Wednesday August 12th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Wasiir Goodax Barre Oo Markale Shaaciyey In DF Aysan Shahaado Siin Doonin Ardayda Puntland

0
Monday July 13, 2020 - 09:53:38 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Goodax Barre Oo Markale Shaaciyey In DF Aysan Shahaado Siin Doonin Ardayda Puntland

    Wasiir Goodax Barre Oo Markale Shaaciyey In DF Aysan Shahaado Siin Doonin Ardayda Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Goodax Barre Oo Markale Shaaciyey In DF Aysan Shahaado Siin Doonin Ardayda Puntland

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo wareysi siiyey VOA ayaa markale ku dhawaaqay in dowladda dhexe aysan shahaado siin doonin Ardayda Imtixaanka ku gashay Puntland.

Goodax Barre ayaa shaaciyey in ardayda aan-gelin imtixaanka qaran ee ay qaadeyso wasaaraddiisu aysan ku laheyn wax shahaado ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland aysan u diyaar saneyn inay dadkeeda wax la qeybsato, si la mid ah dowlad goboleedyada kale.

"Puntland uma diyaarsana in ay Ardayda ka qaadaan Imtixaanka Shahaadiga ee Dowladda Federaalka, Arrintaas ulama jeedno in aan diidanahay u madax banaanida qaadista Imtixaanka, balse waa isku mid guud ahaan Ardayda oo aan bixinta Deeqaha ku qiimeynayo kala sareynta, Sidee ayaan u qiimeynaa Arday aan Imtixaan ka qaadin”? ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Valueimpression Placeholder

Wasiirka waxbarashada oo sii hadlayey ayaa sheegay in waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ay ku qanacsan yihiin go’aanka dowladda dhexe, balse ay kaliya ka soo horjeedaan madaxda Puntland, isaga oo shaaciyey inay ku doodayaan arrimo aan jirin.

"Waalidka iyo Ardayda waxa aan hubaa in ay ku qanacsan yihiin go’aanka Dowladda dhexe, madaxda Puntland waxaa muuqata in aysan u diyaarsaneen wax ka qaybsiga Walaalahood Soomaaliyeed, waxa ay ku doodayaan in duruusta ay qaataan ay ka duwan yihiin Ardayda kale”. ayuu markale yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Waa sanadkii labaad oo uu khilaaf dhinaca waxbarashada, gaar ahaan qaadista imtixaanaadka uu soo gala dhex-galayo dowladda federaalka iyo Puntland oo haatan isku haya dhanka siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka, waxaana 2019-kii xiisada dhinaca waxbarashada ku baxay xildhibaanno, Senataro iyo Wasiiro oo xaliyey arrintaasi.


Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO