Wednesday August 12th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Hodanimada Af-Soomaliga .W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

0
Friday July 10, 2020 - 10:34:57 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hodanimada Af-Soomaliga .W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Hodanimada Af-Soomaliga.W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hodanimada Af-Soomaliga.W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
Afku waa ka aynu ku hadalno aynu isku fahano waxna isagu sheegno.
waa siduu yidhi Abwaankii weynaa xeeldheerihii aqoonta badnaa Gabyaagii Qarnigii Tegay Xaaji Aadan axmed (Afqalooc) AHN.
-waa afkaad ku hadashiyo odhaahda liisaane.

Afku waa deeq iyo gallad alle uu ku bantookhay Aadmiga isagoo ugu manno sheegtay Ayuu eebe weyne yidhi علمه البيان .


markale nimcooyinkii ugu weynaa Ee Nabi Aadam loogu deeqay Eebena ku mannaystay waxa ugu muhiimsanaa inu Af baray oo Af idilkii uu baray waxaanu Eebe yidhi: وعلم ادم الااسماء

Dadyoowga Dunida ku nooli way ku kala duwan yihiin magacyada uu leeyahay Afku.

Soomaalida: (Af) baynu tidhaahdaa iyo Qaar badan oo kamid qolyaha kushitiga ah ee ku nool geeska afrika.

Oromadu: (Afaan) ayey yidhaahdaan afka
Canfartuna:(Af) ayey yidhaahdaan sida soomaalida.

Carabtu: لسان ayey yidhaahdaan.

Halka kuwa gaaladuna gaar ahaan kuwa ku hadla ingirisidu ay (Language) ay u yaqaaniin Afka.


Afku waa qalabka lagu fikiro, markale afku wuxu kamid yahay qalabka iyo Aalladaha culus ee dirirta iyo dagaalada loo isticmaalo, taana waxa cadeeyey Abwaankii weynaa geeraarshihii caanka ahaa Salaan maxamuud Xirsi( Salaan carrabay AHN). Waana kii lahaa:

-Afku wuxu la xoog yahay magliga xawda kaa jara.

Bal hadaba si aynu u ogaano in afkani hodan yahay bal ila fiiri gundheeri baaxadiisa iyo Erey badnaantiisa uu dheeryahay kuwa lajaalka ah.

Tusaalaha 1aad:

Marka aynu ka hadlayno wax si wada jira looga wada faaloonayo waxa aad isticmaali kartaa intan oo dhan.

-Gorfeyn
-Lafogur
-Faaqidid
-Faalayn
-Falkin.

Tusaale 2aad:

Marka aad rabto in aad af somali ku sheegto socod ama orod waxaad adeegsan kartaa ereyadan kuwaas oo ku tusaya in afku hodan yahay.

-Roor
-carar,
-fako
-kadlee
-cagaha wax ka dey
-isgan
-Naydheh
-xuf dheh
-isasii daa
-Big dheh
-Jaf dheh
-Jalaw dheh
- Bilig dheh
- Bood
-Baxso
-Jordho
-Huleel
- kasii daa.

Tusaale 3aad:

Mar aad rabtid in aad ka hadasho xili dhaxan ay jirto waxaad adeegsan kartaa ereyadan kuwaas oo kuu cadaynaya in aad dhamaantood aad wax isku mid ah aad u wada isticmaali kartid.
-Coolli
-Dheel
-Juube
-Haamaday
-Gabadano,
-Dimiq
-Gabayoox
-Gamboob
-Qajaje.
 
 
 
 
 
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO