamaantood muqdisho laga furo , qaar ka mid ah Somaliland baa fududaysay oo kala shaqeynaysay sida xafiiska maamulka hawada.

Somaliland waxa ay si dadban u hoos tagtay Somalia , in wadahadaladii hore lagu qasaaray na waxa qiray isla xukuumadii wadahadalada la furtay Somalia oo aragtay in ay meel cidlo ah taagan tahay, waxa ay ahayd in maalintaasi hadii Somaliland in uun isla xisaabtan iyo ilaalin sharci jirto in lagu oogo khiyaamo qaran , cidii bilowday iyo kuwii ogolaadayba , laakiin ma dhicin.

Waxaasi oo dhan waxaa ka daran xukuumada kulmiye 2 ee maanta talada haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi oo inta ay shir kaga qayb gashay Djibouti dadka Somaliland masiirkoodii iyo waxii lagu soo baaba'ay ee lixdanka sano (60yrs) loo halgamayey ka dhigtay hal bacaad lagu lisay soona qaadatay wax lagu sheegay isdhex-gal oo Somaliland iyo Somalia la isku furay.

Madaxweyne Biixi waxa uu noqday Madaxweynihii koowaad ee dadka Somaliland si badheedh ah u badhi furay tacabkoogii waliba shacbiga la soo hortaagan waa la isku soconayaa oo ciyaaraha , dhaqanka , iyo waxii aan siyaasada ahayni way isdhex soconayaan , waa wax aad loola yaabo , waxa kale oo wax lala yaabo ah in dalkii dhamaa cid ka hadasha la waayo marka xisbiga ucid oo diiday laga reebo.

Xisbiga waddani waxa uu taageero y muujiyey xukuumada, gadhwadeenkiisu waxa uu ahaa kii hore na u furay wadahadalada isaga oo raisal baarlamaan ah maantana ku taageersan xukuumada soo qaadatay isdhexgalka iyo wax aan Somaliland qaban , oo laftiisu kama maqnaanayo hadii khiyaamo qaran cid oogta la helo iyo dad u soo jeeda dalkooda.

Hadii maanta la xisaabtami waayey waxa imanaysa maalin lagu xisaabtami doono waxa jariimad iyo dunuub laga gallay shacbiga Somaliland ee tamar iyo tacab waxii ay hayeen qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo halgankii loo soo maray uu gallay.

Qaranimadu waa haybad iyo sharaf kumayaal halyey loo waayey , konton kun oo qof in ka badan oo maati iyo caruur ah loo laayey oo diyaarado loogu duqeeyey , badhna darxumo iyo daryeel la'aan ugu dhinteen qaxootiyadii iyo xanuunadii uu keenay qaxii dalkan dadka xooga dawladnimo lagaga saaray , dalka waxaasi oo dhib ah loo soo maray may aheyn maanta in laga baayac muushtareeyo qadiyadiisa.

Waxa aan shacabka Somaliland u soo jeedinayaa in la isugu soo baxo magaalooyinka waaweyn oo qadiyadooda iyo qaranimadooda mudaharaado salmi ah ay ku difaacaan iyaga oo aan qaybsanayn ee qaran ah , diidaana waxkasta oo mugdi iyo madmadaw ku jiro oo shaki galin kara masiirka shacbiga Somaliland ee jiritaanka qaranimada Somaliland.


Mohamed Abdi Jama
Somaliland people's party leader
Hogaamiye Dhimbiil
+252634429221
Image
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO