Tuesday August 04th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

QABSOOMIDDA DOORASHOOYINKA WAKIILLADA IYO DEEGAANKA WAXUU SOO NOOLEEYAY Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

0
Wednesday July 22, 2020 - 08:59:41 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QABSOOMIDDA DOORASHOOYINKA WAKIILLADA IYO DEEGAANKA WAXUU SOO NOOLEEYAY Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

    QABSOOMIDDA DOORASHOOYINKA WAKIILLADA IYO DEEGAANKA WAXUU SOO NOOLEEYAY Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QABSOOMIDDA DOORASHOOYINKA WAKIILLADA IYO DEEGAANKA WAXUU SOO NOOLEEYAY Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

MADAXWAYNE MUUSE HADUU KA DHABEEYO QABSOOMIDDA DOORASHOOYINKA WAKIILLADA IYO DEEGAANKA WAXUU SOO NOOLEEYAY RAJADII DHIMATAY EE DIMUQURADIYADDA SOMALILAND

HOOSTA KA AKHRI QODOBADA DASTUURKA EE QEEXAYA AWOODDA IYO WAAJIBAADKA WAAXDA GARSOORKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND …

Maalin walba waayaheedu wuu ku lammaan yahee,muddo toban sannadood ah waxay golaha wakiilladu kuraasta ku fadhiyaan muddo kordhin ay u samayso golaha guurtidu,halka golaha guurtidu ay kuraasta ku fadhiyaan dhaxal iyo muddo kordhinta ay isku sameeyaan Saddex muddo xileed oo 18 Sannadood ah,iyagoo wali ku taamaya in ay sii joogaan muddo kale.Alle tooda kama yeelee.

Dhanka kale,nidaamka siyaasadeed waxuu tilmaamaya in kooto loogu xidhay xuquuqdii dastuuriga ahayd ee muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ay lahaayeen,iyadoo muddo kordhintu quus iyo rajo beel ku riday muwaadiniintii hanka siyaasadeed lahaa,waxaanay xaaladoodu maraysay maahmaahda soomaaliyeed ee odhanaysa"Waraabe dhankii loo eryaaba waa u bannaan".Qaab dhismeedka dawladda Somaliland waa mid ku cad dastuurka,waxaanu qarankani ka kooban yahay saddex waaxood oo kala madax bannaan,si ay isku dheeli tiraan saddexda waaxood,isla markaana isla xisaabtanka iyo koboca maamul wanaaggu u noqdo mid kordha maalinba maalinta ka dambaysa,sida ku cad :-Qodobka 37 aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland faqradiisa Labaad .

2. Dhismaha qaranku waxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah Xeer dajinta,Fulinta iyo Garsoorka,kala xadaynta saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida dastuurku dhigayo,waax waliba awoodda dastuurku u gaar yeelay way u madax u bannaan tahay .

Hadaba dabayaaqadii sannadkii hore ee 2019 siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga oo magac iyo maamuusba ku leh dadka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland.Xillal kala duwan oo heer wasiirrana ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay,waxay maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad ay kaga codsadeen in maxkamadda sare u fasirto sharcnnimada muddo kordhinta ay sameeyaan golaha guurtidu oo markii 6 aad ay u kordhiyeen golaha wakiillada muddo laba sanno ah,halka golaha guurtidu isku kordhiyeen markii 7 aad muddo saddex sanno ah.Iyadoo maxkamadda sare dacwadaa dib ugu soo celisay,kuna sabobaysay soo celinta magaca madasha wada tashiga ee ay sheegteen. Mar kale,waxay siyaasiyiintani ka tanaasuleen sheegashada magacii,waxayna maxkamadda sare dacwaddii dib ugu celiyeen,iyagoo muwaadiniina,inkastoo dacwadaasi ayna noqon mid dariiq sharciya ku dhammaata,balse muwaadin dhugu qodobada dastuurka ee sida cad u qeexay xilka iyo waajibaadka uu dastuurka Somaliland uu ku waajibiyay waaxda Garsoorka.

Waxaa taariikhda ku xusan in Madaxwayne Maxamad X Ibraahin Cigaal Alle ha u naxariistee mar uu sharaxaad ka bixinayay dhismaha dawladeed ee Jamhuuriyadda Somaliland uu ku tilmaamay tiirka udub dhexaad ku ah dawladda Somaliland in uu yahay waaxda xeer dajinta. Balse nasiib darro halka qaranka Somaliland maanta ka liigayo ee uu dheeliga ku yeeshay waa waaxda xeer dajinta Wakiillada iyo Guurtida,mar hadii uu shaki ku jiro jiritaanka sharciyeed ee labada gole Wakiillada iyo Guurtida,ka dib markii Maxkamadda sare ay ka gaabsatay dacwadii ay u gudbiyeen madasha wada tashigu, isla markaana shaki galisay sharci ahaanshaha muddo kordhinta Golaha Guurtidu u samayso Golaha Wakiillada,halka Golaha Guurtidu isku kordhiyaan balse aynu dul joogsano qodobada dastuurka ee sida cad u qeexaya awoodda iyo waajibaadka waaxda Garsoorka .

Dastuurka Qodobka 97 aad Waaxda Garsoorka

1Waxuu qaranku yeelanayaa waax garsoor oo howsheedu tahay ka gar naqa dacwadda u dhaxaysa dawlada iyo dadka iyo dadka dhexdooda .

2. . Waaxda garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si waafaqsan dastuurka iyadoo ka madax bannaan waaxyaha kale .

Qodobka 98 Aad ee Dastuurka

1 . Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay .

b. In uu fasiro xeerarka ka soo baxa golayaasha qaranka iyo xeerarka dagdaga ah iyada oo la raacayo dastuurka .

t. In uu ka gar naqo khilaafka ka abuurma laamaha dawladda oo dhinac ah iyo dadwaynaha oo dhinac ah ama dadwaynaha dhexdooda .

j. In uu ka taliyo muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta dastuurka .

Waxaan qormada ku soo gunaanadayaahaduu Madaxwayne Muuse Biixi ka dhabeeyo qabsoomidda Doorashada Golaha Wakiillada Iyo Golayaasha Deegaanka Dabayaaqada Sannadka 2020 waxay Taariikhdu ku xusi doontaa Hoggaamiyihii soo Nooleeyay Rajadii Luntay ee Geeddi Socodka Dimuquraaddiyadda Somaliland. Alllow waa taada tii kaleba waa been.

QALINKII:- ABWAAN SACAD X MAXAMUUD GADHLE .


Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO