Wednesday August 12th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

MA MADAXTOOYADA AYAAN SIR LAHAYN MISE BEEN KU MACAASHYADAA BADAN?

0
Thursday July 09, 2020 - 15:31:09 in Maqaallo by Wariye Tiriko
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA MADAXTOOYADA AYAAN SIR LAHAYN MISE BEEN KU MACAASHYADAA BADAN?

    MA MADAXTOOYADA AYAAN SIR LAHAYN MISE BEEN KU MACAASHYADAA BADAN?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MA MADAXTOOYADA AYAAN SIR LAHAYN MISE BEEN KU MACAASHYADAA BADAN? Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa bulshada dhex qaadayay war dabayshu sidato oo ku saabsan in madaxweynuhu beryahanba qorshaynayay isku shaandhayn iyo xil ka qaadis uu doonayo inuu ku sameeyo golihiisa xukuumadda,taasina ay haatan soo dhammaatay oo la sugayo uun dikreetadii oo kasoo baxda qasriga madaxtooyada,si loogu faafiyo warbaahinta.
in kastoo warkaasi todobaadkii ugu danbeeyay uu ahaa kan loogu hadal haynta badan yahay goobaha dadku isugu yimaado sida goobaha shaaha iyo bunka laga cabbo,mafrishyada jaadka lagu cuno,iyo goobaha la midka ah,hadana waxa cajiib ah inaan cidina si rasmi ah kuugu xaqiijin karin halka uu kasoo baxay warkaasi.


xataa waxyaabaha aad lasii yaabayso ee qaybta ka ah wararkaasi waxa ka mid ah in dadkaasi kuu sheegayaan inta masuul ee laga bedelayo hay'addii ay joogeen iyo halka loo wareejinayo, iyo sidoo kaleete inta masuul ee xilka laga qaadayo iyo qofka lagu bedelayo halkiisii...
iyadoo dhinacyada xogahani sida tooska ah ay farta ugu fiiqayaan ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha,warfaafinta, gaashaandhigga,maaliyadda, qorshaynta qaranka,iyo kuwo kaleete.

kolka qofkii warkaasi sheegay la weydiiyo meesha uu ka keenay, waxa uu si xanshaashaq hoose ah kuugu sheegayaa inuu shakhsi uu ku qanacsan yahay oo khusuusi ah uu warkaasi kasoo xaqiijiyay...kadibna adigaagii kolkii hore ka biyo diidsanaa xogta dabayshu siddo,ayaa adigoo xogtii xambaarsan oo ku qanacsan goobtii ka tegeya,adigoo uurka ka leh,haaaaaa walaahay ninkani wax badan buu og yahay.,,ku darsoo waxaabad xiisaynaysaa sidii aad warkaasi u gaadhsiin lahayd asxaabtaada.

sida laga warqabo dalalka aynu jaarka nahay ee jabuuti ethiopia iyo somalia,iyo dalalka kaleete ee caalamka midkoodna war xaggooda si rasmi uga soo baxa mooyiye kama maqalno waxaas iyo waxaas buu soo wadaa madaxweynahoodu,ama qorshahaas ayuu ku talo jiraa,oo miiska u saaran,hadaba iswaydiintu waxay tahay,

ma madaxtooyadeenna ayaan sir lahayn mise waxa soo baxay dad beenta noocyadeeda ku saabsan arrimaha siyaasadda mashaariicaysta.

si kastaba ha ahaatee haddii wararka noocan ahi yihiin kuwo been abuur ah waxa fiican in dadka dhaqankaasi caadaystay ay ka waantoobaan,caadaysiga beenta caynkaasi ah oo aan u fiicnayn aakhiro iyo aduunka midnaba .

haddii kale oo ay wax ka jiraana runtii waa arrin ceeb ku ah qaranka,isla markaana loo baahan yahay in waxii danbe laga waantoobo,baadhisna lagu sameeyo cidda ku lug leh faafinta wararkaasi si dhacdooyinka noocani ah looga feejignaado inanay soo noq noqon mustaqbalka,,,,,,,,

Cabdalle Xasan Cilmi free lancer journolist....hargeysa...
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO