Tuesday August 04th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Ereyga jaraguur, waa erey ay adeegsadaan - inta badan; dadka ciyaara ciyaaraha fadhi-ku-dheelka ah

0
Saturday July 18, 2020 - 08:32:41 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ereyga jaraguur, waa erey ay adeegsadaan - inta badan; dadka ciyaara ciyaaraha fadhi-ku-dheelka ah

    Ereyga jaraguur, waa erey ay adeegsadaan - inta badan; dadka ciyaara ciyaaraha fadhi-ku-dheelka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ereyga jaraguur, waa erey ay adeegsadaan - inta badan; dadka ciyaara ciyaaraha fadhi-ku-dheelka ah
Sida: shaxda, shantaradka, jesta (chess), dubnadda iyo kuwa la halmaala ee fadhiga iyo fikirka badan u baahan. Jaraguurku waa hab u baahan ka fiirsasho iyo foojignaan fara badan- inta aanad wax falin! Jaraguurku wuxu kaaga baahan yahay, foorar iyo fikir badan. Waana arrinta keenta, in xilliyada qaarkood la is hor fadhiyo muddo dheer; iyada oo aan shay keliya la dhaqaajin ama god keliya la guurin! Jaraguurku wuxu u baahan yahay: lafagur, foojignaan, fiiro dheer iyo maskaxda oo aad tuujisid! Qofka jaraguurayaa wuxu iska ilaaliyaa, god kasta oo khatar ku ah dheeshiisa oo guul u soo jiidi kara dhinaca kale ee la loolamaya.


Waxa iyaduna sidaasi ka dhigan,diblamaasiyadda (the diplomacy).Haddaba, haddii aanad jaraguurkeeda aqoonin; waxa laga yaabaa, in aad hadhow ka qoomamootid god qaldan oo aad degtay! Macnaha halkaasi ku jiraa waa, "inta aanad falin ka fiirso!"

Haddii aynnu jaraguurkaasi ku salaynoqadiyadda aqoonsi raadiskaSomaliland - gaar ahaanna dhinaca diblamaasiyadda- waxaynnu u baahannahay, foojignaan iyo ka fiirsasho fara badan. Taasi oo lagu salaynayo, halhayskii soomaaliyeed ee odhan jirey," Fallaadh kugu soo noqon doonta lama riddeeyo!"

Iyada oo ku ammaanan,wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamigaah ee Somaliland; waxay dhawaanahan qaadday dhawr tallaabo oo diblamaasiyadeed.

Tusaale ahaan: xidhiidhkadiblamaasiyadeed ee dhexmarayTaiwan iyo Somaliland,haddii uu xidhiidhkaasi keenayo, in ayShiinaha iyo Somalilandcolloobaan, ma odhan karnaa xidhiidhkaasi waa guul? Taasi macnaheedu maaha, ha la fadhiisto oo ayaan far la qaadin ee waa hala jaraguuro. Shiinuhu maanta siyaasadda adduunka waa buur -buurna waa lagu tiirsadaa. Bal u fiirso galaangalka iyo duufsiga u ku yeelan karo, xidhiidhka inaga iyo Itoobiya innoo dhaxeeya iyo guud ahaanba saamaynta uu maanta Shiinuhu ku leeyahay waddamada soo koraya ee adduunka!

"Kol la foodhyana fadhi laga roon!"waxa iyaduna agtaalla, "Waad baahan tahay, looma bahalo cuno!"

Sidaa iyo qormo kale oo xiiso leh, idam Allah.

Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email:[email protected]


 
 
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO