Tuesday August 04th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

YAA INQILAABAY XUKUUMADII KHAYRE ? MAXAY U INQILAABEEN? MAXAYSE SAAMAYN KU YEELAN KARTAA SIYAASADII GEESKA AFRIKA KA MUUQATEY?

0
Sunday July 26, 2020 - 16:28:56 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    YAA INQILAABAY XUKUUMADII KHAYRE ? MAXAY U INQILAABEEN? MAXAYSE SAAMAYN KU YEELAN KARTAA SIYAASADII GEESKA AFRIKA KA MUUQATEY?

    YAA INQILAABAY XUKUUMADII KHAYRE ? MAXAY U INQILAABEEN? MAXAYSE SAAMAYN KU YEELAN KARTAA SIYAASADII GEESKA AFRIKA KA MUUQATEY?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

YAA INQILAABAY XUKUUMADII KHAYRE ? MAXAY U INQILAABEEN? MAXAYSE SAAMAYN KU YEELAN KARTAA SIYAASADII GEESKA AFRIKA KA MUUQATEY?
Xukuumadii raysal wasaare Xasan cali khayre ee soomaaliya ka jirtey waxaa laga inqilaabay sadex meelood oo hadafka inqilaabka ku wadasocda laakiin qaarbaa ujeedo gaara ka lahaayeen. Waxaad lawada socotaa in shirkii soomaaliya iyo soomaaliland ee jabuuti soomaaliland sheegtay in raysal wasaare khayre ugu baaqay soomaaliland in ay qaataan madaxweynaha iyo caasimada oo ayka noqdaan gooni isutaaga ayku adkaysanayso taasoo ah middii uu maraykanku watey iyo itoobiya in xukunka soomaaliya gacanta loo geliyo soomaaliland si ay siyaasadoodu ugu hirgasho, 
arinkaas waxaa ka cadhooday qadar, talyaaniga iyo putlaan, waxaana Isla wiigii ka danbaysey looga yeedhay qadar si loo yidhaahdo iscasil taasoo ay qadar u aragtay haddii xukunka soomaaliya gacanta u galo soomaaliland iyadu meesha ka baxayso ayna soogelayaan dawladaha ay sida adag isu hayaan ee imaaraadka iyo sucuudiga Isna uu ka diidey taasina aykeentay inay go,aansato inay inqilaabaan, dhinaca kale waxaa inqilaabka ku jirey dalka talyaaniga oo doonaya in haddii xukunka soomaaliya gacanta soomaaliland gasho ay siyaasada soomaaliya gacanta ku qabanayaan lamaanaha maraykanka iyo ingiriiska oo ay isaga meesha ka saarayaan, dhinaca sadexaad waxaa inqilaabka ku jirey putlaan oo talyaanigu wato Isla markaana siyaasada soomaaliya gacanteeda ku jirto soomaali ahaan oo ilaa lixdankii hortaagnayd in siyaasada soomaaliya aanay gacanta soomaaliland ku dhicin si aanay iyadu saaxada siyaasada uga bixin oo marna inqilaabtay raysal wasaare maxamed x. Ibraahin cigaal marna xilka qaadis ku samaysay raysal wasaare cali khalif galaydh oo labaduba soomaaliland ah iskuna siyaasad ahaa.


Hadaba waxaa maanta meesha ka baxaaya siyaasadii maraykanku hogaaminayey ee la doonayey in labada dal ee soomaaliya iyo soomaaliland dib laysugu celiyo iyo wadamadii ku taageerayey ee itoobiya ugu horeysey waxaana sidaa ku burburaya wada hadalkii soomaaliya iyo soomaaliland Isla markaana waxaa isku dhac siyaasadeed dhexmarayaa maraykanka iyo qadar maadaama ay ka hor timi qadar qorshihiisa maraykanka ee ahaa in soomaaliya iyo soomaaliland dib laysugu celiyo si aanay iyadu meesha uga bixin halka ay maanta isaga meesha ka saartay.

Dhinaca kale madaxweyne farmaajo iyo siciid deni ayaa qorshan Isla qaatay shirkii galmudug markii ay iyagu isku keliyeysteen si ay u hirgeliyaan siyaasadooda soojireenka ah una sameeyaan raysal wasaare cusub oo ay aad ula shaqeeyaan sidegdega ahna wax u qabta si ay wixii soomaaliya ka dhacay dusha ugu saaraan raysal wasaare khayre dinbigana looga leexiyo madaxweyne farmaajo taasoo ah sakaaro xaar la arkaayo ayay aas aastaa.
Hadaba ilaa hadda waxaa ka falcelisey maraykanka oo sheegay siduu uga xun yahay waxa dhacay halka itoobiyana lasheegayo inay u yeedhay farmaajo si ay wax uga weydiiso siyaasadiisa iyo isbedelka aan laysku ogeyn. Guud ahaan waxaan siyaasad caalami ahi hogaaminayn kama dhacaan aduunka khaasatan wadamada dhulka istiraajiitiga ah kuyaal iyo kuwa khayraadka ku duugan yahay.

Qore:maxamed aadan
Baadhe siyaasadeed
 
 
 
 
 
 

Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO