Wednesday August 12th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Damaca Wadamadda Reer Bariga Iyo Xeeladaysiga Wadamadda Reer Galbeedka. --

0
Friday July 10, 2020 - 10:24:02 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Damaca Wadamadda Reer Bariga Iyo Xeeladaysiga Wadamadda Reer Galbeedka. --

    Damaca Wadamadda Reer Bariga Iyo Xeeladaysiga Wadamadda Reer Galbeedka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Damaca Wadamadda Reer Bariga Iyo Xeeladaysiga Wadamadda Reer Galbeedka.
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Mustaqbalka Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmad- Sakatuuri Aadam Cadhood Hargaysa Somaliland.
------------------------------ --------------

Tan Iyo Intii Somaliland La Soo Noqotay Xoriyadeedii Godka Madoow Ku Dhacday
26 June 1960, Kuna Dhawaaqday 18 May 1991 Inay Ka Madax Banaan Tahay Wadankii Ay La Midoobeen Ee Soomaaliya.

Somaliland Waa Wadan Xuduud La Leh Itoobiya Oo Ay Wadaagaan Xuduud Caalamiya Oo Dhulka Ah, Wadanka Soomaalida Jabuuti Oo Ay Wadaagaan Laba Xuduud Oo Caalamiya Dhul Iyo Bad Ah, Wadanka Soomaaliya Oo Ay Wadaagaan Xuduud Caalamiya Oo Ka Kooban Dhul Iyo Bad.
Somaliland Waxay Xuduud Caalamiya Oo Badeed La Leedahay Qaaradda Afrika Iyo Aasiya, Gaar Ahaan Wadanka Yaman.


Somaliland Waxay U Dhoowdahay Marin Biyoodka Ama Marin Badeedka Ugu Mashquulka Badan Ee Baabul Mandab Oo Ay Maraan Maraakiibta Caalamka, Sanadkii Waxaa Lagu Qiyaasaa Maraakiibta Marta 117 Milyan , Dhaqaalaha Ka Soo Galana Aduunyadda Oo Dhan Waxay Ku Filnaan Lahayd Asaaska Bulshadda Iyo Masaariiftooda Waa Haddii Masuuliyiinta Ka Talinaysa Wadamadooda La Yimaadaan Maskax Caafimaad Qabta Oo Aragti Dheer Leh .

Damaca Wadamadda Reer Barigu Waxay Ku Taamayaan Sidii Ay Gacanta Ugu Dhigi Lahaayeen Bariga Dhexe, Qaaradda Afrika, Gaar Ahaan Wadamadda Ku Yaala Gacanka Cadmeed Waana Loolan Adag Oo Dhici
Kara Khasaaro Iyo Faaiido Oo Dhiig Badan Ku Daato, Kuna Dagaalamaan Wadamadda Reer Galbeedka Iyo Wadamadda Reer Bariga.
Xeeladaysiga Wadamadda Reer Galbeedka Oo Qorshahoodu Yahay Dagaal Qaboow Oo Aan Keenin Dagaal Dhiig Ku Daato Inay La Ciyaaraan Wadamadda Reer Bariga.
Wadamadda Reer Galbeedku Waxay Soo Dhigeen Shax La Yaab Leh Oo Haddii Ay Ku Guulaystaan Wadamadda Reer Bariga Lagu Jabin Karo Xeelad Farsamaysan.

Xeelada Wadamadda Reer Galbeedku Wato Waa Mataanaynta Taiwan Iyo Somaliland Oo U Noqon Lahaayeen Laba Wadan Oo Is Dhaafsada Xidhiidh Siyaasadeed, Xidhiidh Horumarineed, Xidhiidh Dhaqaale, Iyo Xidhiidh Dhoolatuska Labadda Ciidam Iyo Sidii Maraakiibta Dagaalka Iyo Ganacsiga Si Nabad Ah Ku Mari Karaan Biyaha Somaliland Yagoo Ogolaansho Haysta .

Wadamadda Reer Galbeedku Waxay Wadaan Qorshe Ah Sidii Xeego Xeego U Noqon Lahayd ILkana U Nabad Geli Lahaa Inay Ku Cadaadiyaan Wadamadda Afrika Iyo Carabta Sidii Loo Aqoonsan Lahaa Somaliland, Somalilandna U Aqoonsan Lahayd Wadanka Taiwan.

Wadamadda Reer Galbeedku Markay Ku Guulaystaan Ka Shaqaynta Ay Ka Shaqeeyeen Aqoonsiga Labadda Wadan Somaliland Iyo Taiwan, Waxay Labadda Wadanba Ka Dhisanayaan Saldhigyo Milateri Oo Aad U Waawayn.

Wadamadda Reer Galbeedka Iyo Xulafadoodu Waxay Dhaqaale Xoog Leh Gelin Doonaan Asaaska Bulshadda Ee Goboladda Somaliland Yagoo Lug Ku Tegaya Deegaankasta, Degmo
Kasta Iyo Gobolkasta Oo Ay Indhahooda Ku Soo Arkayaan Xaqiiqadda Asaaska Bulshadda Ee Ka Jirta Goboladda Galbeedka Iyo Bariga Somaliland.

Wadamadda Reer Galbeedka Qorshahooda U Dambeeyaa Waxa Weeyaan Sidii Afar Dekedood Oo Caalamiya Laga Dhisi Lahaa Somaliland, Dekediiba Noqoto Ugu Badnaan
5 Km , Dekedahaas Oo Kala Ah Saylac, Berbera, Xiis, Iyo Laas Qoray, Laba Garoon Dayuuradeed Oo Caalamiya Oo Garoonkiiba Dhan Yahay Ugu Badnaan 15 Km, Garoomadaas Oo Kala Ah Ceerigaabo, Bariga Burco Gaar Ahaan Inta U Dhaxaysa Beer Iyo Ina Dhakool.

Wadanka Shiinaha Oo Aan Ogolayn In Shacabwaynaha Reer Taiwan Laga Qaado Cod Ay Ku Doonayaan Inay Ka Mid Ahaadaan Dhulwaynaha Shiinaha Ama Ay Noqdaan Wadan Ka Go'ay Kana Madax Banaan.

Waa La Doogiye Yaan La Dacaroon
Insha Allaah Wuu Soo Dhoow Yahay Aqoonsigii Somaliland, Qofkasta Oo Reer Somaliland Waa Inuu Halgan Adag U Galo Wadankiisa, Oo Aanu Noqon Calooshii U Shaqayste Wadankiisa Cadoow Ku Ah.
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO