Sunday August 09th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Webiga Niilka Q1aad W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

0
Friday July 31, 2020 - 16:18:08 in Maqaallo by Wariye Khaliil Barre
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Webiga Niilka Q1aad W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Webiga Niilka Q1aad W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Webiga Niilka Q1aad W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
Webiga Niil dhererkiisu waa 6695km kaas oo dhexmara wadamo badan oo dhaqan ahaan kala duwan kuwaas oo ku yaalla Badhtamaha, bariga iyo Waqooyiga Qaarada africa ka hor inta aanu ku dhamaan bada midhitareeniyaanka.( mediterranean sea).

Webigan wuxu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah Niilka cad iyo Niilka buluuga ah kuwaas oo ka yimaada Afrikada dhexe iyo Buuraha dhaadheer ee ethiopia.
Niilka cad ayaa xoogaa ka balaadhan xaga qulqulka biyaha waxaanu saammeeyaa Siddeed Waddan oo kamid 10-ka wadan ee biyaha webigu ay maraan.

Niilka buluuga ahi wuxu kasoo unkamaa Buuraha dhaadheer Ee Ethiopia waxaanu ku qulqulaa Awood ilaa uu ku xidhmo Niilka cad kuna kulmaan dalka suudaan.
Webiga Niil magaciisu wuxu ka soo jeedaa kelmada giriig ah ee (Nelios)oo macneheedu yahay Dooxada webiga (River valley).
Webigani wuxu maraa 10 waddan oo badhtamaha, Barriga iyo Afrikada Waqooyi ah kuwaas oo kala ah: Burundi, DRC, Rwanda, Tansaniya, Kenya, Uganda, Ethiopia, Eritrea, Sudan iyo Masar( Egypt).
Webigan wuxu maraa dhul lagu cabirey 2.9 million km2 Taas oo u dhiganta 10% Dhulka Qaarada Africa.
Webiga Niil waa webiga ugu dheer Dunida aynu ku noolnahay, Niilka buluuga ahi wuxu guntiisu kasoo baxaa Harrada Taana ee Dalka Ethiopia sidoo kale Niilka cadi wuxu kasoo baxaa Harada Victoriya ee Uganda.
Webiga niilka la'aantii Dadka reer masar iyo dadka dawlada suudaan Ma jirri karaan xataa maalin keliya xataa hadii ay helaan Niilka hoose.
Fatahaadaha webiga niil waa yaryihiin celcelis ahaan marka qiimayn lagu sameeyo.
Masaaridu waa dadka ugu dambeeya Ee hela biyaha webiga niil, waa ay u dabaal degaan Imaansha qulqulka biyaha iyo fataahada biyaha madow ee uu siddo webigu kuwaas oo ka yimaada buuraha sare Ee Ethiopia, Waxaanay dadka reer masar ay u tahay calaamad Rajo gelisa iyo barwaaqo Aduun.
Markasta oo qulqulka biyuhu soo dib dhaco waxa uu sababaa macaluul iyo xaalado daran oo bulsho iyo mid dhaqaale oo soo wajaha dadka reer masar.
 
 
 

 
 
 
W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO