Tuesday August 04th, 2020
Dahabshiil
Telesom
Salaama Market
Youtube jobs

Xarakada Al-Shabaab Oo Si Rasmi Ah Uga Hadashay Xil Ka Qaadistii R/W Kheyre

0
Saturday August 01, 2020 - 12:36:31 in Wararka by Burco Office 2
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarakada Al-Shabaab Oo Si Rasmi Ah Uga Hadashay Xil Ka Qaadistii R/W Kheyre

    Xarakada Al-Shabaab Oo Si Rasmi Ah Uga Hadashay Xil Ka Qaadistii R/W Kheyre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Al-Shabaab Oo Si Rasmi Ah Uga Hadashay Xil Ka Qaadistii R/W Kheyre

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay xil ka qaadistii uu baarlamanka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisul wasaraihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre oo la riday sabtidii tagtay.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo jeediyey hadal ku aadan munaasabadda ciidda ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Soomaaliya "ay isku khilaafeen la dagaalanka diinta iyo kuwii u adeegayey,” sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa sheegay ceyrinta Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo baxday wixii ay ka qarinayeen shacabka, oo uu sheegay inay isugu muujinayeen kuwa dantooda ka shaqeynayey.

"Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, gaaladii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageereysayna ay canaanta la daba taagan yihiin, kana shallaaneyeso wixii hanti iyo taageero kaga baxay,” ayuu yiri Cali Dheere.

 

Cali Dheere, wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ay ku celcelin jireen, in ay yihiin madax daacad ah oo dalkooda u adeegaya, islamarkaana hormarkiisa ka shaqaynaya, balse kala-tagooda uu muujiyay in mid kasta uu watay dantiisa shakhsiyeed, sidaasna ay ku kala boodeen.

Sidoo kale, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tusaaleeyay in ay lamid tahay buul-caaro, oo si fudud ku dumaya, isagoo xusay in ay hadda cagta saartay wadadii burburka, kadib Ridistii Ra’iisul wasaare Khayre, sida uu yiri.

Cali Dheere wuxuu ka hadlay duqeyn diyaaradaha Maraykanku ay laba maalmood ka hor ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay saddex carruur ah oo keliya, balse aysan jirin xubno ka tirsan kooxdooda oo ku dhintay.


Top 10 Hotels of Somalia
Halkan Ka Daawo: Barnaamijkeeni Aqoon Kororsi; Inako Maanta Diirada Ku Saarayna Tobanka Qof ee Aduunka Ugu Hantida Badan Sanadkan 2020
Halkan Ka Daawo Barnaamij Ku Saabsan 10Ka Dal ee Dunida Ugu Yar
Halkan Ka Daawo Barnaamijki Aqoon Kororsi 10 Dal ee Dunida Ugu Weyn Top 10
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Ciida iyo Fanaan Qaasim Macruuf
DAAWO: Beesha Sanbuur Bari Oo Waayelkeda Waxgaradkeda Iyo Guurtidu Si Adag Uga Hadlaya Nin Beeshaas Kasoo Jeeday Oo Ceelafweyn Lagu Dillay Iyaga oo Sheegay Inay U Fadhiyan In La Keeno Gacan Ku Dhiig Lihii
Barnaamijka Qaasin Macruuf Iyo Qisooyinka Heesaha
Halkan Ka Daawo: FULL BARNAAMIJ Dabaaldega Ciidanka Melateriga Ee Ku Sugan Gobolka Togdheer Oo Si Cajiiba Usoo Bandhigay Awoodooda Ciidan.
DAAWO: ABWAAN AADAN DIGAALE OO GABAYO CAJIIB AH RIRIYAY KUWAAS OO ISUGU JIRA NABADA JACAYLKA IYO ARIMO KALE WARAYSI DHEER OO LALA YEESHAY
Halkan Ka Daawo:Barnaamijka Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland 2019.
WAREYSIYO