Wednesday August 12th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

HORDHAC Buugga Transcend: The New Science of Self-Actualization

0
Saturday July 11, 2020 - 07:59:42 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC Buugga Transcend: The New Science of Self-Actualization

    HORDHAC Buugga Transcend: The New Science of Self-Actualization

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HORDHAC Buugga Transcend: The New Science of Self-Actualization
 Waxa qoray Dr. Scott Barry Kaufman. Waxaana uu kaga hadlaya horumarin iyo dib u habayn uu ku sameeyay aragti uu lahaa Abraham Maslow oo ahaa professor ku takhasusay cilmi nafsiga. Isaga oo ka mid ahaa dadkii aasaasay aragtida la magac baxday cilmi nafsiga binaadamka (Humanistic Psychology).
Aragtidaas oo ka mid ah aragtiyooyinkii ugu dambaysay ee soo if-baxa marka laga hadlayo aragtiyooyinka cilmi nafsiga.
TAARIIKH
Abraham Maslow waxa iigu horaysay inaan maqlo magaciisa ama aragtidiisan 2016, xilli aan qaadanayay kooras magaciisu ahaa hordhaca Cilmiga Psychology-ga
(Introduction to Pyschology). Inkasta oo aanan wakhtigaas ilaa hadana aanan ahayn arday barta cilmigaasi, laakinse wakhtigaas waxa aan aad u xiiseyn jiray maqaalada ama buugaagta laga qoro horumarinta nafta.


Dhibaatooyinka ama caqabadaha aan la kulmay wakhtigaas waxa ka mid ahaa:
In aanay jirin manhaj uu raaco qofka raba inuu horumariyo naftiisa.
In aanay jirin aragti guud oo isku xidhaysa dhinacyada kala duwan ee qofku u baahan yahay inuu horumariyo.

Laakinse markii aan maqlay, akhris dheeraad ahna ku sameeyay waxa aan arkay in aragtidaas uu bilaabay Abraham Maslow ay hayso jawaabta ugu fiican ee aan ka qabay labadaas caqabadood.

Qoraaga buuggan Dr. Scott Barry Kaufman isagana waxa aanu isku baranay qiyaas ahaan 2018 qoraal aad u qiimo badan oo uu ku qoray wargeyska Guardian oo ka hadlayay hibada (Talent).
Qoraagu waxa uu kaga hadlay qoraalkaas nolol adag oo uu ku soo koray iyo in isbedelka noloshiisa ku dhacay uu sabab u ahaa Abraham Maslow. Isaga oo buugan ka dhigay abaalgud iyo mahadnaq uu u hayo macalinkiisii Abraham Maslow. Nolosha qoraagu soo maray cidii rabta inay waxa ka ogaato waxay ka heli kartaa qeyb ka mid buuggan iyo qoraalka uu kaga hadlayo mawduuca hibada ee uu ku qoray wargeyska Guardian. Waxa keliya xusid mudan in qoraaga buugani uu yahay aqoonyahanada ku jecleysiinaya aqoonta.Taas oo aan is leeyahay waxa sabab u ah dhaqanka is-dhul dhiga (Humility) oo uu ka mid yahay dadka aad u qiimeya una muujiya dhaqankaas.

Soo koobista buuggan waxa aan ka soo qaadan doona qeybaha aan aragti ahaan u arko inay muhiim yihiin si aanay xiisaha iyo faa’idada ku jirta akhrinta buugan aanay meesha uga bixin. Laakinse waxa hubaal in buugan aan jeclaan lahaa inuu qofkasta akhriyo.


Waxa igu kalifay inaan buuggan soo qaato waxa aan ku soo koobi doonaa saddex sababood :
In labadan qoraa ay saamayn aad u weyn ku yeesheen noloshayda.Taas oo igu kelifaysa diin ahaan , dhaqan ahaan iyo fikir ahaan in aan u mahadnaqo una abaalgudo. Dhinaca kale aragtidan Maslow waxa aad ka baranaysaa qiimaha ay leedahay inaad la timaado ama barato dhaqanka mahadnaqa.
Bulshada Soomaaliyeed oo in badan oo ka mid ahi aanay qiimeyn ama aanay aqoonin faa’idada ku jirta cilmi nafsiga binaaddamka (Humanistic Psychology), iyo guud ahaan dheefta laga heli karo culuumta lagu magaacbo culuumta Bina-aadamka(Humanities).
Nin dhalinyar ah oo aan saaxiibo nahay ayaa I weydiiyay maalin maxaa faa’ido ku jirta inuu qofku wax ka barto culuumta binaaddamka iyo gaar ahaan cilmi nafsiga?Taas oo sabab u noqotay inaan wax ka qoro su’aashaas.


Ugu horeyn waxa aan wax ka tibaaxayaa faai’dada ka dhalan karta in la barto ama waxa laga akhriyo culuumta Bina-aadamka(Humanities). Culuumtan oo aan wax ka akhrinayay shanti sanno ee u dambaysay. Aragti ahaana waxaan anigu ka faa’iday ama waxa aan is leeyahay waxa laga dhaxli doonaa waxa ka mid ah :
Waxa ay fursad kuu siinayaan inaad hesho ama soo saarto bulsho ka fikiraysa, ama leh awoodii ay ku daraasayn lahaayen dhibta iyaga gaar ahaan haysata ,bulshadooda haysata ,ama adduunka oo dhan ka jirta . Kadibna isku dayi doonaa inay xalal u raadiyaan dhibaatooyinkaas.
Waxay kaa caawinaysaa inaad hesho bulsho awood u leh inay xakamayso dareemahooda iyo rabitaankooda , oo aan noloshooda ku maamulayn maxaan jeclay iyo maxaan necbay. Balse noloshooda ku haga maxaa ii dan ah ama aan u baahanahay si aan u gaadho horumar dhamaystiran.
Waxay fursad kuu siinaysaa inaad lahaato dhiirigalin gudeed (Intrinsic Motivation.)
Waxay fursad kuu siinayaan inay yeelato noloshaadu macne , ujeedo ama hadaf qiimo leh oo aad rabto inaad xaqiijiso.
Waxay kaa dhigayaan qof dulqaad badan oo aqbali kara fikrado kala jaad ah, sidoo kalena la noolaan kara dad leh aragtiyo iyo dhaqano kala duwan.
Waxay kaa dhigayaan qof wax xalin kara, waxna baadhi kara isaga oo isticmaalaya hababka ay ka mid tahay sabab iyo saamayn(cause and effect) . Walibana waxay kaa caawinayaan inaad arrimaha daraasayn karto xalna ula iman kara iyada oo aanay meesha ku jirin caadifad iyo danaysi.
Waxay kaa dhigayaan qof leh aragti fog (Visionary).
Waxay horumarinayaan awoodaada hogaamineed (Leadership).Sidoo kalena waxay ku barayaan qiimaha ay leedahay wada-shaqayntu(Teamwork).
Waxay kaa caawinayaan inaad la yeelato bulshada xidhiidho togan (Positive relationships).
Waxay kaa dhigayaan qof nolosha abuura laakinse aan ahayn qof ka jawaaba xaaladaha nolosha. Tusaale beri maxaan samayn doona waa abuuris iyo qorsheyn.Laakinse hadaad iska soo kacdo waxaad samayn doontaa ama ka jawaabi doontaa kolba wixii kusoo dhaca maskaxdaada ama ka jira deegaankaaga aad ku nooshay.
Waxay maskaxdaada u carbinaysaa inay isticmaasho fikirka iyo maxaa faa’ida ii leh marka ay go’aan gaadhayso. Laakinse aanay isticmaalin dareenka iyo maxaan rabaa amase fudud.
Waxay kaa dhigayaan culuumtani inaad qiimeyso binaadam-nimada oo aad u naxariisto bulshada oo dhan. Waxay kaa saarayaan fikirka ah dabool baahiyaha naftaada iyo baahiyaha dadka inta kuugu dhaw. Iyada oo ku baraya inaad ka fikirto ama xaliso dhibaatooyinka caalamka haysta.Waxay kaa dhigayaan qof caalami ah (global citizen).
Waxay kaa caawinayaan inaad qiimeyso ama qadariso wakhti xaadirka aad nooshay,Iyaga oo yaraynaa fikirka badan ee dadku inta badan ay ka fikiraan wixii tegay ama waxa soo socda.
Waxay sabab u noqon doonaan inaad naftaada xisaabiso (Self-reflect).Taas oo sabab u noqon doonta in aad damiir yeelato ama damiirkaagu (consciousness) kor u kaco.
Waxay sabab u noqon doonaan inaad barato waxa aad ku fiican tahay, Taas oo kaa caawin doonta inay noloshaadu yeelato xasilooni (tranquility) ,ujeedo(meaning) iyo inaad gasho xaalad aad ka dhexbaxayso ama aad isku ilaabayso wax aad qabanayso( flow state ).
Waxa aad gaadhi doontaa xaalad aad jeclaysayn doonto waxa aad qabto oo aanad dareemi doonin gaajo iyo wakti toona (Flow state).
Waxay kaa caawin doonaan inaad la qabsato , la noolaan karto kana cabsan doonin ama ka wer-weri doonin dhibaatooyinka nolosha ee aan la saadaalin Karin sida xanuunada,geerida, faqriga ,IWM.
Waxay kaa dhigayaan xubin firfircoon oo bulshada qiimo iyo waxtar ku leh. Taas oo ay sabab tahay horumarinta iyo kobcinta ay kobcinayaan naxariista qofka (empathy),barista ay qofka barayaan qiimaha uu leeyahay wax-wada qabsigu(cooperation) . Sidoo kalena qofka waxay tusayaan ama barayaan qiimaha ay leedahay iyo faa’idooyinka ku jira ama ka dhalan doona inuu bulshada dhexdeeda saamayn ku yeesho (impact).
Waxay kobcinayaan awoodaada feejignaan (Attention). Iyaga oo kaa caawinaya inay kugu yaraato inay maskaxdaadu baxdo marka aad wax qabanayso (mind wandering), iyo inaad dib-dhigto ama dhayalsato shaqadii aad qaban lahayd(procrastination).
Waxay ku barayaan culuumtani cashar aynu dhamaanteen u baahan nahay oo ah inaad inaad qimeyso xaqa uu u leeyahay qofkastaa inuu helo cadaalad iyo xuriyad.
Abraham Maslow waxa uu u sameeyay aragtidiisa hab ah sida ahraamta oo kale (pyramids). Laakinse dad badani waxay u fahmaan in ay yihiin qaar si isku xiga loo samaynayo oo u baahan in hoos laga soo bilaabo ilaa kor laga gaadhayo .Balse arrintu waa mid sidaas ka duwan.

Buuggani waxa uu isku dayayaa in sharaxo aragtida Maslow . Sidoo Kalena uu ka dhigo aragtidaas mid la jaan-qaadaysa qarniga 21aad.
Si guud buuggani wuxuu ka jawaabaya labadan su’aalood:
Sidee ayaad u gaadhi kartaa ama u xaqiijin kartaa nolol dhamaystiran
(Self-actualization)?
sidee ayaad u gaadhi kartaa nolol dhamaystiran oo sareysa (Transcendence)?
HORDHACA BUUGGA
QORAAGA AYAA WAXA UU YIDHI HADALKAN:
‘Intii aan ku gudo jiray shaqooyinka kala duwan ee aan qaban jiray ,waxyaabaha ugu badan ee aan arkay waxa ka mid ahaa in qofka awooda uu leeyahay , nooca ama heerka horumar ee uu samayn karo ay u yeedhiyaan ama ay u go’aamiyaan dad kale. Tusaale waalid ama macalin ayaa qofka dhalinyarta ah ku jiheeya wadada ay igu moodayaan inay ku guulaysan doonaan. Laakinse qoraagu waxa uu ku doodayaa in dadku ay kala duwan yihiin oo aanay suuragal ahayn in guusha ay si kaliya ama wado keliya u wada maraan”.
Aragti ahaan(ANIGU) waxaan aan qabaa in qofka dhalinyarta ah la siiyo fursad uu ku ogaan karo waxa uu xiiseyo ama uu rabo inuu qabto.

Dadku noloshooda heer ka gaadhay waxa uu Maslow ku sifeeyay inay leeyihiin tilmaamaha deeqsinimada , hal-abuurnimada,geesinimada iyo qaar kale oo aynu arki doono.

Maslow aragti ahaan wuxuu aaminsanaa in haddi bulshadu ay baahiyaha aasaasiga ah ee qofka daboosho ,ee ay ka mid tahay xuriyada hadalka ; inay ka caawiso qofka inuu kobciyo awoodihiisa gaarka u ah iyo waxa uu xiiseyo . Sidoo Kalena ay u suurtagaliso inuu bulshada dhexdeeda ka helo cadaalad iyo sinaan .Waxay natiijadu noqon doontaa in la helo binaadam ama bulsho tilmaamo iyo sifooyin wanaagsan leh.

Qeybta koowaad ee buugga qoraagu waxa uu kaga hadlayaa baahiyaha aasaasiga ah ee qofkasta uu baahan yahay. Isaga oo u qeybinaya saddex.

Baahiyaha Jiritaan (safety) oo ay hoos imanayaan baahiyaha assaasiga ah oo dhan sida ammniga ,cunnada, dharka iyo hoyga(meesha uu qofku degi lahaa ) .
Maslow waxa uu yidhi hadalkan cajiibka ah runtii "Hadaad rabto inaad aragto dhinaca xun ee dadka keliya ku rid gaajo daran oo joogto ah”
Qoraaga buuggu waxa uu si fiican uga hadlay gaajada iyo dhibta ay leedahay.

Baahida labaad ee baahiyaha qofku u baahan yahay waxa uu ku sheegay baahida uu qofku uu u qabo inuu xiriiro bulshada la yeesho.
Baahidani waa mid bina-aadamku ku abuuran yahay .Taas oo ah inuu helo xidhiidho joogto ah , xidhiidho taban oo saamayn ku yeelan doona dareemadiisa ,fikirkiisa iyo dhaqankiisa.
Waxa uu qoraagu leeyahay xiriirada bulshada aynu la yeelano waa meesha aynu raaxada ugu badan ka helno nolosheena . Xiriradan oo noocyo badan yeelan kara sida mid jacayl, IWM.
Haddii aynu leenahay xidhiidho tayo leh sida saaxiibo fiican, waxay inaga caawin doonaan in aynu korno horumarna samayno.


Baahida saddexaad oo ah inuu qofku naf ahaan dareemo inuu yahay mid qiime ku dhex leh bulshada , oo uu gaadho guul ay bulshadu ku majeerato(achievement).
Haddii uu qofku baahidan xaqiijin waayo waxa dhici karta inuu dareemo kalsooni darro iyo in uu isku arko in aanu lahayn karti. Waxaanad xasuus-naataa in guulaha iyo guul-darooyinka noloshu ay yihiin waxa dhisa ama burburiya kalsoonida gudeed ee qofka
(self-esteem).


Gunaanadka qeybta koowaad ee soo koobista buuggan waxaan ku soo koobayaa :
Si guud baahiyaha jiritaanka haddii ay meesha ka baxaan waxa ka baxaysa kalsoonidii ay bulshadu dhexdeeda isku qabtay.Taas oo sabab u noqonaysa inay dadku kala shakiyaan oo aanay wax wada qabsan Karin.

Dhinaca kale xaqiijinta baahiyaha aasaasiga ahi waa bar bilawga safarka aad ku gaadhi karto nolol dhamaystiran oo saraysa. Walibana xaqiijinta baahiyaha jiritaan ee qof waxay gun-dhig u noqonayaan inuu qofku la yimaado isku-dayo kala duwan oo uu noloshiisa ku horumarinayo ,una horseedaysa inuu bilaabo sahaminta wadadii uu ku gaadhi lahaa noloshaasi(Exploration).

Dhamaanteen waa aynu gaadhi karnaa noloshaa dhamaystiran laakinse caqabada baahiyaha aasaasiga ah ayaa ina hor taagan.
Taas oo sabab u noqota in qofku noloshiisa oo dhan ku qaato sidii uu baahiyahaas u dabooli lahaa.Waayo si qofku horumar sameeyo ,waxa uu u baahan yahay nolol xasiloon oo baahiyihiisii la daboolay ama la damaanad qaaday , taas oo ah mid ay adag tahay in ay dadka Soomaaliyeed ee haddana nooli ay wada gaadhan.

Aragti ahaan qoraagu waxa uu aaminsanyahay in si aad u dareento inaad tahay qof qiimo ku dhex leh bulshada, waa inaad :
La yeelato xidhiidho dhab ah dad iyaguna raba inay koraan balse aan rabin keliya inay baahi abuureed daboolan. Si aad u wada kortaan.
Inaad kobciso xirfadahaaga iyo kartidaaada , si aad u yeelato waxa uu ugu yeedhay qoraagu faanka wanaagsan(healthy pride). Taas oo kaa caawin doonta in aad si fudud ugu gudubto qeybta labaad.

Mararka qaar waxa dhaca in xiriirada uu qofku bulshada la leeyahay ama uu rabo inuu la yeesho , sidoo kale qiimaha uu rabo inuu bulshada ku dhex yeesho ama ku leeyahay; ay caqabad ku noqoto inuu gaadho qeybta labaad.

Tusaale ahaan fikirkaaga koowaad ha ka dhigin inay bulshadu ku qadariso ama ku jeclaato. Waayo taasi waxay keeni kartaa inaad bulshada u noolaato adiga oo samaynaya wax kasta oo bulshada ku jecleysiin kara. Taas oo kaa dhigaysa inaad noqoto qof ilaalinaya magac iyo maamus.Arrinkaas oo meesha ka saari kara inay noloshaadu yeelato macne iyo ujeedo( qeybta labaad).
Si kooban hadaan u sheego waad ka boodi kartaa qeybta labaad iyo saddexaad ee baahiyaha aasaasiga si aad u gaadho qeybta saddexaad.Waayo waxa ku jira dabino suuragalin kara inaad u gudbi weydo qeybta labaad.

Waxa halkaa ku dhamaaday qeybta hoose ee doonta ( eeg sawirka hoose).

LA SOCO QEYBTA LABAAD


 




Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO