Tuesday August 04th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Turkiga Oo Imaaraadka Kula Xisaabtamaya Ficillo Xun Oo Ay Ka Gaysteen Dhowr Dal

0
Saturday August 01, 2020 - 12:29:50 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Imaaraadka Kula Xisaabtamaya Ficillo Xun Oo Ay Ka Gaysteen Dhowr Dal

    Turkiga Oo Imaaraadka Kula Xisaabtamaya Ficillo Xun Oo Ay Ka Gaysteen Dhowr Dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga Oo Imaaraadka Kula Xisaabtamaya Ficillo Xun Oo Ay Ka Gaysteen Dhowr Dal

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay "dal lagu shaqeyso oo dalal kale ugu adeega militari iyo siyaad ahaan, sidii la doonana loo leexiyo.”

Isaga oo cambaareynaya faro-gelinta Imaaraadka ee Libya iyo Syria, ayaa Akar wuxuu wareysi uu siiyeyAljazeeraku sheegay in Turkiga ay Imaaraadka waqtiga iyo goobta ugu habboon kala xisaabtami doonaan ficillada xun ee ay ka gaysteen Libya iyo Syria.

Akar ayaa Imaaraadka ugu baaqay inay ka fakaraan "sida ay u yihiin dal aad u yar iyo heerka saameyntooda, islamarkaana aysan faafin rabshadaha iyo musuq-maasuq.”

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka inay tagaeeraan "ururo argagixiso oo kasoo horjeeda Turkiga”, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay dhaawacaan Ankara.

 

Isaga oo ka hadlayey arrinta Libya, ayaa Akar wuxuu yiri: "Waxaan kula talinayaa Masar inay ka fogaadaan hadallada aan nabadda u horseedeyn Libya, ee taas bedelkeeda sii hurinaya dagaalka.”

"Haddii Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Masar , Ruushka iyo Faransiiska aysan joojin taageerada ay siinayaan afgambiga Libya, marnaba heshiis lagama gaari doono qalalaasaha Libya,” ayuu yiri.

"Dalalkan waa inay ka hor-istaagaan Khalifa Haftar inuu ku guuleysto damaciisa, ayna xaliyaan dhibaatada Sirta iyo Jufra,” ayuu yiri isaga oo tix raacaya labada magaalo ee uu ku xoogan yahay dagaal-oogaha, kuwaas oo hadda ay kusii jeedaan ciidamada dowladda Libya, lana filayo inay dagaalo ka dhacaan,

Turkiga iyo Qatar ayaa taageera dowladda Libya ee ay is-hayaan dagaal-ooge Jeneral Khalifa Haftar.


Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO