Tuesday August 04th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

REER AWDAL MA XUQUUQ KA MAQAN AYAY DOONAYAAN, MISE IN MID DHEERAD AH LOOGU DARO?

0
Tuesday July 21, 2020 - 16:58:11 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    REER AWDAL MA XUQUUQ KA MAQAN AYAY DOONAYAAN, MISE IN MID DHEERAD AH LOOGU DARO?

    REER AWDAL MA XUQUUQ KA MAQAN AYAY DOONAYAAN, MISE IN MID DHEERAD AH LOOGU DARO?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

REER AWDAL MA XUQUUQ KA MAQAN AYAY DOONAYAAN, MISE IN MID DHEERAD AH LOOGU DARO?

tabashooyinka sami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee Somaliland, waxay ka imanaysaa sedddex jaho oo kala ah:- dadka laga tirada badan yahay, dumarka iyo gobolada aan ku qanacsanayn tirada xubnaha golaha wakiilada ay hadda ku haystaan. Waxaan se halkan si kooban isu-dultaagi doonaa haddii Alle idmo tabashada gobolka Awdal.

Gobolka awdal waxa uu ka mid yahay, gobolada uu ka jiro saluuga ugu badan, marka la eego saamiga uu hadda ku haysto goloha wakiilada.

Waxa kale oo aynu ognahay in markasta oo la soo hadal qaado doorashada golaha wakiilada ay xaraaradda siyaasada ee gobolka awdal cirka isku shareerayso.

Hadaba su'aashu ugu mudani waxay tahay, gobolka awdal ma xaq uu leeyahay baa ka maqan, mise waxa uu doonayaa in xaq dheeraad ah loogu daro saamiga uu hadda ku haysto golaha wakiilada?.

Inkasta oo laga yaabo in su'aashaa jawaabteeda lagu kala duwanaado, oo ay dadka qaar dhinac kale ka eegi-karaan, anigu se waxaan si dhiirasho leh u odhanayaa, gobolka awdal waxa uu doonayaa in la siiyo sad ka badan inta uu xaqa u leeyahay, waana midda ay salka ku hayso tabashada baasan ee ka jirta gobolka awdal.

Waxa jira halbeegyo ay dunidu wax ku qaybsato, marka laga hadlayo saamiga kuraasta xubnaha golaha wakiilada ee uu gobol waliba ka heli karo tirada guud ee uu qaran leeyahay. Waxa halbeegyadaa ugu caansan oo aynu soo qaadan karnaa, waa ta lagu saleeyo tirada bulsho ee gobol walba ku nool.

Hadaba iyada oo ay jirto in aan Somaliland wali laga sameynin tirakoob dad weyne oo dhamaystiran, kaa soo lagu ogaan lahaa tirada dhabta ah ee gobol walba ku nool, hadana waxa jira minqiyaasyo kale oo gundhig u noqon kara is bar-bar-dhig lagu sameeyo, kala badnaanshaha tirada bulsho ee gobol walba ku nool.

Waxaanaynu soo qaadan karnaa diiwaangalinihii iyo doorashooyinkii faraha badnaa ee Somaliland ka soo hirgalay 18-sano ee ugu den-beeyay. Iyada oo gobolka sool iyo sanaag bari mooyaana inta kala ay si fiican uga qabsoomi jireen doorashooyinkaa iyo diiwaan-galinaha aynu soo marnay.

gobolka maanta ugu cabasho badani waa gobolka awdal, oo marka laga hadlayo arrinta sàami-qaybsiga golaha wakiilada ay meel xaa-saasi ah ka marayso.

Hadaba haddii aan soo qaato tirada kaadhadhka ka qaadatay gobolka awdal diiwaan galintii 2008-kii, oo waliba barigaa reer awdal loogu daray wakhti dheeraad oo ka badan intii markii hore loo qoondeeyay, waxay tirada boqolleyda (percentages) reer awdal ka ahaayeen 16.5% oo muujinaysa inta ay ka yihiin bulshada reer Somaliland.

2017-kii dadkii kaadhadhka qaatay waxay reer awdal ka ahaayeen 14.5% tirada boqolleyda (percentages). Haddii average-ka labadaa tiro lasoo saarana waa 15.5%.

Marka tirada boqolleyda ay haystaan reer awdal lagu dhufto tirada xildhibaanada golaha wakiiladu uu hadda ka kooban yahay, waxay tirada saami ee ay reer awdal golaha wakiilada ka heli karaan noqonayaa 15.5%×82= 12.71 xildhibaan. Halka ay imika ka haystaan 13-xildhibaan. Waxaanay arrintaasi farta ku fiiqaysaa in aanay reer awdal wax ka maqani jirin marka laga hadlayo tirada ay hadda ku haystaan goloha wakiilada.

Bulshada ku dhaqan gobolka awdal iyo kuwa ku dhaqan gobolada kaleba baahida ay qabaan, way ka dhumuc weyn tahay, kuraas ay ku fadhiistaan shaqsiyaad kooban, oo waliba marka ay ku fadhiistaan dheefta ay ka helaan guryahooda oo qudha ku koobnaandoonto.

Waxa haboon in aynu busho ahaa la nimaado dhabihii ayn ku horumarin la hayn dowladnimadeena iyo dhaqaalaheen. Sidoo kale aynu dhisi la hayn bulsh ilbax ah ooh an iyo himilo xab=mbaarsan.

 

No description available.

Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO